Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo qarka u saaran inuu kala go'o, beel beelna u kala baxo
Radio Jigjiga (Jigjiga) Deegaanka Soomaalida, ayaa waxaa ku bilawday cudurkii dalka Soomaaliya dilooday, ee qabiilka, iyo kala qaybsanaanta watay. kala qaybsanaanta oo salka ku haysa, marka beel kali ahi, inta xukunka dalkaas, ama gobolka kaligeed qabato, ka dibna ay beeshaasi ku kacdo, cadaalad daro, iyo iney beeshaasi wax walba kaligeed maamulato, arintan cadaalad darada, iyo quudhsiga jaahil-nimada ku dhisan, ayaa ugu dambeyn horseeda in beelihii kalena, ay markooda codsadaan, in wixii qayb ah ee ay lahaayeen dibada loo dhigo, misana ay beel walba maamul gooni ah u samaysato deegaanka ay degto.
  Hadaba deegaanka Soomaalida, ayaa cudurkan beelaysiga ku dhisan, ka nabad qabay sanadihii la soo dhaafay, sida la wada ogyahayna, beelaha deeganka wada dega, baa si siman isla markaana layskaga raali yahay, wax u wada qaybsanayey. Nasiib darose, ilaa, iyo intuu Cabdi Iley, talada deegaanka hogaankeeda qabtay, waxaa soo baxayey cabasho, iyo cadaalad daro ay beelaha qaarkood tirsanayaan, inkasta oo beelihii cadaalad darada tirsanayey, aysan badnayn markii hore, ayeyse hada u egtahay, in dhamaan beelaha deeganku ay si wayn uga wada cabanayaan sinaan, iyo cadaalad darada uu ku dhaqmayo ninkan sida xun uu qabiilku u madaxa maray.
Bilawgii cadaalad darada
Cabdi Iley oo laga wada dharagsan yahay siduu ugu soo baxay xasuuqa beesha Ogaadeen, ayaase markuu madaxweynaha deegaanka noqday, la soo shir tagey siyaasad, aan horey loogu arag madaxdii hore deegaanka. Siyaasadan fashilan, baa lagu tilmaamaa iney tahay, inuu Cabdi Iley, is tusay in haduu sadbuursi u sameeyo jilibkiisa hoose, ama intuu magaca Ogaadeen ku khiyaami karo, gaar ahaan, reer Cali Yuusuf, uu xukunka deegaanka haysan karo wakhti dheer, isagoo isla markaana iska dhigaya inuu yahay nin dantooda wada, tusaale ahaan waxaa jirta in jilibkiisan hoose, uu gacanta u galiyey dhamaan jagooyinkii muhiimka ahaa ee beelaha kale si wada jir ah u qaybsan lahaayeen, sida Soomaalida kale, reer Cabdulle, ama Ogaadeenka kale, ay qaban lahaayeen, jagooyinkaas oo ay ugu horeyso taliyaha ciidanka Liyuuga, sirdoonka Liyuuga, iyo kuwo kale oo waaweyn, Ganacsatada beeshiisa, ee kuwii kale, laga kor mariyey, haba sheegin, xisaabna ma leh, ninka sidan u dhaqmaya, dal dhan, ma lagu aamini karaa?. Sidoo kale, ayuu xataa Ugaaskii beesha Ogaadeen weyne u magacaabay isla nin beeshiisa hoose ah, laguna magacaabo Ciro.
Waxaa kaloo jirta, inuu beelweynta Ogaadeen ku beer laxawsado inuu wax walba faraha ka saaray, balse arintani waa been iska cad. Sida dad badani rumaysan yahay, wuxuu arintan xishoodka daran u samaynayaa inuu ku qariyo, xasuuqyadii uu guud ahaan, Ogaadeen kula kacay.
Cadaalad darada Cabdi Iley, oo lagu xidhiidhiyey halganka ONLF
Sida hada muuqata beelaha uu Cabdi Iley colaada weyn u hayo, waa isla kuwii onlf, ku eedayn jirtay, iney Itoobiya la jireen, isla markaana uu ururkani u arki jiray kuwa, si weyn uga soo horjeeda. Tusaale ahaan Beesha Jidwaaq, ayey diirada Cabdi iley, baryahan dambe si weyn u saaran tahay, sidoo kale, beelaha Ciise, Sheekhaash, iyo beesha Ogaadeen ee Cawlyahan, ayuu ku tilmaamaa kuwo nabad diid ah. Beelahan ayuu Cabdi Iley, aad ugu ciqaabaa ciidama Liyuuga, labadii todobaad ee ugu dambeysay oo kaliya, waxaa jirtay, boqaal beesha Jidwaaq ah oo xabsiyada Jigjiga la dhigay, waxa kaliya ee lagu soo xidhayna ay tahay, inuu isagu ku eedeeyey iney xidhiidh la leeyihiin onlf.
 Beentan iska cad, ayaa hadaba dadweynaha deegaanku u arkeen, inuu Cabdi Iley, ku jiro olole lagu darayo beelahan, iney ka mid noqdaan ururka onlf, sida dhacdana haday diidaan, waxaa lagu eedeeyaa iney, iyaguba yihiin onlf. Sidey ku dhacdaa, in laba nin oo isla hal beel ahi, ay madaxweyne, iyo ku xigeen deegaanka uga noqdaan, aaway isku dheeli tirkii beeluhu?.
 Hadaba cadaalad daradan aan la soo koobi karin, beelahana halkan aan lagu soo wada qori karin xadgudubyada uu ina Iley, kula kacayo, ayaa ay dad badani ku talinayaan, in markii ugu horeysan deegaanka la kala jarjaro, taasoo ay beel waliba deegaankeeda, ama degmadeeda maamulato, isla markaana xukunka beelaysiga ku dhisan ee ina Iley, laga tashado.
Shacab weynaha reer Jigjiga, oo beel kasta leh, ayaa ugu baaqaya iney Cabdi Iley, iyo intii xukunkiisa rabta, ay magaalada jigjiga ka guuraan, isla markaana ay dawlada ay, iyaga kaliya ahi maamushaan la tagaan dhulkooda, si buuxdana uga guuraan gobolka Jigjiga. Sidoo kale, beelaha dega gobolka Shiniile, iyo degmada Raaso, ayaa si buuxda ugu baaqaya in si fiican loo kala diro, maamulka deegaanka Soomaalida, iyadoo beel walba ay goboladooda, ama degmadooda xukunkooda qabtaan. Halkaana ay ku dhamaato, ku dul noolaanshaha, iyo dhiig miiradka ay beesha Cabdi Iley ku hayso beelaha kale ee deegaanka.
Arintan, ah in beel walba ay aayaheeda ka tashato, waa dooda, aanu halkan dadweynaha deegaanka uga furayno, hadii ay dawlada Itoobiya door biday in Cabdi Iley, talada deegaanka kaligiis hayo, anana waa in naloo yeelo, in ninkan, iyo kooxda xukunkiisa ogoli ay deegaanka gobolka Jigjiga nooga guuraan. Waa in beel walba sidan oo kale codsato, in deegaankooda ay iyagu maamushaan. Sida runta ahna, shacabka reer Jigjiga, uma sii dulqaadan doonaan in lacagtooda, canshuurtooda, hantidooda, iyo dhulkooda maamulkiisa lagu sii naas nuujiyo, beel kale.
Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa, waxgaradka, iyo cuqaasha deegaanka, beel kasta oo ay yihiin, in arintan loogu saro kaco, sidii ay u suura gali lahayd, isla markaana cadaaladii, iyo sinaantii beelaha dhexdooda dib loogu soo celin lahaa.
Fadlan, doodan ka qayb qaado! (halkan riix)
|