Cabdi Iley, oo lugtii ugu dambaysay ku taagan, iyo soo dhaweynta dadweynaha deegaanka
Waa qalinkii qulqulka ahaa balse halqaadka ahaa ee Qurbac Qamaan, Inyar hadaan idiin xasuusiyo, waa taxanihii Bahbililiqo iyo Balaayadeedii. Ilaahay mahadii, maantase, waa qormadii ahayd, ina Iley oo xaqii qabtay oo kawaanka saaran. Toloow, ma bah bililiqo ayuu eedeeyn doona mise nabad diid cusub ayuu jeeebada kala soo bixi doona. Good news, Melez Zenawi wuu baraarugay in joker loo ciyaaray waxuuna goaansaday inuu ina iiley dhabarka ka taabto. Melez wuu taabtey ina iiley, laakiin baroortii ina Iley waxay gaadhay heer uu kala garan waayo magaacdii dadka sharafka lahaa sida mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Sheekh Yusuf (JANO GALE) iyo ardaydiisi bahbililqo oo firxadkoodii uu hada bilaabmay. Ina iileey miyuu uu iloobay inuu ka mid yahay boqortooyada Duqsiyada ama (species of flies in biological term). Toloow ina iiley iyo bah bililiqo ee ku abtirsata ablaableeynta duqsiga may yaqaanaan macnaha,( A professional cartoonist). Cartoon ka kale eey soo sawiri donaan ayaan technical advice ku siin doona.  Anagoo ka dab qaadanayna khibrada iyo tooshka lixqaadka ah ee , Editor in Chief of Radio Jigjiga, veteran journalist , Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan . Sidaan horeyba ugu balan qaaday, the International Social Media ee Radio Jigjiga waxaan dadwaynaha dulman aan ka haqab tiri doona xaqaa’qa wadankooda ka socda maadaama oo dhiigyacab cusubi aduunka ku soo biiray ( A global criminal) . ku farax in dhiigyacabkani ka diiwaan gashan yahay, Institutions of Human Rights and Global Bodies for Peace and Justice, isla markaana uu mari doono jidkii qodxaha lahaa ee korneel, Qadafi mar eey ahaatoba, haduu xataa ku talo jiro inuu isqariyo ama bahbililiqo uu soo dhiibto lacag guryo loogu gado Dubai, Maraykanka iyo Yurub, ama wadan kale waloosan looga hadheeyn.
Walaalayaal sidaan la socotaanba, waxaa gobolkeena ka soo ifbaxay daaqi ama dhiigyacab (A neo-tyrant) oo meel kaga dhacay bulshada gobolka iyo umada walaalahood ee federal Ethiopia. Isagoo dan gaar ah wata islamarkaana quudinaya bah bililqo ayuu been cad uu ku maaweeliyay dawlada qadiimiga ah federlaaka islamarkaana umadii kililka ee nabada ku hiiran jirtay karkaarka waydaariyey. Waa sida ay isaga latahayee, wuuse ku hungoobay, waa cusubna wuu u baryay oo lagu magacaabo, (The beginning of long road called, justice speaks while punishments unleashed), waa uun xigmad wayn oo lagu magacaabo, cadaaladii ayaa seefta galka kala baxdayniyadoo xor ah. ibna aadan kasta wuu ogyahay qiimaha nafta banii aadamka, isaguse, wuuka leexday jidkaas, wuxuuna ka doorbiday inuu umada maxamdiyo uu dhigooda miirto anshax xumana hadalkeedba daa. Ogsoonoow, hal qabiil oo qudha kumuusan xadgudbin, balse wuxuu ku taamayay inuu umada Ethiopia oo dhan been aan sal lahayn ku maaweeliyo. Tusaale ahaan, waxuu ka been abuurtay dadkiisi, dalkiisii, dastuurkii gobolka iyo kii federaalka (regional and federal constitutions which guarantee the basic human liberty). Maantase, waxaad moodaa in ay dowladii federaalku indhaha kala qaaday ooy ogaatay khayaanadiisii soo jiidmaysay. Waxay dowladu si xaqiiqa ah u fahantay in nabadii gobolku faraha ka baxday isaguna ka masuul yahay, waxay kalooy ogaatay inuu si hoos ah xidhiidh ula leeeyahay ururka nabad diidka ah, isla markaana qabiilada kale ee masaaakiinta ah ku eedeeyo budhcadnimo, waxay daaha ka furtay in ciidankan uu sameeystay ay isaga u adeegaan aakhirkana khalkhal wayn galin karaan nabada soo jireenka ee dowlada Ethiopia. Isku soo duuduubo, waxuu dawlada federlaaka u soo jiiday ceeb ma guurta ah. Hadaba, aan qoraalkan gaaban soo gunaanadee, waa ilaahay mahadii inuu ninkii waalnaa ilaahay xakameeye, isaga iyo intii la halmaantana jidkii uu maray ayuunbay mari. Laakiin bah bililqo oo la baxday magaca qurba joog waxaa la gudboon iney dhulkii ay boobeen dadkii xaqa u lahaa u celiyaan isla markaan dhaqan celin ka dalbadaaan ilaahay iyo umada ay dhibeen. Waa inoo markale. Waxanse aad ugu mahadnaqaya siday taariikhdu u sharaftay ilaahayna u ciseeyey qoraaga, halyeeyga umada, Cabdiraxmaan sheekh Xasan Sheekh Yusuf. Malaaigtu haku xafido. Waa qurbac qamaan oo leh waa inoo waqti kale, please feedback I siiya.
|