
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dadweynaha deegaanka oo badankoodu soo dhaweeyey kala qaybinta ku soo fool leh deegaanka Soomaalida
Radio Jigjiga (Waraaqaha Dadweynaha) Dadweynaha deegaanka, gaar ahaan qurba joogta, ayaa badankoodu si weyn u soo dhaweeyey, kala go'ynta ku soo socota deegaanka. Sida ay qurba joog badani noo soo sheegeen, ayey ku tilmaameen, in kala qaybinta deegaanka mudo dheerba la filayey. Ka dib, markii Cabdi Iley, lagu eedeeyey, inuu yahay nin u soo shaqo tagay, siduu u kala qaybin lahaa beelaha walaalaha ah, ee boqolaalka sanadood, nabad galyada, iyo xasiloonida ku wada degenaa.
Dadka hogaanka u haya, arintan lagu macneeyey, "geediga inoo kala fura" ayaa waxaa ugu horeeya, jaaliyada qurba joogta ee ka soo jeeda gobolka Jigjiga. Shacabweynaha reer Jigjiga, ayaa u arka, in iyaga si gaar ah ay dhibaatada bah bililiqo u saaran tahay, waayo, meesha ay bah bililiqo culayska dhaqaale, iyo dhul boobka uu Cabdi Iley, u wado waa isla gobolka Jigjiga. Sidoo kale, ayey shacabkani inta badan ku eedeeyaan Cabdi Iley, iyo kooxdiisa ineysan haba yaraatee wax dhaqaalo ah, ama wax soo saar beeralay ku soo k ordhin gobolka Jigjiga ee ay noqdeen dad, ummad kale ku dul nool (human parasite) waxaa jirta in dadkii deegaanka ku noolaa (local residents) dhulkii ay daganaayeen ganacsato in Iley la reer ah, si bilaasha oo kale ah lagu siiyo, iyadoo marmarna lagu dhaco dhulkaas magaca dawlada deegaanka.
Arintan ah, in awooda dawlada deegaanka lagu dhaco, dhulkii ay lahaayeen shacabka reer jigjiga, ayaa waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa, garoonkii hore ee diyaaradaha magaalada Jigjiga, garoonkan oo laga maarmay, ka dib markii la dhisay garoonka cusub, ayaa halkii dadkii horey u lahaa dib loogu celin lahaa, uu ina budhcad Iley, u saxiixay ganacsato ka tirsan kooxdiisa bah bililiqo.
Maahan, arintan oo kaliya, waxyaabaha cadaymaha loo soo qaadan karo, bililiqada, iyo boobka lagu hayo deegaanka Jigjiga, iyo guud ahaan, xad gudubyada lagu hayo, ayaase waxaa kaloo jira, boqolaal xad gudubyo, oo kooxda Iley ku kacaan.
Dhinaca kale, xad gudubyadaas dhaqaale, waxaa ka sii badan, dhibaatooyinka nabad galo darada ah, iyo iska soo xidhida lagu hayo shacabka deegaanka. Waa koox caadaysatay, iney kaligood iska maamushaan hantidii dhamaan dadweynaha deegaanka ku nool u dhaxaysay, kaba sii darane, iyana jagooyinkii dawlada deegaanka, cid kale, iney la wadaagto kooxdani uga dhaarte, markaa dad sidan u dhaqmaya, wax ma lala qaybsan karaa, sidey ku dhacdaa in 10kii madaxweyne ee deegaanka soo maray, ay 8 hal reer kaliya ka soo jeedaan, labada kalena, midna ku meel gaar lagu sheego (Cabdi jibriil) midka kan kalena, muwaadinimadiiba laga qaaday (Ciid) bal fiiriya Somalida dariska inala ah, reer kali ahi, xukunka ma iska haystaan? Dadka kale, ma adoomo aan xaquuq lahayn baa? waxan oo kale dimuqraadiyad ma lagu sheegi karaa? tani cadaalad, iyo sinaan maahan, xalkeeda kaliya ahi, waa in beel walba meesheeda madaxweyne ka noqoto, xal kale ma haysaan?
Waa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |