Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso

Riwaayada Radio Jigjiga, iyo Todobaadka;
"Sidee Dhul Aadan Wax Lacag ah Ka Bixin oo Bilaash ah Uga Heshaa Degmada Jigjiga, iyo Magaaladaba"


Akhristayaasha sharafta leh ee soo booqda Radio Jigjiga, waxaan idinku bishaareyneynaa inaanu halkan idiinku soo gudbin doono, todobaad walba riwaayad qoran.
Todobaadka, iyo Riwaayada Radio Jigjiga
Balse aynu maanta ku bilawno cinwaanka todobaadka oo ah "Sidee Dhul Aadan Wax Lacag ah Ka Bixin oo Bilaash ah Uga Heshaa Degmada Jigjiga, iyo Magaaladaba"
Hadaba waxaa warqada shuruudaha dhulka lagu bixiyo inoo akhrinaya afhayeenka xafiiska madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waa ninka la yidhaahdo Cali Aw-Cabdulaahi, oo ku magac dheer "Cali Maygaag".

Cali Maygaag ayaa hadalkiisii ku bilaabey sidan: Xafiska madaxweynahina aad sida weyn u jeceshihiin, isla markaana markii la doortay aad sida ba'an ugu dabaal degteen, ayaa soo sarey shuruudaha lagu xidhey dadka doonaya in dawlada deegaanku siiso dhul bilaash ah, Dhulkan oo dawladu go'aan ku gaadhey in laga bixyo degmada Jigjiga, ama magaalada, warbixinta ka dibna wax su'aalo ah, sida maxaa Jigjiga dhulkeeda looga xushay gobolada, ama degmooyinka kale ee deegaanka?, layma weydiin karo.

Hadaba aynu ku bilawno beesha Ogaden, iyadoo beel walba shuruud gooni ah lagu xidhey; wixii faahfaahin dheeri ah kala socda cakaaranews.com, kolkaas hadaad tihiin, beelaha kala ah Cawlyahan, Tolomoge, Bahgeri, Maqaabul, iyo beelaha kale ee Ogaadeen yar-yarka ah, waa inaad marka hore ahaydeen, kana tirsaneydeen ONLF, dabadeedna nabada qaadateen, idinkoo Jigjigana noogu imanaya, ururkaad horey uga tirsanaydeena UBO ugu yeedhaya, intaa ka bacdi waxaad gali doontaaan liistada sugida dhulka, waxaanan ku dadaaleynaa inaan idinku dhaqsano, gurigii martida ee idinka laydiin dhisayna waa idiin diyaar, waliba kuwiina Jaadka cunana, si fiican baad ugu mirqaami doontaan Qaadkii beeraha Jigjiga, Kabtan Cabdi Ileyna waa jecel yahay la qayilkiina, laakiin arimaha siyaasada, iyo dadka la xasuuqo waxba haka waydiinina, hadaydaan UBO dusha ka saareyn. wixii la diloba.

Isagoo hadalkiisii sii wata Cali Maygaag si gaar ahna ula hadlaya beesha xasuuqeeda darajada lagu helo ee reer Isaaq, buu yidhi: marxaba hadaad tahay qof ka tirsan beesha reer Isaaq dhulna rabtid, waa inaad xafiiska ra'iisul wasaaraha ee Addis warqad gaar ah ka wadatid, taas la'aanteed anagu waxba idiinma qaban karno.

Waa tahay; Laakiin hadaad ka tirsan tahay beesha uu madaxweynahiinu ka dhashey, ama reer Cabdulle, iyadu haa, nacam, shax-shax wax dhib ah ma leh, 24 saacadood gudahood waxaagu waa banaanka, ma garateen, ururka SEDYO-na xaga hore soo mariya, madaxweynuhuna waa ku farxaa ururka tolku wato lacag, iyo dhaqaalena wuu u diyaariyey!.

Cali Maygaag oo hadaba markaan codkiisa ay cadho weyni ka muuqato lana moodo in si gooni ah loogala soo dardaarmay beesha uu hada ka hadli doono, walibana la moodo in lagu soo yidhi hangoolka iskaga qabo, ayaa si kulul u yidhi " Hadaadse ka tirsan tahay Beesha Jidwaaq; sida Abaskuul, Bartire, ama Yabaree, markale kuma celin doonee qumaati ii maqla; waa inaad madaxweynahiina u soo qorataan warqad arji ah, idinkoo warqada ku qeexaya waxa eegan aad dhulka u dooneysaan, iyo waxa idinku xambaarey, haa ma ujeedo gaar ah baad arintan ka leedihiin?, waxaa kale oo laydiin ka doonayaa inaad soo dhaarataan, idinkoo wata nin sheekh ah oo madaxweynuhu aad u yaqaan.

Dinaca kale Cali Maygaag, oo ka cabanaya inuu wakhtigu ku yar yahay, aadna moodo inuu rumaysan yahay in; Soomaali kale aysan deegaankaba degin, baa yidhi, beelaha soo hadhey, sida dhamaan beelaha Direed, Geri, Ciise, Isaaq, Gadabuursi, Hawiye, Harti, Mareexaan, iyo dhamaan Soomaalida kale wax dhul ah eegadan ma jiro, ee bal nala soo xidhiidh laba, ama sadex sano ka bacdi, waana iga digniine idaacadaha dibada, sida BBC-da, iyo VOA, haka hadlina, waayo madaxweynuhu waa cadaalada jecel yahay, wuuna neceb yahay in laga calaacalo, ama laga dacwoodo. Shirkii jaraaidna maanta waa inoo intaa.

Sideed u aragtaa riwaayadan?


"Waxaad Soo Qorteen"


riwaayadan waa mid lagu madadaalaynaayo qurba joogta ee hadaan ah nahay beesha jidwaq /ama yabaree iyo bartire/marnaba ma AQBALIY doono in sidaas dhibta yar dhulkooda looqaybsado jigjiga maaha tiybir.Qabuur taluu nin walba goosanaayo markaas waxaan odhan lahaa iska daawada RIWAAYAda maamulkan cusub waxba ka mabadalaykaro sidii hore ee nin walbaoo dhul bilaash ah doona wuxuu ka iman isaga oo indhuhu casyihiin waxanse kulatalin lahaa qurbajoogta haku karaamo seegina dhul bilaashaana heliy waa riyo waxaa jooga meesha rag aad iyo aad ugeeseyiina oo is kadhagaysta baan been tan /magacayga abdullahi/ yaan ahay.


Salaan guud, marka hore, reer ubsamow, anigu waxaan ahay nin ciise ah, waaiga su'aale, wadanka ma idinka kaliya baa iska hela, waakaa aad isku abtirsateene soomalidii kale xageed dhigteen, iyana ma daadkaa qaadey. Asad Djibouti.


INABA CAADI MA AHAN WAA RIWAAYAD MACNA DARAN. Isqariye, Ethiopia.


Hurudadii riwaayad xataa wax maloogu sheegay, ilaahow radio jigjiga, noo daa, ilbaxnimada xataa i dhishey, waxaan maqli halka nin jidwaaq u kaca 8 nin buu u dhigmaa, M Yusuf, Canada.


maya ima qancinin... waayo qabyaalad qeexanbaad kumatasheen.. sheeko aan loobaahnaynbaad dadkii walaalaha ahaa kala dhax dhigteen ... inuu dhib badan ka abuurmaana laga yabaa arinkane danbigeeda dusha urita....madaxweyne cabdi haddii la eedayn waa in nidaam loomaro lkn in qabiilada la magacdhabo oo sidan wax lo qoro marna nidaam saxan maha.. Somaali, pakistan



  

Ogeysiis
Beelo ka mid ah, beelaha deegaanka oo isku diyaarinaya iney markooda qabtaan jagada madaxweynahacalanka deegaanka

Radio Jigjiga (Jigjiga) 11-29-2011, Sida uu sheegayo warar la isla dhex marayo magaalada Jigjiga, beelo dhawr ah o ka tirsan beelaha deegaanka, ayaa ku talo jira, iney ka faaiideystaan xukun ka dagida Cabdi Iley, ee la filayo in  si buuxda loogu dhawaaqo dhawaan. Warkii oo Dhan
Waraaqaha Dadweynaha
Doorashadii Cabdi Iley
Sanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.