
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Warbaahinta madaxa banaan, iyo la xisaabtanka madaxda deegaanka
Radio Jigjiga (Faalada RJ) February-07-2012, Saxaafada, ama warbaahinta sida xorta ah, wax u qora, waxna u sheega, waa furaha nabada, cadaalada, iyo badbaadada shacabka. Saxaafad xor ah la'aanteed madaxdu dadka ayey iska xasuuqaan, iskana xidhaan, ama sidey doonaan ka yeelaan, aakhirkana sida Qadaafi oo kale bey ku dambeeyaan. Markaa si aan meeshaa fog loo gaadhin, waa in bilawgaba kan dhexe loo qabto, tooshka lix qaadkana loo shido. Waxaanu isku daynaa hadaan nahay bahda RJ inaanu dadweynaha deegaanka u sheegno sida runta ah ee wax u jiraan, inta badana isku dayno inaanu hadba waxaanu soo gudbineyno ku dhex qasin fikirka anaga noo gaarka (journalism activism) waayo dadkii akhristayaasha ahaa ma helayaan ogaanshaha, iyo sida dhabta ah ee wax u dhacay, waxaanu isku daynaa iney dadku iskood u fikiraan, oo aanu kaliya ka caawino u soo tabinta warka.
  Tusaale ahaan, arinta caleemo saarka Garaadka beesha Absame, ma aanaan soo dhex galin fikir gaar ah, ee maalmihii hore ee ay arintu bilawga ahayd waxaanu u deynay bal iney dadweynuhu iskood fikirkooda u soo sheegaan, taasoo ay dadweynaha badankoodu isku raaceen in madaxweynaha deegaanka, iyo soo abaabulayaashii arintan ay dano gaar ah ka lahaayeen. Arintana waxaa si buuxda looga dhex arkay bogga madaxweynaha deegaanka ee Cakaaranews, oo aad ka arkaysid iney sidii ay markii hore u qorsheeyeen aysan wax u dhicin, waxaa cadaadis weyn oo shacab ah la saaray madaxweynaha deegaanka, iyo boggiisa, waxaa dhacday iney boggaaas markii ugu horeysay aan lagu soo qorin buun-buuninta arintan ay shacabku si kale oo ka duwan fikirka abaabulayaasha u arkayeen.
Dhinaca warbaahinta madaxa banaan ee deegaanka oo boggani ugu horeeyo, ayaa waxay ku guuleysteen iney dadka tusaan been abuurka bogga Cabdi Iley, boggaas oo caan ku ahaa in lagu soo daabacao warar badan oo aan sal, iyo raad toona lahayn, wararkaas ayaa waxaa ka mid ahaa, in marka madaxweynaha deegaanka ay carqalad siyaasadeed la soo kulanto uu uga baxsan jirey carqaladaas siyaasadeed inuu sheegto iney soo qabteen, ama dileen dad nabad diid ah, balse baadhis ay warbaahinta madaxa banaan samaysay lagu ogaadey iney arimahaas badankoodu ahaayeen beeni raad male, iyo riwaayad mala awaal ah.
 Waxay saxaafada xorta ahi ku guuleysteen in sidii horey u dhici jirey, inta reero nabad ku degan layska galo, dabadeedna Cakaaranews la soo galin jirey, in reer nabad diida ah indhaha loo shidey, balse warbaahinta xorta ah, ayaa masuuliyadeeda meel u saartay, siiba madaxweynaha, iyo saraakiishiisa, taasoo hadhow iyaga lagu soo oogi karo dambiyo xuquul iinsaanka ah. Sidoo kale ayey ururka onlf dhankooda tacadiyo aad u baahsan shacabka deegaanka u geystaan, sida muuqatana waxay shacabka danyarta ah kula dhaqmaan, waxa luuqada Ingiriiska lagu yidhaahdo "Bush doctrine" taasoo ah ama aniga i raac, ama cadawga ayaad la jirtaa, arintani waa tacadi, iyo dambiyo xuquuqul iinsaanka ka dhan ah, waxaana haboon in madaxda ururka onlf, ay shacabka ka daayaan arintaa diinta, iyo dhaqanka ka soo horjeeda, haduu ninka baadiyaha meelaha ciidamada dawladu fadhido ka fogi, damco inuu ku noolaado, ninkaas, ama beelahaasi waxay xaq u leeyihiin iney si nabadgalyo ah ku noolaadaan dhulkooda ay boqolaalka sanadood degenaayeen, waxaana la dhihi karaa waa aragagixiso in beelaahaas nabad loo diido. Hadii aysan arintan dadka ka daynin waxaa maalin dhow imaan doonta in boqolaal kun oo shacabka deegaanka ka mid ahi ay gacmahooda ku aargoostaan.
La xisaabtanka madaxda deegaanka ayaa horumar, iyo nabad u keenay shacabka deegaanka, dhinaca madaxdana waxaaba la odhan karaa faaiidada ugu weyn iyagaa helay, waayo waxyaabo waali ah, ama dambiyo ay shacabka ka gali lahaayeen, hadhowna isla iyaga dusha looga tuuro ayaa meesha ka baxay, runtiina ninka madaxa ah ee fahamsan qiimaha ay leedahay warbaahinta xorta wuu fahamsan yahay inuu goor dambe u aayi doono. Dad badan ayaa u arka in boggan, iyo Kilil5, aanu necbaansho gaar ah u qabno madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, iyo dadka la shaqeeya, ama Soomaali waa iska beel beele, isaga la reerka ah, aragtidan ay dadkaasi qabaan waxaa la odhan karaa waa fikir majara habaabis ah, waayo haduu Cabdi Iley yahay, ama shaqsi kale ahaan lahaa isku si ayuun baanu wax uga qori lahayn, waana wax casri jaahili ah in dad badani sidaas u arkaan.
Waxaa haboon ineynu saxaafada xorta ah u aragno, kuwo inta badan soo qora waxa danteena ah, ee aan dano gaar ah wadanin. Warbaahinta xorta ahi dawlada deegaanka, iyo madaxdeedaba dagaal, iyo tartan xukun kulama jiraan, ee waa madaxweynaha naftigiisa kan damacsan in wixii wax soo qoraaba ay nacam, iyo ha dhicin yidhaahdaan!. Hadaan nahay warbaahinta xorta ah waxaan dhiseynaa bulsho xag walba ka dhisan, bulsho aan ogolaanin tacadiyada ay madaxdoodu kula kacaan, bulsho aduunyada wax la qaybsan karta, bulsho iska qaban kara, madaxdooda qalooca, iyo xad gudubka ula timaada. Mala socotaan in Kilimada kale ee Itoobiya ay ka jiraan warbaahin ugu yaraan madaxda wax u sheegta, isla markaana toosisa, mase la socotaan in kartuuno ay madaxda deegaankeenu u yaqaanaan iney cay yihiin oo iyaga loola jeedo, in wargeysyada Addis Ababa lagu soo sawiro. Ugu dambeyn waa ineynu xaga maskaxda ka xarowno oo xadaarad, iyo dulqaad warbaahineed yeelano, aduunka laguma hayo dal horey u maray oo aan lahayn saxaafad madax banaan.
"Halkan hoose ka dhageyso qoraalkan oo maqal ah"
| | 
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |