Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Riwaayada Radio Jigjiga, iyo Todobaadka:
Shir jaraaid oo uu magaalada Jigjiga ku qabtay af hayeenka, madaxweynaha Cali Maygaag

Kulanti wanaagsan akhyaarta sharafta, iyo mudnaanta leh, ee soo booqda Radio Jigjiga, waa markale, iyo riwaayadii xiisaha lahyd ee riwaayada raadiyaha.
Todobaadkana waxaanu ku soo qaadaneynaa; shir jaraaid oo uu magaalada Jigjiga ku qabtay af hayeenka madaxweynaha waa ninka la yidhaahdo; Cali Aw-Cabdulaahi, kuna magac dheer "Cali Maygaag".
Hadaba Cali Maygaag, ayaa iskugu yeedhay wariyaasha u kala shaqeeya dhamaan warsidayaasha ka jira deegaanka, dibada, iyo guadaba halaga maamulee, shirka jaraaidna wuxuu ka dhacayaa xafiiska warfaafin-xumada, iyo cayda (misinformation, and insulting office of Iley)  ee madaxweyne Cabdi Iley, laakiin ay dadka badankiisu u yaqaaniin "CakaaraNews", markaa waxaa wax yar ka dib inoo bilaabanaya shirkii jaraaid, iyadoo wariyaasha sida ba'an u nacamleeya safka hore la soo fadhiisiyey, isla markaana su'aalaha la weydiinayo Cali Maygaag, ay bilaabi doonaan, hadba sida nacamlayntu u kala culus tahay.
Todobaadka, iyo Riwaayada Radio Jigjiga
Cali Maygaag: Waa yahay wariyaha CakaaraNews maxaad haysaa?
CakaaraNews: Mudane Cali, xalay oo dhan madaxweyne sharaf badane, wuxuu la xadreynayey culumada Ahlu Sunna ee degmada Marsin, iyo Jigjiga, markaa maxaad nooga sheeki kartaa qasiidooyinka uu kobtaa caalimka Cabdikhayr-qabe ka soo jeediyey?
Cali Maygaag: Haa waa runtaa, oo xalay oo dhan madaxweynuhu khayr, iyo wanaag buu ku jiray, markaa hada korka kama hayo magacyadii qasiidada, laakiin cajaladii oo video ah baan kuu keeni doonaa si aad CakaaraNews u soo galisaan.

Cali Maygaag: Haye wabishabeele, maxaa cusub?
Wabishabeele: Baryahan wararkaanu soo galin jirnay niyad jab baa ku dhacay, waayo dadweynihii deegaaanku waxay aad u akhriyaan warsidayaasha runta wax ka qora, ee maxaan yeelnaa, nabad diid-nimadiina kuma noqon karnee?
Cali Maygaag: Waa runtaa Wabishabeele, oo baryahan runta ma jeclin, madaxweynahana dhiigaa ku kara, marka runta, iyo xogta deegaanka laga hadlo, laakiin bal intaan meel kale idiin jihaynayno, bal waxka qora, dawlada dhexe, sida ciidamada dawlada Itoobiya, Suudaan loogu soo dhaweyey iwm. Madaxweyene Cabdi Maxamuud, wuxuu idinka wabishabeele ah, si gooni ah idiinku amaanaa, sideydaan habayaraatee, waxba uga sheegin mashruucyada  ay dadka nabada qaatay ka wadaan gobolka Godey, iyo magaalada Godeyba (bililiqada lagu hayo beerihii Godey), markaa waad ku mahadsan tihiin, hawsha aad dawladiina u haysaan, madaxweynuhuna si gaar ah buu idiin marti qaadi doonaa.

Cali Maygaag: Waa tahay, Xaajo, haye bal idina soo daaya.
Xaajo: Su'aashaydu waxay u dhaw dahay tii Wabishabeele oo kale, laakiin madaxweynuhu xafiis Jigjiga wuu nooga dhaartay inuu na siiyo, ee miyaanaan wadani ahayn, maxaa xafiiska naloogu diiday?
Cali Maygaag: Arintaa waxaan u malayn inuu madaxweynuhu horey, idiinku sheegay, Jigjiga warside aan CakaaraNews ahayn, looma ogola, markaa warsidaha taas diida, waa nasiibkiis. Balse idinku maadaama aad arimaha nabad diidka, gaar ahaan UBO, si weyn u taqaanaan, wax ka soo qora sidey u wada xidhiidhaan, iyo e-mail-lada ay isku diraan, laakiin intaydaan soo daabicin, marka hore, waa inuu madaxweynuhu akhriyaa, waayo sidaad la socotaanba madaxweynaha, iyo Maxamed Ismaaciil, waxaa jirta inuu horey u dhexmaray dhawr e-mail, beesha reer Cali  Yusuf-na ku guul daraysatay dhexdhe-xaadintooda, sidaasna uu Maxamed Ismaaciil UBO ugu adkaystay.

Cali Maygaag: Waryaa kaloo dhiman? waakuma ninkaasi, haye Kilil5
Kilil5: Waad mahadsan tahay Cali, su'aashaydu waxay tahay: Maxaa roobkii cuslaa ee degmada Raaso, ka da'ay Cakaaranews loogu soo qori waayey, su'aashayda kalena waa: Maxamed Shiinihii BBC-da lacagtii badnayd ee madaxweynuhu sida laaluushka ah ku siiyey, markay Minneapolis ku wada kulmeen, (lacagtaas, iyo tigidhka laga bixiyeba waxaa Maxamed Shiino loo siiyey, si uusan bahdilka ku socda beesha Sheekhaash uga hadlin) maxaa looga haystaa maa la siiyo?
Cali Maygaag: Waa runtaa Kilil5, Maxamed Shiino waa nin wadani ah, laakiin magaca lacagta lagu siiyey, iyo kan baasaboorka Maraykanka ugu qoran baa kala duwanaaday, arintana xalkeedii baa lagu jiraa, wixiisana mar dhaw baa la sii doonaa.

Cali Maygaag: Haye, waa kuma wariyahaas bilaa aqoonsiga ahi? (this reporter has no badge), bal waxaad haysid soo daa!, kolay waa lagu ogaan doonaaye
Radio Jigjiga: Dadkii deegaanku, aad bey uga soo hor jeedaan, madaxweyne Cabdi Iley, ee miyeysan ahayn, inuu shacabkiisa maqlo, isaguna dhibaato kale isku geysanin, ee uu si dhaqso ah isku casilo, si dadka deegaanka abaarta xun ee haysta loo helo masuul cusub oo wax ka qabta!
Cali Maygaag, ayaa hal mar xanaaq, iyo cadho isku daray, ka dibna intuu telefoonkiisii gacanta qaaday, wacay Cabdulaahi Itoobiya, dabadeedna Cabdulaahi Itoobiya oo wata gaadhi Qabaal ah, misana saaran yihiin 10 Liyuu Booliis ah, ayaa goobtii shirka jaraaid xoog ku soo galay, sidaasna wariyihii Radio Jigjiga ka socday jeelka u dhigey!.

Inkasta oo ay wariyaal kale, kana socda warsidayaal kale, ay goobta joogeen sida wariyaasha; JilibCaro, Jigjigatoday, Jigjigatown, Dhanaan, Afdheer, ShiniileZone, Bakayr Blog, SomaliState iyo kuwo kale, shirkii jaraaid qas, iyo buuq baa ku yimid, sidaasaana lagu soo gabagabeeyey, meeshiina lagu kala tagey.


Fiiro Gaar ah; Riwaayadani waxay wadataa macno aad u weyn, markaa akhri, laba, ama sadex jeer, si aad macnaheeda u dhuuxdid! -mahadsanid-




Riwaayadani, waa tii Radio Jigjiga, ee adigu akhristow, ma haysaa riwaayad aad, adigu soo aliftay?



 

 
radio on Facebook

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.