
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Shirqoolkii ka dhanka ahaa,beesha Jidwaaq ayna wateen, Cabdi Iley, iyo Daauud oo dardar cusub la galiyey
Qoraalkii sirtii ee hada ka hor ku sabsanaa Cabdi Iley ,Daud Maxamed Cali,iyo Cabdiraxman Shekh Maxamed (gurey) iyo ONLF ee ku wajahnaa beesha Jidwaaq oo gadhey meshii loo baahna, balse wax yar ayaa ka hadhay in la dhameys tiro. Isagoo hadaba Cabdi iley kaashanaya madaxda kale ee beesha Ogaadeen, sida Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (gurey) iyo Daauud Maxamed Cali, ayey si wada jir ah go'aan ugu gaadheen in dhulka beesha Jidwaaq la dhaco, dawladana si buuxda loga qariyo, haday suura gashana waxay ku tala jiraan, iney degmo cusub oo beeshoodu leedahay gobolka Jigjiga laga sameeyo, sida ugu dhaqsaha badan, waayo waxay ka shaki qabaan inuusan Cabdi Iley meesha sii joogeynin wakhti dheer.
 Manta Cabdi Iley, ma rabo nin bulshada u roon ee waxaa uu rabaa nin u roon isaga iyo jifadiisa wax ka biyo diidey waa wax yar waana laga horeyaa isaga iyo saxibadii. Kuwa aminsan in ay liyuu boolis ku xukumi donaan jidwaaq, runtii waa kuwo riyoonaya. Cabdi iley waxaa uu ciidii shegay in uu ka dhameyey qabyaladii deegaanka Soomalida, balse bulshada ku dhaqan gobolka jigjiga gar ahan beesha jidwaaq waxaa uu rabaa in ay ku dhacdo wax ayna ka soo waaqsan waligod, taaso ah, inuu qabiilkiisa meel walba u dhiibo, isla markaana beentiisii sheego ahayd "qabyaaladii waan tirtiray" bal aan hosta ka soo bilaabo qaab dhismeedka hada ka jira deegaanka.
Ina Iley, iyo degmooyinka beesha Jidwaaq
1; Degmada jigjiga waxaa la keenay rag uu ina Iley doonayo in lagu qab jabiyo beesha Jidwaaq. Degmada Qabri Bayax wuxuu ina Iley keenay nin aan dhaqanka Soomalidu waxba ka aqoon, kaba sii darane, aan waligiiba arag Qabri Bayax, waa nin jareer ah (reer baare ah), waa yaabe muxuu ninkan ina Iley u geyn waayey gobolada ay beeshiisu degto? 2; Waxaa jirta in degmada Jigjiga, la soo dajiyey maleeshiyo beeleed oo laga kenay Fiiq iyo Dhuxun, arintani waa ceeebta, iyo foolxumada ugu weyn ee hada haysata beesha Jidwaaq, sadexdooda jilib weynaba, taas oo ay Cabdi Iley, madaxda beeshiisu ugu tala galeen, in hadii ay doonaan, xasuuq lagu sameeyo reer Jigjiga.
Wasiirada, iyo Madax Xafiiseedka
Cumar Xaaji, wasiirkii hore ee maliyada kililka waxaa uu haystaa shahadada Master kana soo qatey dalka Australia maxay ku dhacday in uu Xabiib oo aan wax shahaado haysanin, laga kor mariyo, mise meesha Cabdi Iley, dagaal qabiil oo cad buu kula kacay beesha Jidwaaq.
Cabdiqadir Muxumed Farax waa wasiri kii hore ee kobcinta awoda DDS waa nin wax ku soo bartey dalka Japan, Fatix ama khadar dheere, oo wax aqon ah lahayin ma ka karti badan yahay? tasi miyaad qadaneysan ood amini kartan.
Engineer Cabdirisaq iyo engineer and Dr,suldan wali oo ah engineerada kaliya ee biyah ah ee deegaanka jooga miyuu ka aqoon batey farxan Cabdi iley oo dhigtey sharciyada diploma?.
Cabdulahi itoobiya waa degree waa Hogaanka nabadgalyada, oo uu Cabdi Iley, ku bah dilay, isla markaana maqaar saar ka dhigey, uuna ku amray inuu C/LahiItoobiya warbaxinta siiyo, Cabdi Bade.
Dhamaan dawlad ku sheega ina Iley, waa noocaas, ann cadallada, iyo qiimaha lahayn.
Xataa sadexda madaxweyne ku xigeeno waxba kama ogeyn dhismaha dawlada, gudoomiyaha ku meel gaar ee xisbigana Maxamed Rashiid, waaba laga qariyey. Waxaa magacaabida dawlada iska lahaa, misana si qabiilaysi ah u soo wada dhisay; Cabdi Iley ,wasiirka ganasiga ee dawlada dhexe; C/raxman Sh. Maxamed (gurey) iyo Daud Maxamed Cali, sadexdan nin ayaa isku raacay, in dawlada laga dhaariyo beesha Jidwaaq gabi ahaanba sidey u dhan tahay, markay dawladii sidaas xaq darada ah ku dhiseen, ayey xataa iyagoon is qarin, Jigjiga muslimiintii kula dabaal dageen, sidii iyagoo muslimiin ah. Sadexda qorshe ee uu Cabdi Iley doonayo, iney isaga, iyo beeshiisu Jigjiga kula wareegaan
1: In uu sameyo magaloyin kale, si dhaqaalaha magaalada Jigjiga ka soo baxa, loo dhaco, isla markaana loogu naasnuujiyo magaalooyinka uu samanayo. 2: In uu ka dhawro maamulka sare ee magalada Jigjiga beesha jidwaaq. 3: In uu ku dhawaaqo in uu isku shaandheyn cusub samaynayo si, inta hadhay looga wareejiyo gacanta Jidwaaq, markaana uu madax beeshiisa ka tirsan, been-beentaas isku shaandhaynta ah ku keeno dhulka beesha Jidwaaq, aakhirkana sidaas lagula wareego.
Labada arin, ee hore hada way u meel martay, waxa kaliya ee ina Iley u dhimani, waa isagoo nin beeshiisa ah ka dhiga maamulaha magaalada Jigjiga (city mayor), isla markaana meesha ka saara, miskiinkii Gabooye, ee lagu soo jidka maray!.
Ugu dambeyn, wuxuu mudada dheer Radio Jigjiga, idiin soo tabinayey, miyeydaan maanta arag? Mise indhahiina wali caad baa saaran? Dadkiina gudaha la qabsaye, waana la haystaaye, aaway dadkiinii dibadaha joogey? Qurba joog wax garata miyeydaan lahayn?
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |