Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Taageerada loo hayo ururka ONLF, oo lagu soo waramayo iney deegaanka ku soo kordhayso, yaase ka dambeeya arintan?

waa yaab maxaa ku dhacay qurbajoogtii jidwaaq waxaan ka xumahay in uu cabdi iley jigjiga kula shirey  dhamaan beelah jilib yada iyo jifoyinka ogaden tasoo laga mamunucay in aay beedha jidwaaq ku shirto jigjiga waxaad magalada ku arkeysa qurba joogta jidwaaq oo xanaaqsan oo garan la' melaay ku hagaagaan meesha kuwa ka soo jeeda beesha madaxweynaha ay joogan hotel iyo guriga martida  maxaa u diidey inay tagaan xafiiska reysalwasarah itoobiya, iyagoo ku socda beesha jidwaaq ahaan, waxaan aminsanahay inay bulshadu soo dhaweyn doonto hawsha aad gashaan  cabdi iley waxaa uu ku fashilmey xaga nabad galyadii.

Waxaan idin sheegayaa in aysan jirin manta melay Ogaadeen dagaan oo nabad ah, xasinooli majirto, lacgtii wey ka dhamatey ONLF waa maalintey ugu taageerada badneyd deegaanka.
Cabdi Iley waxaa uu wadey shiraarkii uu Ogaadeen kula shirayey Jigjiga in uu soo xareeyo qurbajooqta taageerta onlf waxaa uu dhinac kale amar ku bixiyey in aay liyuu boolisku bixiyaan bulshada reer guraga ah waxaay arkan xabad ku dhufta  iyagaa bixi  manta yaa hor istagi kara onlf degaanka waa been wax uu burubagadhada ah ee wado ciidamad federalku  hada  wey fahmen shaqada liyuu boolisku in aay is dhax socdaan oo yihin 2 qeyibod oo onlf ahqar onlf xabda ku ridan qaarna shacabka bixiyan waa qarabada cabdi iley kuwa shacabka laaya  manta marka shacabku waxaay taagersan yihin dhamaan onlf maxaa yeelay onlf hada wey ka baxdey oo soo dhaweyin bee wadaa ee jidwaaq maxaa helay?.   jaamac-sagal.
Somali Region
Radio Jigjiga; Dhawr arimood baad kawada hadashay, tan hore ee jaaliyada beesha Jidwaaq, sidey u egtahay, beeshani malaha hogaan siyaasadeed oo ay ku soo hirtaan, dhanka kalena beesha waxaa aad ugu badan baranbarada, iyo dadka lagu tilmaamo iskuma kalsoonayaasha, ama dameeri dhaan raacday, tusaale ahaan kuwoodii la islahaa wax bey kala hagi karaan, waxay ka dhamaan la'yihiin iney dabada u ruxaan Cabdi Iley, iyo raga u jooga Minnesota, magaaladii Minneapolis ahayd ceebtooda baa lala mari laayahay, kuwaasi waa sidaas, kuwase wadankii tagay, intooda badan calool xumo ayey la soo noqdaan, waxbase ayeysan cidna ku eedayne, ee waa uun iyaga, iyo dadnimo xumadooda.

Dhanka dadkii deegaanku ONLF, bey aad u soo taageerayaan, waxaa jirtay in madaxweynahu aad iskugu taxaluujinayey baryahan dambe, siduu beelaha kale sida Jidwaaq, Cawlyahan, Ciise, Ogaadeenka kale, iyo beelo kale ONLF ugu dari lahaa si aan toos ahayn buuna qorshahan u waday, tusaale ahaan iskhilaafkii dhexmaray madaxweynaha, iyo Axmed Sheekh, wuxuu isku dayey inuu iskhilaafkaas shaqsinimo u badalo, inuu yahay beesha Cawlyahan oo ONLF ku biirtay, madaxdii beesha Ciise ee ay siyaasada isku qabteena sida Cabdi Jibriilna, iyana wuxuu ku eedeeyey iney nabad diid yihiin, markaa kaarkan nabad diidnimada Cabdi Iley aad buu u xoqday, dadkiina hada wada arag in ninkii ay isqabtaanba uu nabad diid ugu yeedho, waxayna u badan tahay inuu kaarkan sida waalan loo xoqday dhamaad ku dhaw yahay.

Xaga kalese aad buu iyana u rabay in jilibkiisa hoose laga soo saaro ONLF, hadase xaalku ma fiicna, waayo nabad galyo daradii sideedii hore bey ku noqotay, inta badana waxaa sabab u ah, ficilada madaxweynaha deegaanku qaadayo, dhinaca jabhadaha mucaaradkuna ficiltan aad u adag bey kala horyimaadeen, markaa u badi in madaxweyne Cabdi Iley, uusan wakhti dheer oo soo socda hadalo farxadeed kaga soo yeedhi doonin dhanka nabad galyada.

Ugu dambeyn nabad galyo daradaas ka sii dareysa ee deegaanka hada ka taagan, waxaa suura gal ah, in uu Cabdi Iley, malaha sidaas qorshahiisuba ahaaba, tusaale ahaan waxaa kaloo la moodaa iney isaga, iyo ONLF ku heshiiyeen; kuabada ana mar aan dhashado, adna marka xiga.

Waxaa la rumaysan yahay, in dhacdadii maalmo ka hor dhacday ee ciimada Liyuu boolisku soo qabteen wariyaashii Swedish-ka ahaa dablaydii la socotayna diley, in hawlgalkaas ku yimid, kadib, markii xog laga soo diray, xafiiska qurba joogta dawlada taageersan ee Nairobi soo gaadhay Jiggjiga, sidaasna Liyuu Boolisku hawlgalka ku sameyey.
Inta badana dadka ka soo galay dinaca ururka ONLF, waa dad si gaar ah ay dawlada Itoobiya u raadinaysay, macnaha inbadan oo dadkan ka mid ahi, waa dadkii xogta ONLF hayey siyaasad ahaan, iyo si walba, waana sababtan baa la leeyahay waxa fashilanka garabka nabada diiday baryahan danbe ugu wacan.
Si kastaba ha noqotee waxaa hada iska cad, in garabyada isku haysta deegaanka oo dhamaantood mid walba goonidiisa u sheegto inuu yahay ONLF-ta dhabta ah ay misana wada socdaan.
Waxaa kaloo jirta in dad badan oo deegaanka ku nooli, ay shaki ka qabaan iney dhamaantood ka dhaxayso xidhiidh hoose oo wada shaqeyn ah, maadaama ay markii horeba hal beel ka soo wada jeedeen, xaqiiqse waa arin ay adag tahay cadaynteedu!.
Madaxweynahana, waxaa laga hayaa, markuu Minneapolis joogay in odayaashii beesha Ciise ee isaga ka cabanayey ayba shaqadii ugu weynayd u qabteen, taaasoo uu ula jeeday "iney ka dhigeen nin beesha Ogaadeen dantooda wada".


 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.