Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 
Saxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh


Faalada Radio Jigjiga (Radio free Jigjiga Editorial)

RJ (Minneapolis, 02, 6, 2011) Sida inta badan lagu yaqaano saxaafada xorta ah ee sida gaarka ah loo leeyahay cidna saaxiib, iyo hawl wadeen uma aha ee hadba sidey wax u jiraan, amaba dadweynuhu u badan yahay, ayey ka hadlaan, waxna ka qoraan.

Tusaale ahaan wadamada horey u maray ee ay saxaafadu sida xorta ah uga shaqeyso waxaad arkaysaa ineysan warbaahintoodu had, iyo jeer dawlada af-hayeen u ahayn, islamarkaana kabaha u qaadin hadba, waxa ay madaxda dalakaas xukuma jecel yihiin in laga qoro, ee waxaad arkaysaa iney saxaafadaasi sida wax u jiraan ee xaqiiqda la odhan karo wax u soo tabiyaan.
Nasiib daro saxaafada dalalka loo yaqaan dunida sadexaas (third world) ayaa gabi ahaanba ah kuwo u adeega inta badan, kaligood-taliyaasha xukuma, haday rabto saxaafadaasi haba noqoto mid si gaar ah loo leeyahay, macnaha aysan dawladu lahayn.
No Lemming
Dhinaca website-yada deegaanka wax ka qora hadaan u soo noqono, ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxaad arkaysaa iney dhamaantood afka dawlada deegaanka ku hadlaan, kuwa dhinaca ururka onlf taageera iyaga naftigooda waxaad arkaysaa in hadba waxa ururka onlf jecel yahay, ama sida uu ururkaasi doonayo in dadweynaha loo gaadhsiiyo ay u tabiyaan, marka labadan koox saxaafadeed mayaysan jirin, cid ka madax banaan, oo sida dhabta ah ee arintu u jirto u sheega.
Free Press
Fariin ku socota wariyaasha, iyo qorayaasha madaxa banaan

Deegaanka Soomaalida Ethiopia wahtigan hada ah wuxuu ku jiraa marxalad siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo aad u culus, dhibaatooyin dabiici ah, iyo kuwo ku yimid khaladka siyaasiyiintuna way jiraan, markaa miyeysan haboonayn in hadaan nahay bahda warbaahinta madaxa banaan ee deegaanka ineynu danta shacabka dhawrno, warka website-yada dawlada afkeeda ku hadla sida cakaaranews oo kalena, had, iyo jeer aynaan sidey iyagu u dhigeen u tabinin ee aynu raadino ilo kale oo madax banaan (independent source), arintan ka fiirsiga ah hadaynu samayno waxay inoo saamixi ineyno noqono saxafad madax banaan oo dadweynuhu waxka dhageysan karo.
Dhinaca website-yada ururka onlf taageersan waxaad iyana arkaysaa in had, iyo jeer waxa ururkani u higaadiyo sidii nin indha la' u daba galaan, iyagoon haba yaraatee aysan wax su'aalo ah is weydiin, malaha badankooda si gaar ah looma laha ee waa uun gacan kale oo inta badan been abuur ah, ururkana leeyahay, kolkaa isku soo wada duube aynu dadkeena u danayno, iskana ilaalino inaanu noqono dad hal dhinacuun wax ka eega, markaad sidey wax u jiraan wax u soo qortaan, xataa madaxdu kuma dhiiran karaan iney xad gudub sameeyaan, waana arintan faaiidada ay leedahay saxaafada madax banaanida ku shaqeysa.Tooshka Lixqaadka Ah

Dhinaca kale waxaa jirta iney dad aan badnayn, lana moodo iney yihiin kuwa laga caqli badan yahay, maalmihii la soo dhaafay, amaba intaanu dib u habaynta ku samaynay warbaahinta xorta ah ee Radio Jigjiga, ay nagu eedeeyeen inaanu isbabadal samaynay, tani run maahan, waayo wali sidii baanu taageerada nabada u wadnaa, sida dhabtu tahayna wax u soo tabinaa, bal hada soo cadeeya hal arin oo aanu been ka shegnay?.
Shirarkii aanu madaxda dawlada kala qayb galnayna maahayn in nala gatay, ama aanu dad kale hoos tagnay, amaba dano gaar ah ka lahayn, ee waxay ahayd fursad aanu siinaynay madaxdaas sidey dadkooda xidhiidhkooda u hagaajin lahaayeen, badankooduna (madaxda) arintan wey ku guul daraysteen!, dabcan aqoon culusna waan ka helnay shirarkaas. taasoo kor u qaadid u ah guud ahaan hawlaha saxaafada, iyo ka hadalka xaqiiqada ka jirta maanta dhulkeenii.
Ugu  dambayn Radio Jigjiga waa warbaahin xor ah, maansha allaah suxufiyiin madax banaanina hogaanka u hayaan, ee wada shaqayn wacan, kuna soo dhawaada siyaasada, iyo warbaahinta cusub ee qarniga  21aad.


  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.