Sanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)
Radio jigjiga (Addis Ababa) Iyadoo ay fooda inagu soo hayso sanad guuradii 1aad ee madaxweyna-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, bisha soo socota ee July, ayaa aynu faaladan qoraalka gaaban ah ku eegi doonaa samaan, iyo xumaan wuxuu Cabdi Iley qabtay mudadaa uu xilka hayey.
Cabdi Iley oo ahaa nin energy, iyo firfircooni dheeraad ahi ka muuqatay intuu hayey xafiiska awooda badan ee hogaanka nabad galyada, iyo cadaalada ee deegaanka, ayaa ugu dambayn madaxweyne ka noqday dawlada deegaanka. Hadaba markii Cabdi Iley uu koray salaankii ugu sareeyey ee dawlada deegaanka, ayaa markiiba nasiib u yeeshay taageero shacab oo aad u weyn, taageeradaas oo lagu tilmaamo, iney sabab u ahayd maamul xumadii ninkii isaga ka horeyey ee Daauud Maxamed Cali, Daauud oo lagu sheegi jirey nin dadka isku si u dulmiya, macnaha qabiilada Soomaalida ee deegaanka, ayuusan midna si gooni ah ugu roonayn ee wuxuu ahaa nin dadka wada dulma (equally oppressive leader).
Laakiin Cabdi Iley, oo isna dhinaciisa dulmigaa dhinac kaga jiray, dad badana kuba sheegaan inuu lug weyn ku lahaa qaloocinta, iyo maamul ka xumaynta labadii madaxweyne ee isaga ka horeyey sida Daaud, iyo Cabdulaahi Lugbuur, danahiisa gaarka ah awgood, ayaa markii uu madaxweynaha noqday waa Cabdi Ileye, ay la noqotay in cadaadiskaa culus ee lagu hayey dhamaan beelaha deegaanka, beesha Ogaadeenba ha ugu sii daraatee, loo baahan yahay in la yara dabciyo, waxayna u ekayd in xataa dawlada dhexe fikirkan ay Cabdi Iley la qabtay, nalka cagaarana u shiday, maadaama beeshani dagaalka hubaysan xooga ugu weyn lahayd dibad, iyo gudaba, ayey la noqotay in madax salaaxa loo badiyo, madax salaaxani wuxuu ahaa jidkii ugu weynaa ee nabada loo maray, madaxweyne Cabdi Ileyna si fiican buu u ciyaaray, wuuna ku meel maray in muddo ah.
Khaladkii siyaasadeed ee ugu horeyey oo uu Cabdi Iley galo
Ololahaas nabada, iyo nalka cagaaran ee Cabdi Iley xaga Addis Ababa ka helay ayuu isku arkay inuuba yahay nin hogaamiye ah oo misna xaga samada laga soo diray (divine leader) markiibana wuxuu ku dhaqaaqay inuu kala saarid, kala soocid, iyo kala fadalid beelaha deegaanka dhexdooda kula kaco, arintan oo uu is lahaa beeshaada oo aad u sad badisid waxay kuu horseedi doontaa nabad buuxda oo deegaanka ka dhalata, iyo taageero culus oo aad beeshan ka heshid ugu dambayna kursiga Jigjiga wakhti dheer bay kugu sii hayn!. Waxaa fikirkan khaldan marag ma doonto u ah inu Cabdi Iley dad badan ugu sheekeeyey inuusan madaxnimada Kililka muddo dheer ka tageyn, amaba uu abadan joogi doono.
laakiin nasiib daro beeshuu siiyey xaqii ay lahaayeen beelo kale oo badan, wax taageero ah oo la taaban karo kamuu helin, marka laga reebo koox wadaado ah aadna siyaasadiisa khiyaaliga ku dhisan (hallucinating) uga dheregsan, ugu dambayna waa kuwa kaliya ee ka faaiidey, goolka culusna ka dhaliyey Cabdi Iley, lana socda xaq duudsigii, iyo xaqiraadii reer Raaso, iyo reer degmada Jigjiga lagula kacay, waxay ahayd qayb ka mid ah siyaasadan khiyaaliga ah.
Sidaa awgeed inuu Cabdi Iley dhabarka u jeediyo, isla markaana dulmi siyaasadeed, iyo cunaqabatayn dhaqaalaba u geysto beelihii isaga soo saarey, hoyga, iyo cududana u ahaa intuu loolanka siyaasadeed ku jirey, loolankaas oo iskugu jira kii ka dhaxeeyey, isaga, iyo madaxdii ka sareysay ee Kililka, ama ururada dagaalka wadaba ha noqdeene, beelahaas oo kala ah; reer Jigjiga, iyo Shiniile, waxay ku noqotay mas gadaal ka qaniinay, waana xaqiiqiyan khaladkiisii siyaasadeed ee ugu horeyey, umana eka miduu ka soo kaban intuu xalka hayo. Dhinaca kale, koxihii hubaysnaa, ama garabkii nabada diiday cudud, iyo xoog cusub baabay ka heleen ololahaas khiyaaliga ahaa, si kastaba arintani haku timaadee, waa tan maanta aad aragtaan in nabad galyadii ka sii dareyso maalinba maalinta ka dambaysa!. Beelihii uu Cabdi Iley xad gudubka kula kacayna, dhankooda sawaxan, iyo qaylo caalami ah bey kala hor yimaadeen, inkasta oo laga yaabo inuu naftigiisu filayey in sawaxankan lagala hor iman doono, hadana waxaa ugu darnaatay, taageerada cusub ee ay garabka nabada diiday ka heleen beesha Ogaadeen oo madaxweyne Cabdi Iley is lahaa xaq darada aad beelaha kale ku sameysay way kugu taageeri doonaan, ugu dambayna nabad diidka afkay carada kuugula dari doonaan, nasiib darose, markale Cabdi Iley jidkii ka habow.
Hal nin gurani garaacay, dhinacna uma fayooba!
Waatii horey loo yidhi: "waxaan daacad ahayni dabaday ka xumaadaane" siyaasadii sad buursiga, iyo bahdilka ku ahayd beelaha deegaankena qaar ka mid ah sida, Ciise, Gadabuursi, iyo labada sida xun loogu tuntay ee Jidwaaq, iyo Sheekhaas, waa taa cidhib xumadii ka dhalatay caawa Cabdi Iley ku soo ciirtay, halka dhinaca kalena ay ka garaacayso sad buursigii cadaalad darada ahaa ee uu sameeyey.
Markaa waxaan shaki ku jirin in hal sano ku dhawaadkan uu madaxweynaha Cabdi Iley yahay, uu deegaanku dib u dhac weyn sameyey, dhinac walba oo laga fiiriyo, walibana ka sii darane ay midnimadii, iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha deegaankeenu meel halis ah ku jirto. Sidoo kale, waxaa iska cad in madaxweynaha xigi doona Cabdi Iley, ay hawlo badan, misana aad u murugsani u taalo, nabad darada soo cusboonaatayba ha ugu horeysee.
Ugu dambayn waa hadalkii Muuse Suuudigii Muqdishee "Cabdi Iley wuxuu gashaday kabo ka weyn" siduu ku siibaana waa adag tahay, waase yaabe yaa horey u yidhi: "i arkaay, i qariyaay buu ku dambeeyaa"!