Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Cabdi Iley, ONLF, iyo Jidwaaq

Radio Jigjiga (Bogga Waraaqaha Dadweynaha) Marka laga soo bilaabo, intii Daaud, iyo Cabdi Iley noqdeen, labada masuul ee ugu sareysa  Dawlada deegaanka, waxaan shaki ku jirin in shacab aad u badan, waxay galabsadeena uusan jirin, xasuuq, iyo barakicin, aan horey deegaanka looga arag lagula kacay.
Hadaba waatan, warbxin, uu inoo soo diyaariyey, Jaamac-Sagal, si aad u dhuuxdid, macnaha dhabta ah ee maqaalkani xanbaarsan yahay, akhri dhawr jeer, iskuna taxaluuji inaad dadka intaan nasiibka u yeelan, iney akhriyaan, gaadhsiisid, markaa ka dib, waxaad fahmi doontaa, xasuuqii lagula kacay odayaashii beesha yaasuf, gadaalna waxaad ka fahmi doontaa in horey loo qorsheeyey, sidii laysugu diri lahaa beelaha Abaskuul, sida reer Ibraahim, iyo Yaasuf.

Wuxuu jaamac ku bilaabay sidan:
Sirtii Daauud Maxamed Cali iyo Cabdi Iley ee ku aadaneyd deegaanka Jidwaaq dago Waa qorshe ay dageen onlf-ta gudaha  ah ee ay hogamiyaan Cabdi iyo Daauud, waxaa si qarsoodi ah isku dhaarsadey Cabdi Iley iyo Daauud Maxamed, inay ,marka hore talaabo ka qaadaan  wax garadka, iyo ganacsatada beesha Ogaaden gaar ahaan, inta aan iyaga ka amar qaadan, isla markaana aan la' siyaasada ahayn, sow wax lala yaabo maahayn, ninka ganacsadaha ah ee la yidhaahdo Ibraahin xaad, lana ogyahay inuuba ahaa nin isagu si dhab ah onlf, ula dagaalama sidii loo galay, hadaba macalin laba shaatile Cabdi Iley, iyo maskaxdii isaga abuurtay, (what a monster he created!) waa Daauud, markay wax garadkii Ogaadeen, ka dhigeen, mid la dilo, ama la xidho, iyo mid ay wadanka ka caydhiyaan, ayey ugu dambayn u soo dhigteen, sidey quwada labaad ee beesha Absame, iyana markooda seefta u galin lahaayeen, malahase tani waa seefti laba shaatileyaasha leefi lahayd (mid horey u leeftay, midbaa hada dhiman, isna  waa dhaw yahay!).

Bilawgii dagaalka laba shaatileyda

Hadaba waxaa dhacday iney laba shaatileydu, sidii caadada u ahayd, ay wax garadka jidwaaq gaar ahaan kuwa beesha abaskuul  ka bilaabaan, sidaad la socotaanba waatii  ay Cabdi Iley iyo Daauud shaqadi ka qaaden dhamaan dhalintii ka soo jeeday beesha jidwaaq, iyaga oo ka dhigay wax dhintay, wax xidhan, iyo wax qaxa oo Nairobi, Kenya galay.
Waxaas khasaare, nafeed, iyo maalba ee labadan halaag beelweynta Absame ku sameeyeen, waxay uga dan lahaayen in  ay isku tusaan saraakiisha tigreega inay yihiin niman daacad ah, oo wax loo dhiiban karo.
Vendetta
Hadaba, waxaa dhacday, isna nin barako leh muusan ahayne, in Cabdilaahi Lugbuur, uu caqabad ku noqday, Cabdi Iley, iyo Daauud, qorshahoodii ahaa, sidii dadka deeganka loo xasuuqi lahaa, isla markaana, ay labadoodu madax Kililka uga noqon lahaayee, sidii madaxweyne, iyo ku xigeen oo kale, markaa dabadeedna waa tii Cabdilaahi lugbuur qaraxa lala eegtay, maalintii dabaaldaga Ginbood, si meesha looga saaro, arintani haba dhicisowdee, balse waxaa loogu tala galay in beesha Jidwaaq lagu cambaareeyo, waxaa la sheegaa in gudoomiyihii hore ee hogaanka nabad galyada, gobolka Jigjiga, uu arintan ka war helay, waa ninkii Faroole, ama farataag la odhan jirey, una dhashay beesha Abaskuul, gaar ahaa reer Maxamuud, laakiin intuusan waxba sameyn, waatii onlf-tu ku dishay faafan, isagoo lagu wanjalay, walibana sida la aaminsan yahay, fariin onlf-ta loo diray, loona sheegay socdaalka ninkan ee ku jihaysnaa dhanka Faafan, ugu dambayna sidaasaa ninkaas lagu aamusiiyey (mission accomplished).
Ninka onlf, si dhab ah ula dagaalama, iyo kan si dhab ah u jecel, labadaba waa la dilaa, ama la xidhaa! (just called it a bizarre situation).

Daaud, oo  colaad gooni ah u qabay beesha Jidwaaq, ayaa waxaa uu amar ku bixiyey in gudomiyah gobolka Jigjiga Mawlid Hayir la yimaado, sidii loo burburin lahaa wax garadka beesha, waxaana la gudoon sadey 3 qodob, Daauud waxaa uu qaatey magaalda Jigjiga iyo shaqaalaheedii ,Cabdi Iley wax uu qatey Qabri Bayax iyo wixi laga dili lahaa ee waxgaradka ah iyo dhaliyarada waa tii dhacadey  Mawlid Hayir, waxaa uu qaatey miyiga in uu yareyn dono, ka saari dono Jigjiga, qabri bayax ,Gursum,maamulada ku jira  xiniinyaha ka saari dono isaga oo kaashanaya ciidamada iyo lataliyaal tigre ah oo khalad fahan loo shegay in aay beeshu tahay ONLF, si loo sharciyeysto dhiigooda, iyo maalkooda.

1. Daauud Maxamed Cali waxaa uu bilabey in uu xilka ka qaado dhamaan madaxdii beesha , waxaa xilkii laga qadey Cabdi Dhuub gudomiye gobolka ,Suldaan Cabdiraxmaan, duqii magalda jigjiga Axmed Yasiin bashiir dool, haydii SRS EE xirsi neero  oo ha xildhibaan federal ah, Cabdi Waasac Cabdulahi bade oo ka Hadley shacb lalayey   cidii ku jirtey maamuladii gursum,qari bayax, dagmada jigjiga Daauud wuxuu, ku guleystey qorshihisa, inkasta oo uusan isna waxba ka dambeyn

2. Cabdi Iley ayaa wuxuu isna bilaabay inuu isku diro beelaha walaalaha ah ee jidwaaq gaar ahaan abaskuul dhexdeeda.
Waxaa uu bilabey in uu Cabdulahi Etoobiya ka dhigto ku xigeenka hogaan nabad galyada, kaaso qorshuhu ahaa, sidii loo dardarin lahaa isku dhaca beelaha Abaskuul ee horey lo qorsheeyey, qorshe kalena wuxuu ahaa, maadama jilibka uu Cabdulahi Etoobiya ka yhay, Abaskuul, ay wax ka dagaan Mooyaha, halkasi oo ay horey iskugu haysteen, beelaha Absame sida; reer Isaaq Ogaadeen),Yaasuf (Abaskuul) ,reer Geedi (Abaskuul),iyo reer Ibraahin (Abaskuul) oo ah reerka uu Cabdulahi Etoobiya ka ka soo jeedo.
3. Waxaa kaloo qorshuhu ahaa sidii loo wanjali lahaa dhamaan, waxgaradka beesha, gaar ahaan kuwooda awooda leh.

Cabdi Iley ilen waa 2 shaadhlee reer Ibraahin waxaa uu so gooni ah ugula taliyey, iney dawlada deegaanka xidhiidh hoose oo wanaagsan la yeeshaan, halka Yaasuf iyo reer Geedi si aan toos ahayn looga dhigey ONLF, la socda hada Cabdi Dhuub oo reer geedi ah, waxaa lagu badalay Cabdilaahi Etoobiya.

Waxaa markaa dhacday in niman sheeganaya iney onlf yihiin, ay dad ka tirsan beesha reer Ibraahin dileen, waase yaabe, markiiba
onlf-tii Cabdi Iley, ay wada shaqeyntu ka dhaxaysay, durbaba waxaay sheegtey in ay dilen ninkii reer  Ibraahin, laakin dilkaas waxaa dusha looga tuuray Yaasuf, dabadeedna Cabdi Iley wuxuu amar ku bixiyey in uu Mawlid Hayir soo uruuriyo odayaal reer Yaasuf ah waxaana loo direy waxgardka reerka Yaasuf meel kasta oo joogaan la rabo iney dawladu la shirto.

D
hinaca onlf-ta ileen waa leysku xidhan yahaye, markiiba shirkii beesha Yaasuf lahayd, ayey iska soo xaadiriyeen,  Cabdi Iley, oo shirqoolkan ka soo shaqeyey baa Cabdulahi itobiya amar ku siiyey in si dhaqso ah Yaasuf ciidan loo galiyo, ciidankaa dawladana qorshe khaldan oo ah in onlf, Mooyaha ku shireyso baa la soo siiyey, kadibna waa iyadii 50kii odey meeshaas lagu xasuuqay, waxaase dhacday in goobta odayaasha lagu jaray, haba yaraadee hal qori xataa laga waayey.

Inkasta oo qorshaas fulaynimada ahi  Cabdi Iley u meelmaray, hadana siduu rabay uma dhicin ee waa ka dhicisowday, waayo Abaskuulna dhexdeeda isma dilin, beesha Yaasuf siduu rabay ma yeelin oo onlf, kuma biirin, marka laga reebo laba, ama sadex dhalinyaro ah oo inta laga caqli badiyey sidaa lagu kaxaystay maahine.

Laakiin qorshihii ahaa sidii loo wiiqi lahaa beesha Jidwaaq, dhaqaale, siyaasad, dhulba wali waa socdaa, inkasta oo Cabdi Iley ka yareeyey siduu Daauud la doonayey in Jidwaaq loo galo,  hadana wax uu la hadhey ma jirto, ilaa maanta waxa jeelka ku jira, waxa ciidanka liyuu boolisku dilayaan ee gobolka Jigjiga waa jidwaaq, gobolka waxaa loo dhiibay, Mawild Hayir (oo u dhashay beesha  Gadabuursi, si iyaga, iyo Jidwaaq layskugu diro), degmada waa beesha Cabdi Iley, ,maliyada degmada Jigjiga, madax xafiiseedyada waa yaabe dhamaan waa beesha Cabdi Iley, ,duqii magaaladana Jigjiga, isna waa nin iska Yes-man ah oo Ina Iley wato, beel ahaanba halagu sheego Gaboyee.

Isku soo wada duube, Ina Iley dagaal beesha Jidwaaq ka dhan ah buu ku dhawaaqay, waa in dagaal lagala hor tago, hadaan ninkan, iyo kooxdiisa hada layska qabanin, waxaa dhici karta, iney reer jigjiga ku dhacdo dhibaato culus oo ay adag tahay sida looga soo waaqsado, bal fiiriya baryahan dambe, waxaa laga dhamaan la'yahay waxyeelaynta, iyo boobka beesha Jidwaaq, nimankani, waxay inagu soo wadaan xasuuqii, iyo burbirintay, beesha ogaadeen ay u geysteen.

Qurba Joogta waa la khiyaamay

Waxba ha arkina riwaayadan qurba joogta ah ee Ina Iley, Jigjiga ka wado, dadkaas qurba joogta loogu yeedho badankoodu markay, dhulkoodii baadiyaha ah u kacaan, naxdin, calool xumo, maxaa ku keenay, iyo af-kala qaad bey kala soo noqdaan, bal idinku weydiiya dadkaas markay dibadaha idinkugu yimaadaan, siduu xaal yahay dadkoodii, iyo dalkoodii?.
Radio Jigjiga; Maqsuud, Wax Barasho, iyo Wax Ku Dayasho Mudan, baad noo sheegaty, -mahadsanid- walaalkeen Jaamac-Sagal, qoraaladaadu waa baalasha Radio Jigjiga ku duulo.
Maalintuu Ilaahay
(subxaana wa tacaalaa) Bah Bililiqo Abuuray, Radio Jigjigana, Waa La Abuuray, Marka Sow Maahaan, Jiif Cabee!
Dahabka, ilaa dab la galiyo quruxdiisa, iyo qiimahiisu ma muuqdo, ragguna waa caynkaas, nimaan hadal, cidi uma hadasho, love it! keep up the good work.


 

  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.