Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Saxaafada dawlada ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, sida xun ugu xad gudbay, waa dambi, lagu qaadi karo, ninka waalan!Cabdi Iley in jail

Radio Jigjiga (Qoraalada Dadweynaha) Xad gudubka uu Cabdi Iley, ku sameyey, warbaahinta qof walba oo deegaanka u dhsashay wax ka leeyahay, waa dambi uu dhamaan dadweynaha deegaanka ka galay.

Saxaafada iyo siyaasadu saaxiib joogta ah ma laha. waxaan bayaanka uga dan lee yahay inaan taabto arrimo badan oo foolxun, kana baxsan shuruucda iyo caawaaqiibta saxaafada oo ay cakaaranews ku dhaqanto. akhristayaal sida aad og tihiinba cakaaranews.com waa barta shabaqada saxaafada dawlad degaanka ismaamulka soomalida ethiopia, maqal iyo muuqaalba. saxaafadan oo markii uu gacanta ku hayay, wasiirkii hore warfaafinta Guuleed Casaawe, keentay horumar dhanka warbaahinta ah, oo noqotay mid si xawli ah wararka degaanka u soo tabisa. la dagaalantay kooxaha nabad diidka, noqotayna mid aad dadka u dhashay degaanka ee qurbo joogto si joogta ah u daalacdaan, lana socdaan. hadaba Guleed Casaawe, oo ah, ninkii maskaxdiisa iyo wakhtigiisa galiyay barta shabaqadaas, waa su'aale halkuu ku dambeeyay.
Ujeedadi iyo wanaagii looga bartayna barta shaqabadaasi halkay ku dambaysay.

Hadaba waxaynu ka jawaabayna su'aalahaas, akhrisoow u dhago nugloow. Cakaaranews, waxay noqotay meel ay dhalin yar yar oo aan saxaafada u lahayn khibrad iskaga ciyaaraan, warkay doonaan iyo kii iyaga qanciyana ka soo daayaan. waxay noqtay saxaafad lagu caayo laguna daacayadeeyo muwaadiniinta u dhashay dawlada degaanka. waxay si toos ah ugu hadlaan afka madaxweyne iksu sheega dawlada degaanka oo baryahan dambe su'aal ka taagan tahay inuuba horta hogaamiye noqon karo iyo inkale. waxay ka tagtay ujeedada ay saxaafad leedahay oo dhan, waxay dhiiri galisay sidii loo dabooli lahaa wararka dadku u baahan yihiin. waxay ku mashquusha sidii dadka la iskugu diri lahaa, waxay ka tageen inay soo tabiyaan abaaraha iyo dhibka ka taagan degaanka.

Horta waa Su'aale is waydiin mudane, saxaafadu ma inay dad ka adkaataa, mise way inay xaqiiqda soo tabiso.?.

Cakaaranews runtii waxaan ka xumahay aas aaskii loo aas aasay iyo horumarkii ay gaadhay mudadii guuleed casaawe hayay inay maanta maanta meel ka hoosaysa waliba si xad dhaaf ah ugu hooseysa ay marayso. Guuleed Casaawe wuxuu u adkaysan waayay ninka waalan ee la dhaho Abdi Iley wuxuu umada iyo saxaafada ku wado, wuxuu u dul qaadan waayay ina ilay inuu noqdo ninka cakaaranews iska leh, hadalka uu ina ilay rabana laga sii daayo, Guuleed casaaweh, oo ah Muwaadin, karti iyo aqoon leh, kana aqoon badan ina iley, wuu ka diiday arinta ninka waalan iyo xishood la'aanta ku caan baxay ( waa ina iley eh). arintaas.  Guuleed Casaawena wuxuu ku dambeeyay Jeel, wuuna xidhan yahay.  Ogow ina iley oow, wixii aad geeysto oo dhib ah waxaa kaga jawaabi maxkamad, ciqaabtaad mutaystana waa lagu marin.

Ina iley Markuu socdaalka ku yimid wadanka maraykanka, ayaa horta qurbo joogtii qaarada america ogaatay wuxuu yahay, ina iley markuu london joogay oo u soo socday maraykanka, horta aad buu u cabsanayay, sababtoo ah wuxuu dhib u geystay dadka degaanka jooga ayuu ogaa oo dadkii la dhashay dadkaas u dhibaatayeey ay jooogaan. muwaadiiniin u dhalatay dawlada degaanka, gaar ahaan gobolka jigijga iyo gobolka dhagaxbuur, gaar ahaan degmada araarso ayaa si kal iyo laab ah u soo dhawaysay, garab is taagtay, wixii dhib soo gaadhi lahaa ina ileyna runtii shafka u dhigatay, guushana u soo hoysay  ina iley, laakiin wuxuu ugu abaal guday inuu caayo markuu laabtay. waxaan hayaa cajalado sirar ah oo hadii an saxaafada u sii daayo, ina iley uu cago cadaan dhulka degaanka ugu carari.

Waa su'aale, ina iley marka shaqsi ka soo hor jeedsado, muxuu shaqsigaas reerkooda iyo tolkiis u ugu hanjabaa, tolkiis uu u shirayaa oo tolka ninka ka soo hor jeedsaday ugu diraa, isagoo waliba xabad dhafoorada kaga haya? .

Tusaale hadii aan u soo qaato, caraakanews hada videoga ku jira, waxaa la soo shiriyay odayaal u dhashay degaanka araarso, u caayaya muwaadin la yiraahdo Cabdi iidoor, odayaashu waxay aflaagadaynayaan muwaadinkaas, oo ay ku tilmaamayaan erayo aanan afkayga soo marin karin. hadaba muwaadinka cabdi idoor, waa muwaadin dawlada degaanka u dhashay, suxufi ah, jecel inuu dalka horumar gaadho. laakiin waxaa ceeb ah, cakaaranews inay daacayad noocaas ah soo galiyaan internetka.  war dhaqaalaha loogu talo galay saxaafada degaanka in  loo isticmaalo personal attack ma wax lagu farxaa?. hadaan nahay muwaadiniiinta u dhalatay dawlada degaanka, waxaan cambaaranaynaa dhamaan shaqaalaha saxaafada ee cakaaranews, iyo ina iley oo ah ninka abaabulay hawshan. hadaba waxaan idin odhan lahaa cakaaranews hawsha la idiin ka baahan yahay qabsada, hadii kalena shaqada iskaga taga, dad badan oo hawsha qaban kara, si xaqa ayaa badan oo degaanka ka buuxe.Iley-dil

Ina iley, dadka gudaha jooga waxaa tahay way ku yaqaaneen, kuwa dibada joogana waxay ku barteen intaad socdaalka ku maraysay qurbaha. qof ku arkay oo ku jeclaadayna wali maanan arkin, maah maah soomaali baa tiraahda, wadar iyo waaxid midke waalan?. dee waaxidka.. ina iley umada oo idil waxay kuu arkaan inaad waalan tahay, oo aad tahay nacas. awalna waxaa ku taageero badnaan  jiray dadka aan u dhalan haybta aad adigu ka soo jeedo, sida aad adigu hore u tiri markii aad minneapolis joogtay, ereyadaadii waxaa ka mid ahaa. " ogaadeenow, umadaha kale ee ina la dagan aad bay ii taageeraan, ee idinka maxaa igu kiin diray" adiga oo markaas dhinac cabdi fatah sheekh cabdilaahi yare fiirinaya, Videogii waan hayaa. runtii hadalkaas hadal dhab ah buu ahaa.. hadaba ina iley war baan kuu haya..  dadkii ku taageeri jirayna way ku naceen, ee xageed tagi. Abaskuul iyo jidwaaqna way kaaga dhamaatay, ogaadeena dee dhibka aad u gaysatay waad ogtahay.
 

Ina iley intuu qabsaday dawlada, waxaa meesha ka baxday kala dambayn, waxaa kor u kacday musuq maasuqii. waxaa aad u badatay kala qaybsanaantii. waxaa la bilaabay in gobolada iyo degmooyinka dadka ay soo doorteen la isku bad badlo, tusaale qofka laga soo doorto gobolka jigjiga, in la yiraahdo orodoo gobol hebel tag. arintaasi oo ah arin aad u foolxun. ciidanka liyuu police oo ah ciidan aa la baran hab dhaqanka bini aadamka, qalad ha fahmina akhristayaal, ciidanka liyuu police degaanka inuu yeesho waa arin fiican, laakiin waa in awoodooda la xakameeya, oo aysan waalida ina iley oo kale ku dhaqmin.

Xukunka madaxweyne ku xigeenka oo la balaadhiyay, wuxuu ina ina iley sameeyey sadex madaxweyne ku xigeen, awoowdii madax weyne ku xiganka un baa sadex meelood u qaybiyay, dastuurka degaankuna ma ogola. markaa ina iley waxaa lagu tilmaami karaa, dictator, inkastoo mudo dheer uun san hayn, hadana saan saantii dictatorka ayuu lee yahay. ina iley ku bishaarayso, inaad noqoto madaxweynihii ugu horeeyay ee degaankaas ka soo jeeda oo xukun dil ah lagu xukumo. sababtoo dhibka aad geystay, ee aad gacantaada ku geystay, cadaymeheeda oo aan hada farta ku hayno.  waxaanan mar dhaw u soo bandhigaynaa saxaafada.

Akhristayaal, anigu waxaan ahay muwaadin, jecel dhulka, horumarka, iyo nabada. mudo dheerna ka soo shaqeeyay ku soo dabaalada nabada iyo xal u helida degaanka ismaamulka somalida ethiopia. ONLF na ma ihi, laakiin, sida aan wadanka u rabay inuu noqdo maaha sida uu hada ina iley u wado.  ina ileyna wuxu u haystaa ninkii ka soo horjeeda oo dhan inuu yahay nin ONLF ah. wa'ayo maba aaminsana wax kale. sababtoo ah maankiisa ayaa ah maan gaab, waana fulay aan runta jeclayn. saxaafada cakaaranewsna waa afka ina iley.

Aan ku soo gabagabeeyo, dhalinyarada Cakaaranews ka shaqeysa oo Cabdulaahi Xuseen, ugu horeeyo in si fiican loola socdo, waxaad ku jirtaan, sida ugu dhaqsaha badana talaabo sharci ah laydinka qaadi doono, cabdi iley mar dhaw wuu cararriye, ama la xidhiye, idinku xageydin qaban, waa iga talo, ee is daba qabta, irsiqiina eebaa hayee.

name:            Wadani Xor ah

email:           sedyo4ever@hotmail.com

 

 

 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.