Ma Dhamaadkii Madaxweynenimada Cabdi Iiley Baa, oo Saxaafada Xorta ah Baa Guulaysatey, Mise Dhaqankii Jidwaaq Absame Aafoobay? By; Askar Cige email: dulmidiid@mail.com
 Ma oday dhaqameed masaakiin ah oo ilaahay ku tasbiixsanayaa ayaa sharafka laga xayuubiyaa, mise sharaf kiisaa la ilaaliyaa? Hadana baroortu orgiga ka waynoo, dhaqankii dhaxalgalka ahaa waaba la aasay, islmarkaana odayaashi “ Vulnerable traditional Peasants ” ee quutal daruurigooda u halgamaysay ee sharafta lahaa ayaa la riciyadeeystay intii iyaga la caawin lahaa sida markhaatigu ku cad ee laga baahiyay July 17, 2011,Websiteka caalimiga ee afka dawlada ku hadla ee Cakaaranews.com, sida uu ku xigeenka hogaanka nabadgelyada Cabdilaahi Yuusuf Weerar, inoogu xaqaajiyay mar uu BBC da waraysi siiyey. For a future reference, aan ku celiyo qodobkan, Cakaaranews waa, “A broadcasting entity controlled and run by the government as stated by the deputy security chief” Markaa, suaasha meesha u taala ninkasta oo waxgarad oo Jidwaaq absame ah oo danta guud iyo tan diineed iyo tu dhaqanba daneeya ayaa waxay tahay, ma shaqsiyaadka liita ayaa wada inay umada Jidwaaq absame kala qoqobaanbaa iyagoo dhaqankii xabaalay? Mise caadadan aan indhaheena ku aragnay on cakaaranews shalay ee odayaashi la karaamo seejiyay islamarkaana sida warka ku cadeeyd ka muuqatay in dadkii ka masuulka ahaa ay u muujiyeen umada “Modern dicatatorial manners done to vulnerable adults under the watch of the government” ayaanu ka indho saabana? Arinkan odayaal Jidwaaq absame ah oo masaakiin la soo safay, hadana media ha la soo hordhigay waxay noqon karaan abaaha oo kale, awoowgaa oo kale, sodogaa oo kale, adeerka oo kale oo sharfkiisii lagu gadayo saylada warbaahinta cad oo macawista lagaga saarayo umad malaayiin gaaraysa hortood. 
Sida madexweynuhuna horey u sheegay inuu yahay halyeey absame sidaan khudbadihiisii ka dhadhansanayn way dhawaacantay waa haduu ogyahay falkan xun ee odayaasheenii lagu bahdilay islamarkana laga dhigtay, “Propaganda object instead of providing them food and water knowing them how hungry they are”.
Salaanta sharciya hadaan idhi oon waajibkeedii gutay, umadi way dagaalanta, dadbaa baaba’, laakiin diinta maxamdiyo lagumu hayo inuu qowlka rabi raad go’ dhaqanka soo jireenka ahina waa kan ina huwiya hadafka suuban ee saamaxay inay umadu nabad ku wada noolaato, khaasatan kan Soomalida Ethiopia lagu yaqaano waa mid ka gadisan soomalida kale oo waxuu qadariya haybada iyo nasabka shaqsiyadeed iyo kan beeleedba.
Waxaa xaqiiqo lagu hayaa in “It takes one person to start a revolution” waxaan uga jeeda, hal shaqsi ayuunbaa kacaan horleh oo wata aafo iyo dhaqan xumo cusub bilaaba, ama shaqsi wanaagsan ayuunbaa umada u bilaaba iftiinka lagu soo ceshanayo nasabnimadii dabiiciga u ahayd umada ee uu khaaliqu ugu hibeeyey “The basic pride and dignity given to humanity by the Omni- Allah, in other words, the Devine power” Xasuuso, dhaqan iyo dawlad waa kala laba. Marka ay arintu gaadho nasab wax ka sheegna waa marka qoka nasabka wax ka sheegahaya ay awoodiisa rabaaniydeed wiiqanto islamarkaana uu ka markhaati kaco inuu baniaadamka ka hooseeya, ama , aan af qalaad ku qeexee, “ When she or he abandons the basic principles that guides his or her existence, then, those kind of people are called, immorals”.
Marka ay cadaalad daradu ku faafto daafaha iyo duleedada umadana waxay ka midho dhalisaa dhibaatooyin hor leh, laakiin ogsoonoow, dhaqankii iyo xeerarkii soo jireenka ahaa een ka dhaxalnay awoowyaasheen wali wuu jira oo waa udub dhexaad umada ka fogeeya bakhtiga iyo xaaranta. Laakiin, hada waxaa jidwaaq absame weyne u cadaatay iney jiraan shaqsiyaad aad u liita oo shaydaanku durbaanka u tumayo isla markaana aan ogeeyn inay iyagu uun ay nasabadoodii, tii reerkooda, mustaqbalkooda, ay khatar galinayaan. Hadaba, sida shaqsi kasto oo damiirleh oo daneeya danaha umada Jidwaaq absame ama guud ee kililkena ee uu hogaamiye madaxweyne, Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa marag ma doonta ah inuu la socdo inay jiraan shaqsiiyad dhaawacaya sharafta iyo cirdayga Jidwaaq Absame una horseeday burbur hanaan socodka u dhexeeya madexweynaha iyo shacbigiisa. Taasna waxaa ka marag kacaya odayaashii masaakiinta ahaa ee lagu soo ururiyey, “The modern concentration camp of Abdi iiley” oo xoriyadoodii la xabaalay, jiritaankoodii lagu xad gudbay. Kolay cajalada laga duubay odayaasha masaakiinta ah ee lagaga duubay website ka Ina dawlada ee ina iileey waxay hanti maguurta ah u noqotay dadka taariikhda xifdiya sida hayadaha xuquuqlu insaanka, saxaafada xorta ah gaar ahaan qebteeda xifdida asluubta media ha ee afka qalaad lagu yeedho, “The permanent office of international media ethics” Waxaana lagu magacaabaa, markhaati bilaash ooy taarikhdu na xasuusin doonto, afka qalaadna lagu magacaabo, “spontaneous witness as treasure” Madaxweyne si dimoqradi ah loo soo doortay suxufi internationally recognized ah sida, Muadane, Cabdiraxman Sheekh Xassan Shkeekh Yuusuf oo media ethics ka ku xeel dheer, ama wadani wuu khilaafi karaa fikrada madaxwynaha, laakiin, inay dad yar oo maan gaab ah ay ku tuntaan sharafka madaxweynaha iyo sharciga wadanka hadana dhaqan xumada odayaasha la gumeeynayo sameeyaan waa wax aan la aqbalikarin. Jaale madaxweyne, haday dhab kaa tahay in kursigaad ku fadhido ay ku hoos aasan yihiin dhalintii iyo dhiigi absame, ku cun, ka dharag dhaqankayaga sharaf oo odayaasheena sharafkooda ilaali. Hadaadan ka masuul aheeyna, sharciga Mari cidii ku daba martay ee wada halaqdan dhaqan xumada ah bilaawday, Jidwaaqabsamena karaamadiisa iyo dhaqankiisana difaac.
Aan soo gunaanadee, shacabku iyaaga nabada doortay. Wadaniguna xaq buu u leeyahay inuu talo ka dhiibto wadankiisa islamarkaana si toos ah ugu bandhigo waxii talo ama tusaale ah madawenihiisa. Ama suxufi ha noqdo, ama civilian, ama dawli dawlada u shaqeeya. Laakiin madaxweyne, waxaa muhiim ah inaynaan dhaqanka iyo cirdayga umada aan naan ku xadgudbin, khaasatan inaan odayaasheena ka dhiagano “Material and political slaves” hadana xasuuso, burburka shaqsiyadeed waxaa bilaaba waa shaqsi kale oo firkad gaaban ku qalabaysan sida, ninkan aan fikradiisa ku socan ee Cabdilaahi Yuusuf Weerar. Madaxweyne ma adigaa odayaasha abtiyaasha ah guryahoodii ka soo qafaashay iyagoo istaqfuruleeysanaya, mise “Your subordinates are the to be blamed” Madaxweyne, taariikhdu way is qoraysaa, waqtiguna wuu markhaati kacaa. Markaa waxaa iga dardaaran ah, odaayashaa abtiyaasha ah haku talax tagin, wali rajaad leedahay.
Waa inoo markale iyo qoraal kale oo ka hadli doona xaqiiqada umada jidwaaq taabatay intuu ina iiley jigjiga soo dagay. La soco mustaqbalkan dhow. Inshalaah.
|