Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Dagaalkii qaboobaa ee u dhexayn jiray dawladaha Itoobiya, iyo Soomaaliya oo laga yaabo inuu soo noqdo

Radio Jigjiga (Mogadishu) Kala shakigii, iyo is aaminid la'aantii ay caanka ku ahaayeen dawladaha Soomaaliya, iyo Itoobiya ayaa laga yaabaa iney markale khadka soo gasho.
Dawladahan ayaa lagu xasuustaa iney dagaalo qadhaadhi dhex mareen ku dhawaad afartankii sano ee la soo dhaafay, dagaalkii ugu weynaa, uguna caansanaa ee labadan wadan dhexmaray sanadkii 1977kii ilaa 1978kii, ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa kii ugu xumaa ee laba wadan oo isla Afrikaan ah dhexmaray, dagaalkan oo la sheego in kuliyadaha milatariga caalamiga ah lagu dhigo siduu u dhacay, dagaalkan ayaa loo yaqaanaa Ogaden war, ayaa ay labadan wadan khasaaro, iyo dhimasho badan, oo burbur dhaqaalo geystay iskaga hor yimaadeen.
Madaxda Soomaaliya, iyo Turkiga
Balse markii ay dhaceen dawladihii ay kala hogaaminayeen, labadii nin ee dagaalka shaqsiyadeed ka kala dhaxeeyey, waa Maxamed Siyaad Bare, iyo Mingiste Xayle Maryam, sanadkii 1991kii, taasoo dhicida labadan talis ay kala dambeeyeen lix bilood oo kaliya, ayey dawladii Soomaaliyeed noqotay wadaan xadhigu u go'ay halka dawlada Itoobiya, iyo dadkeedu xornimo cusub oo xaga qamiyadaha ahi u dhalatay.

Hadaba dalka Soomaaliya ayaa haba yaraatee aan lahayn dawlad la sheegi karo labaatankii sano ee la soo dhaafay, wadankan bey kooxo dagaal oogayaal ahi (war lords) iska maamulanayeen sanadahaas dagaalka sokeeye, inta badana dagaalkii ujeedo la'aanta ahaa lagu tilmaamo.

Faragalinta ay dawlada Turkigu wado oo laga yaabo iney siyaasada geeska Afrika wax ka badasho

Waxaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay dawlada Turkigu waday ololeyaal kaalmo, iyo taageero iskugu jiray oo ay ku caawinaysay dawlada taagta daran ee Soomaaliya, sida ay ku cadaatay qaraxii naxariis darada ahaa ee lala beegtay ardaydii ay dawlada Turkigu deeqda waxbarasho u fidisay, waxaa jira ururo, iyo dawlado aad uga walaacsan taageerada ay dawladaasi u fidinayso Soomaaliya.

Dalalka Galbeedka oo Maraykanku ku jiro, ayaa aad uga walaacsan isfidinta ay dawlada Turkigu ka wado dalalkii horay u hoos iman boqortooyadii quwada weynayd ee Cusmaaninyiinta Turkiga (Ottoman Turks) Soomaaliya ayaa ka mid ah, meelaha ay Turkigu danaha dhaqaale, iyo siyaasadba ka leeyihiin.
Hadaba ururka midawga Afrika ee ay ciidamada xooga lihi ka joogaan, Soomaaliya, ayaa iyana dhinacooda walaac ka qaba ujeedooyinka dawlada Turkigu ka leedahay faragashiga ay dalkaas ka wado, Dhinaca dawladaha dariska Soomaaliya la ah, gaar ahaan Itoobiya ayaa cabsida ugu weyn ka qabta arintan.

Dawlada Itoobiya, ayaa la sheegayaa iney shaki culus ka qabto, madaxbanaanida uu wado madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo loo arkay, inuu raadinayo siduu dawlad xoog leh lugta ugu soo galin lahaa dalka Soomaaliya, siiba dawlad weyn oo xoog, iyo dhaqaaloba leh, isla markaana dawladaha Muslimiinta ka tirsan, sifooyinkan ayey dawlada Turkigu ku sifowday, sidaa darteedna Sheekh Shariif aad buu ugu faraxsan yahay iney dawlada Turkigu taageero dhaqaale, iyo ciidanba u fidiso dawladiisa aadka u tamarta daran.
Dawlada Turkiga oo labaatankii sano ee la soo dhaafay garaacaysay albaabka ururka midawga Yurub (European union), si ay uga mid noqto quwadaas qaarada Yurub ka soo socota, balse dhago jalaq loo siin waayey, shakina laga qabo Islaam-nimadooda awgeed, ayaa aakhirkii aad dhinaceeda ugu faraxsan iney heshay, meelo kale aadna looga rabo dhageysigooda, misana dhaqaalo, iyo sumcad siyaasadeed ka heli karta.

Dhiiranaanta madaxweyne Sheekh Shariif, iyo walaaca dawlada Itoobiya

Waxaa todobaadyadii tagay laysa dhexmarayey in Sheekh Shariif, uu ku eedeynayey dawladaha kenya, iyo Itoobiya iney fara galin aysan dawladiisu raali ka ahayn, ka wadaan Soomaaliya.
Lama hubo in hadaladan dhiiranaanta ah, oo aan madaxweyne Soomaaliyeed laga maqal, labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay tahay arin la socota imaanshaha Turkiga ee Soomaaliya, iyo inkale, balse waxaa meesha ku jirta in dawlada Turkigu ay arinta Soomaaliya, markale ku soo jeedisay indhaha caalamka, siiba taageeradii dhinaca mucaawinada dadka macaluulsan ahayd.

Ugu dambayn dawlada Itoobiya ayaa walaaceeda dibada soo dhigtay, horaantii todobaadkan, ka dib markii la shaaciyey, iney dawlada Itoobiya damacsan tahay, iney ciidamo u dirto dalka Soomaaliya, ciidamadan oo dawladu sheegtay iney ololaha nabad galyada ee Soomaaliya ka qayb qaadanayaan.
Arintan ayaa loo arkay, ineysan dawlada Itoobiya marnaba doonayn in banaanka laga dhigo arimaha Soomaaliya, taasoo ay Itoobiya, lug weyn ku lahayd siyaasada Soomaaliya, sanadihii la soo dhaafay, balse imaanshaha Turkiga ayaa iyana loo arkay, in dawlada Soomaaliya ee Shariifku hogaaminayo ku talo jirto iney maruun dunida u tusaan iney yihiin dal madax banaan, oo aan hoos tagin ururka midawga Afrika, iyo dawladaha dariska ah midna.


la soco wararka dambe!

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.