
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Taariikhdu iyadaa isa soo celisa, maxaad ka taqaanaa ninkii ugu awooda weynaa, intii ka soo talisay deegaanka Soomaalida?
Waxaa horey loo yidhi "taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa, history repeats itself" mudo hada laga joogo dhawr boqol oo sano, ayaa deegaankeena waxaa xukumi jiray, nin Boqor ah, oo misana aad u awood badnaa, Boqorkan ayeysan awoodiisu ahayn mid xadidan ee wax alla, wuxuu maankiisa ka maago ayuu samayn jiray, waligiina wuxuu falayo cidi yac, kama odhanin. Boqorkan, ayaa waxaa la odhan jiray, Garaad Xirsi, balse aad ugu magaca dheer "Garaad Iley, ama Ilow" Boqorkani wuxuu ahaa ninkii sababay, taariikhda loo yaqaano Jidwaaq jabkii.
 Garaad Iley, dhalasho ahaan wuxuu ahaa Bartire, balse wuxuu ku magacawnaa Garaadka beesha Absame, waayo wuxuu xukumi jiray isla markaana Garaad u ahaa dhamaan beelaha Absame sida, Jidwaaq, Ogaadeen, Wayteen, Baalcad, iyo adeerkood Galimays. Garaad Iley, waa awowga shanaad ee Garaad Wiilwaal, waxaa reer abti u ahaa Boqor ka mid ah, iyana Boqoradii Ajuuraan, oo markaa gabaabsi sii ahaa, inta badana u sii badnaa iney xukumaan, Koonfurta Soomaaliya.
Hadaba waa taariikh dheere, inagoo soo gaabineyna, ayaa waxa dhacday, inuu Garaadkii, maalin maalmaha ka mid ah, uu safar ugu kicitimay deegaanka Shaygoosh, halkaas oo ay taalay, gabadh uu dhalay garaadku, gabadhani waa hooyada dhashay jilibka reer Cabdulle ee reer Ugaas Xirsi (Ugaas Warfaa, Ugaas Kooshin, iyo Ugaas Samatar (Maalinguur), markuu Garaadku in mudo ah joogay deegaanka Shaygoosh, ayuu maalintii dambe, damcay inuu bal dhamaan beelaha deegaanka soo barto, waxaa iyana jirtay iney Garaadka caado u ahayd, inuu go' hagoogto hadayba dhacdo inuu maalin cad dadka dhexmaro, waayo waxaa la yidhi, "Garaadku isha bidixda ah ayuu la'aa", sidaa awgeedna go'a uu hagoogan yahay, ishaas ka maqan buu ku qarin jiray, si kastaba ha noqotee, Garaadkii oo faraskiisa saaran, misana ag maraya, koox rag ah oo shax ciyaaraya, ayuu raggii shaxda ciyaarayey, mid ka mid ahi arkay go'ii oo dhinac uga dhacay wajiga Garaadka, ka dibna uu sidaas ku arkay, ishii uu la'aa, dabadeedna intuu ninkii kor u hadlay ayuu yidhi "war ileyn Garaadku il buu la'yahay", halkaa, waxaa ku baxday maahmaahda ay Soomaalidu tidhaahdo "Ogaadeen, iyo Abeesaba afkooda dila"
 Arintan ishiisa la arkay, ayaa aad uga cadhaysiisay Garaadkii, waayo wuxuu ahaa nin aad u kibir badan. Dabadeedna waxaa dhacday, inuu Garaadkii xujeeyey Ogaadeen, isagoo ku xukumay iney keenaan todobaatan (70) Geenyood oo misana isha bidixda la' iyo todobaatan Halaad (70) oo iyana isla isha bidixda la'. xujadan ayey beeshii Ogaadeen, ka dhiidhiyeen, balse ninka xujeeyey waa walaalkood oo aad uga xoog badan, walaalkaa oo kaa xoog badan, xoogna aadan ku aadin cidi kaama reebto!.
Markaa ayuu Garaadkii shir weyn u qabtay, dhamaan beeshii Absame si loo dhageysto xujada Ogaadeen, dabadeedna waxgaradkii Ogaadeen ayaa Garaadkii ku yidhi "Garaad walaalkanaga oo waxaad tahay naga weyne, na sii todoba bari, ileyn talaba todobay ka dhalataaye" Todobadan maalmool ee ay Garaadka weydiisteen, ma aysan ahayn iney arinta ka soo fiirsanayaan, ee waxay ahayd, iney wixii lagu xujeeyey ku keenayaan!.
Bilawgii dagaalka Absame dhexdiisa
Waxaa la yidhi goobta Ogaadeen lagu xujeeyey, wuxuu Garaadku qalay halo geel ah oo uu lahaa nin beesha Abaskuul ah, (xaqiiqiyan ninkani wuxuu Abaskuul ka sii ahaa reer Mayax, balse si khaldan, baa loogu sheegaa Cumar Jibraaiil, reerkani waa reerka loogu magac daray magaalada Qabri Bayax, macnaha dagaalkaas awgii) ninkan ayuu Garaadku u sheegay, in halahiisa la siin doono marka roobku da'o. sidaasna xujayntii, iyo shirkii ku dhamaaday.
 Waxaa hadaba dhacday ileyn, waa meel Ilaahay, wax kale ka wadee, in maalintii shirka la qabtay, maalintii xigtayba uu roob weyni da'ay!. lana socda wakhtigaasi wuxuu ahaa xili Jiilaal oomane ah, dabadeena ninkii halahiisa shirka looga qashay, ayaa Garaadkii u yimid, una sheegay inuu roob da'ay ee uu halahiisii u baahan yahay, ka dibna Garaadkii oo si weyn u cadhaysan baa ninkii ku yidhi "war anigu xiliga gu'ga baan ula jeedaye, orodoo hada iska tag, iina soo noqo, marka uu roobka gu'gu da'o, ninkii ayuu hadalkani u cuntami waayey, dabadeedna intuu cadhooday ayuu geenyo uu Boqorku lahaa la baxsaday, deedna markuu reerkoodii la tagay, ayey dadkiisii ka naxeen, kana xumaadeen, balaayada uu ula yimid, maadaama uu Garaadku ahaa nin kibir badan, misana aad looga cabsado. Ka dibna reerkii ninka (beesha Abaskuul) ayaa geenyadii, iyo xaal marin la socota Garaadkii u keenay, nasiib daro, Garaad Iley ma aqbalin u ergeyntoodii, ee intuu seef qaatay, oo duudkii geenyada sidaas ugu saray, ayuu waliba raaciyey "war ma waxa uu koray, waxa xaylka lihi, baan anigoo Garaad Xirsi ahi koraa!"
Meeshii balaayaa ka dhacday, talo faraha ka baxday, Abaskuul, iyo Bartire, dhexdooda ka tafatay, lana socda ciidamada uu Garaadku ku faano, misana beelaha ku bahdilo waxay u badanaayeen Abaskuul, deedna sidaas buu Jidwaaq jabaygii ku dhacay.
 Dhinaca kale, Ogaadeen oo ilaahay gargaar deg-deg ah u keenay, baa soo dhaweeyey, dagaalka dhexmaray boqortooyadii Absame, iyo Soomaali kale oo badanba xukunka u haysay. Maalintii shan, iyo afartamaadna (45) waxay ogaadeen go'aan ku gaadheen iney labadoodaba is raaciyaan, dagaalkaas Jidwaaq jabayga loo yaqaan wuxuu ka dhacay nawaaxiga Doolo, iyo walwaal, oo wakhtigaa loo yaqaanay "Haro Abaskuul", waana waxa sababay in magacyada Bartire, iyo Abaskuul, ay aad uga magac dheer yahiin magaca aabahood ee Jidwaaq Absame, halka uu magaca Ogaadeen Absame, ka magac dheer yahay dhamaan jilibyada Ogaadeen.
Murtida, iyo xikmada ay Sheekadani wadato
Taariikhdii qadiimiga ahayd ee dalkeenu, markale ma soo noqotay? sheekadana isla aragnaye, maanta ma la odhan karaa Garaad Iley kale, ayaa deegaanka haysta, waana mucjisee, Abaskuul badana waa kuwa talada ciidamadiisa u haya, Cabdi Iley, iyo wasiirkiisa gaashaan-dhiga (hogaanka nabadgalyada) ee C/Laahi Itoobiya, miyaan la odhan karin, waxay inagu soo wadaan Soomaali jabkii, oo kale, amaba mid ka sii daran?, ka warama labadan nin oo aan lahayn haba yaraatee, meel kale oo looga dacwoodo!. Labadan ilma Iley, waa iney si dhaqso ah deegaanka xukunkiisa uga dagaan , isla markaana si deg deg ah khadka looga saaro, hadii kale taariikhda aan ka war sugno!. -wabilaahi tawfiiq- Cabdiraxmaan.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |