Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Dawlada dulmiga ku dhisan, damiirkana beeshay, iyo damanaanta beesha Jidwaaq

Qormadeenan maanta waxaan ku soo qaadanaynaa siyaasad xumada dawlada deegaanka Soomaalida iyo damiir la'aanta Jidwaaq. Hadaba beeshan jidwaaq oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dagan deegaanka, isla markaana ah beesha labaad ee ugu tirada badan beelaha kililka shanaad dega. Beeshan oo kala degan, sadex gobol oo kamida sagaalka gobol ee dawlada deegaanka Soomaalidu ka kooban tahay, sida FIIQ oo ay ka dagan tahay DAGMADA FIIQ, DAGMADA DHUXUN, DAGMADA GARBO, DAGMADA SALAXAAD, DAGMADA XAMARO,DAGMADA MAY MULQO IYO IIMAY, GOBOLKA DHAGAX BUUR, DAGMADA ARAARSO, GOBOLKA JIGJIGANA waaba saldhigoodii.
Hadaba waxaa amakaag iyo yaable beeshan oo dagan deegaanka intaas leeg baaxad iyo dhul isla markaana meelaha ay dagan yihiin aanad arkayn meel banaan oo aad cagta dhigto ayaanay suuragalin iney wali u loolanto kursiga madaxweynaha, iyada oon aaminsan nahay inay beeshani tahay beesha ugu tirada badan hadiiba tiro koob sax ahi deegaanka ka dhaco.

Hadaba waa maxay sababta hadii kolkii hore Absame-nimo ay ku wayday jagada madaxweyne ku xigeenka deegaanka Soomaalida, kol hadii madaxweynuhu yahay nin Absame ah isla markaana laysla gartay in lasiiyo beel kale oo dagan deegaanka si loo ilaaliyo nidaamka awood qaybsiga Jidwaaqna uu qaato af hayeenka baarlamaanka dawlada deegaanka Soomaalida mudo markay arintani shaqaynaysay ayay isbadal lama filaani ahi ku yimid nidaamkii awood qaybsiga beelaha oo ay ku wayday beeshan Jidwaaq afhayeenimadii baarlamaanka kadib markii iyaga laysku adeegsaday wakhtigii cabdi Jibriil Abuubakar madaxweynaha ka ahaa iyo kii ka horeeyay ee ahaa Abdirashiid Duulane Rafle ka ahaa madaxmeynaha oo lagu naafeeyay siyaasiyiintii ugu cuslayd ee Jidwaaq kadib markii loo adeegsaday nin nin Jidwaaq ahaa. Hadaba maxaa diidaya inay kol hadii madaxweyne ku xigeenadii laga dhigay 3 M/KUXIGEEN inuu mid kamidihi noqdo Jidwaaq isla markaana ay qabtaan jagada afhayeenimada ama GUDOOMIYAHA Xisbiga anigu arintan cid kale saari maayo ee waxaa khaladkaas iyo marin haboowgaas iska leh beeshan dulman oo hadana ku qanacsan halka beesha Ogaadeen qaadatay jagooyinkii Jidwaaq lahaa oo dhan sida madax xafiis yadii iyo madaxweyne ku xigeenkii gudoomiyaha xisbigana ay u dhiibteen nin ay ku dul maamulaan isla markaana Cabdi Iley u akhriyo waxa uu isagu rabo maadaamuu yahay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga isla markaana yahay madaxwaynaha kililka shanaad.
beesha Jidwaaq
Dib u curashada uu sheegto ina Iley, oo loogu yeedhay dib u dhaca deegaanka, iyo dib u qabyaaladeynta

Hada waxaa si toosa luuga sifeeyay madaxdii Jidwaaq ee ku jirtay maamulka kililka oo uu u dambeeyay Cumar Xaaji madax xafiiseedkii maaliyada iyo qorshaynta xilalkii ay xaqa u lahaayeen iyo madaxweynenimo ha joogtee waxaa hada nagu maqaala ah oo uu si badheedha ah oo aan mar marsiiyo lahayn u caydhinayaa dhilinyartii shaqaalaha ka ahayd xafiisyada kililka intii uu eryay bilihii hore mooyee isagoo awoodii magaalada Jigjigana ku wareejiyay beeshiisa iyadoo aanay maanta jirin Jigjiga ilaa heer qabalee meel uu maamulo Jidwaaq, arinta oo uu ugu magac daray dib u curasho oo macnaheedu tahay in uu beeshiisa ku dulnoolaado Jidwaaq iyadoo aanay waxba iska badalin beelaha kale sadadkoodii ay heli jireen wax u kordhay mooyee. Halka beesha Jidwaaq aanay xataa waxba laga siin horumarinta mashaariicda bulshada ee ay dawladan ina Iley qabatay tusaale. ahaan degmada birqod waxaa laga qodayaa 40 ceel oo hal mar ah halka caasimadii deegaanku biyo la,aan tahay ama aan deegaan Jidwaaq leeyahay oo kale aan wax ceel miyooda laga qodin Dhagaxbuur 12 ceel biyood baa ka socda iyana halka Marsin laga wado 22 ceelbiyood deegaanada hoosyimaada degmadaas halka reer Araarsana baraagaha ka cabaan xareeda taasoo ku tusinaysa cadaawada iyo ciriq xumada iyo nacaybka ku jira maamulkan qabiilka soocan ah ee ay u qabaan beesha Jidwaaq.

Waar niman yahaw miyay daan dareemayn waxa dushiina ka dhacayaa, waxin habeen iyo maalin mise anaga uun baa damqanaynee dhaguhuba idiin ma daloolaan.

Midba waxaan leeyahay taliskan nugul ee niyad jabka ah ee naxashka saaran ee nafla caaridka ah, waa ina Ileye; hadaad moodayso in Cabdi Iidoor iyo madaxda beesha  ee dagaalka siyaasadeed ama saxaafadeed idinka  dhexeeyo, aad Jidwaaq oo dhan u colaadisay waxaanu kuu sheegaynaa inuu Jidwaaq isaguna kaa tashaday, oo qaladaadka aad baratay iyo sadbursiga maacan jeceshaadu inuu soo dhamaaday, maanta xaqanaga aan ku raadsan karo si allaale sidaanu ku dhacsan karo, kuna bishaareyso ina Ileyow inaad godob, iyo aano aan waligaa kaa hadhi doonin aad ku jirtid, goor ay noqotana lagaa gudi doono, hadaadan isdaba qabanin.

WABILAAHI TAWFIIQ


Qoraha Maqaalkan

name:            AA

email:           araarsoman@hotmail.com


Waa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.