Sadexdan ka mid ah, halyeyada ay Soomaalidu sida weyn u xushmayso, halganka lagu xasuustu, ka sokow, maxaa kale, oo ay wadaagaan? suuragalse ma tahay, iney sadexdooduba hal beel oo beelaha Absame ka mid ah ka soo wada jeedaan
a/c/w/ waxaan jecelahay in aan waxyar xasuusiyo qaraabada soobooqata, boggan walaallayaal sidad akahriseen inta badan, waad la ogyahay jidwaaq taariikhda soomaaliyeed halkuu kaga jiro inay tahay baal dahab ah, balse waxaad moodaa in qaar dadka ka mid ahi is diidisiinayaan wana wax jira in wanaaga laysku diido tusaale ahaan hadaan wax ka xusuusiyo Sayid Maxmed, Axmed Guray, Wilwaal, Xaawo-Taako Suldaan Camanje & kuwakale oo badan, waxaa dhab ah iney Jidwaaq Absame wada ahaayeen, xataa Sayid Maxamed Cabdile Xasan, waxaa la cadayn karaa in uu yahay nin Jidwaaq ah, kana soo jeeda beesha Abaskuul, kanasii ahaa besha Garuure. Markaa yaan taariikhda la halmaamin, inshaa alaahu, iyadadoo dhamaystirana cidii rabta waan u soo bandhigi karaa. wabilaahi towfiiq. Radio Jigjiga; Cabdi waad ku mahad santahay, sidaad noogu soo jeedisay, taariikhda aadka loo qariyey, ama luntay ee beesha Jidwaaq Absame, laakiin labadan halgame ee Axmed guray, iyo Sayid Maxamed, aniga waxay ila tahay, in cadaynta dhalashada Sayidka ka sahlan tahay, tan Axmed Guray, waayo tusaale ahaan, Sayid Maxamed, waa abwaanka, ama gabayaaga kaliya ee beesha Ogaaden ah,(intaan la cadayn Sayidku waa nin Ogaadeena) ee misana ku gabya isagoo ku dhaaranaya, magaca GARANUUGTA, Garanuugta waad la socotaan, iney beesha reer Aw Nuux ee Abaskuul ku dhaartaan, qiso dheer oo dhexmartay, odaygii Aw Nuux, iyo garanuugta darteed, taasi waa sheeko dheere, waxaase haboon in la is weydiiyo, waa maxay sababta Sayid Maxamed ugu dhaartay, Garanuugta?, ma fariin buu dirayey, fariintaasoo ah; inuu inoo sheegayey asalakiisa, Aw Nuux-nimo, waxaa kaloo cadayn loo soo qaadan karaa; cadaawadii xumayd ee dhextaalay, Sayidka, iyo boqortooyadii Majeerteenia, taasoo ka dhalatay tartankii xukun, ama boqortooyo ee Sayidka, iyo boqor Cismaan Maxamuud dhex martay. sidaad la socotaanba boqoradii hore ee beesha Jidwaaq, iyo tii Majeerteenia, colaad dheer baa dhex martay iyana, cadayna waxaa ka mid ah; fiiri gabayada Camanje, iyo kuwa Wiil waal, colaadaasi wax kale maahayne waxay ahayd; ficiltan, iyo tartan xukunka Daaroodka dhexdiisa ahaa. Dhageyso gabagan Camanje (luuqdii Macalin Dhoodaan)
Xaga dhalashada Sayidka hadaan u soo noqdo, waxaa jirta in beelo badan oo Abaskuul ahi ku jiraan beesha walaalaheena ah ee Bahgari, tusaale ahaan, waxaa jira beesha Garuure, iney Bahgari aad ugu jiraan, xaga Bahgari waxaa looga yaqaanaa "jibraaiil" dhinaca Abaskuulna Jibraaiil, waa Jibraaiil yusuf, waxaa kaloo jirta in xaga barigana, sida Sanaag looga yaqaan Jibraail Ogaadeen, markaa isku soo wada duube, Absamahu aad iskugu dhex jiraa, aad beyna ugu dhaw dahay in Sayidku dhalasho ahaan ka soo jeedo reer Abaskuul. Inkasta oo aan anigu akhriyey buug walba oo Sayidka laga qoray, Soomali, iyo Ingiriisba, walibana gabayadiisa 95% waan dhageystay, hadana waxaa suuragal ah in maalin uun la cadayn doono arintan. Mase og tahiin in: Sayidku aad u amaaney Soomaalida galbeed, bal dhageyso gabaygan taariikhiga ah, kuna saabsan Sayidka, iyo luuqdii Idaajaa Ugu dambayn in hoolka shirarka ee jigjiga loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, sow xaq maahan?. Bah Bililiqose, iyaga maxaan ka yeelnaa? (kaftan)
Bal Taana, hadaan intaa uga baxo, waxaa jirtay: Barigii Muqdisho la joogay, in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, alla ha u naxariistee, Maxamed Siyaad Bare, uu soo shiriyey dhamaan beesha Absame, una sheegay in reerka la yidhaahdo Galgale, ay yihiin niman beesha Absame u dhashay, waayo buu yidhi: mudo laba boqol oo sano ah, waxay wateen magaca (NUUX) ee nimanka tolka ha lagu daro, Hadaba Absamihii kale ayaa M.S. Bare u sheegay in nimanka loo yaqaano Galgale ee beesha Abgaal (Hawiye) ku jira, ay Abaskuul yihiin, waayo wax magaca Nuux wata, beesha Absame, waxaa ka jira Abaskuul ee waa iney tolkooda ku daraan, laakiin oday reer Waamo ah, misana Abaskuusha Ugaas Muqdisho, iyo koonfurta ugu ahaa baa yidhi, "anagu qaadan mayno ee adigu Maxamed Siyaad Barow meel gee"!, kadibna sidaas ayaa nimaknaas loogu daray Majeerteen, magacii Nuux ee ay mudadada dheer wateena loogu abtiriyey Nuux Maxamuud Saleebaan, laakiin waxaa jira , magaca Nuux, ka sakow, arimo kale oo ay nimankani (Nuux Maxamuud) reer Aw Nuux la wadaagaan, arintaasina waa niman dagaalyahano ah, duulaanka, iyo dagaalkana iyagu kuma horeeyaan, markaa taasina wey jirtay. -Cabdiraxmaan- |