Radio Jigjiga Home         
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Garaad Wiilwaal International AirportCod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin Lahaa
sawir gacmeed lagu sawiray Garaad Wiilwaal
Ka dib in muddo ah markuu Radio Jigjiga weydiinayey dadweynaha u dhashay, ama ku nool ismaamilka Somalida Etobiya, Shaqsiga, ama qofka ay jeclaayeen in loogu magacdaro garoonka diyaaradaha caalamaiga ee ku yaal caasimada Ismaamulka ee Jigjiga, ayey ugu dambeyn dadweynuhu isku raaceen in loogu magacdaro Halyeygii weynaa ee Soomaalida Etobiya, ahaana Garaad Wiilwaal.

Hadaba inkasta oo ay codbixintani socotay wakhti dheer oo ka badan lix bilood ah, ayna codeeyeen dadweyne ka badan labaatan kun (20,000) ayey daweynaha codeeyey 73% isku raaceen in magaca garoonka loo bixiyo, uu noqdo "Garaad Wiilwaal International Airport" halka ay 20% u codeeyeen in loogu magacdaro garoonka isna geesigii qawmiyada Soomaalida; Sayid Maxamed cabdulle xasan, sidoo kale ayey ugu dambeyn daweynaha qaar ka mid ahi u codeeyeen 7%, in garoonka diyaaradaha loogu magac daro, aqoonyahankii Soomaalida Etobiya ee DR. CabdiMajiid.

Dhinaca kale Maamulka, iyo Shaqaalaha Codka Shacbiga Soomalida Etobiya (Radio Jigjiga) ayaa si weyn ugu mahad celinaya dhamaan intii ka qayb qaadatey codbxintan sida Dimuqraadiyada ah ku dhacdey.

Waana wax lagu farxo in dadweynaha Soomaalida Etobiya ay u istaagaan in codkooda la maqlo,isla markaana ay dadweynahaasi mudan yihiin in codkooda, iyo afkaartooda dhaxal galka ah ay madaxda sharafta leh ee dawlada deegankeenu maqlaan, kuna xisaabtamaan, meel marinta, iyo hirgalinta sidoo kalena ay tixgalin u muujiyaan codka shacabkooda sida weyn u taageersani ku dhiibteen in garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Jigjiga loogu magacdaro "Garaad Wiilwaal International Airport".

Jawaabtii Dadweynaha
(Akhristayaasha aan Magacaooda ku Soo Darin Qoraalkooda Laguma Soo Qorin Halkan, Fadlan Hadaad Arinta Wax ka Qoraysid, magacaaga ku Soo Dar)

magacayga hussein haybe USA waxaan oran lahaa waan taageer sana hay wuuna is taa hilaa garaad wiil waal International Airport magac aan waa halyey taariiq dheer kuleh somali ama itopia

asc dhamaantiin waan idin wada salamaaywaa ay fiicantahay inloogu magacdaro garaad wiilwaalwaa magac aad u fiican.
ABDURAHMAN AHMED OSMAN, USA


walaal marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka asalaamu calykum waraxmatulaahi wabarakaad salaan kadib waxaan aad iyo aad ugumahad celinayaa radiojigjiga iyo barnaamijada aad usoogudbisaan madhaan dadka kasoojeeda qoomiyada s\ithoobiya aad iyo aad ayaad umahadsantihiin howlwadeena radiojigaga intaa kadib waxaan jiclaanlahaah in loobixiyo ama loogu magacdaro ''garaad wiilwaal international airport ilaahay ha unaxariistee isaga iyo dhamaan halyayyadii wadaniga ahaa.
c\raxmaan xaaji daahir axmed, Saudi Arabia


asc wr wb wallal anigu waxaan tageerayaa in loo bixiyo garaad wiilwaal maxaayeelay waa nin tariikh ku leh somalida iyo gaar ahaan degaanka soomalida itobiya
dhagax yacad jigjiga


Waad mahadsan tihiin Radio jigjiga waana idinku taageersanahay magaca laysku raacay ee ah wiilwaal inter-airport, hadaanu nahay jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee degan UK, qaasatan aniga uu ku hadlaya magaca jaaliyada deegaan ama gobolka jigjiga,aad iyo aad ayaanu utaageereynaa.
Mowlid Gafoofe, UK


Magaca loo bixinayo garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaala-madaxda Jigjiga, in afti dadwayne loo qaado waa tallaabo muujinaysa qadarinta xuquuqda iyo doonista dadwaynaaha deegaanka.
magaca shakhsiga ay dadka inta badaan isku raaceen in loo bixiyo garoonku, waa mid xaqiiqadii u qalma garoonka iyo waliba meelo kale oo waawayn.
Garaad Wiilwaal, oo ahaa garaaadkii ugu xigmadda iyo awoodda badnaa hoggaamiyeyaashii beesha Absame, wuxuu caan ku ahaa tayadiisa abbaan-duulenimo, geesinimo iyo hoggaan.
Maxamed C. Gurxan


waa sax magacbixintaasi waana midaan taageerayo garaad wiilwaal international airport.
waa saeed adi sheekh, USA


Idaacadu maahan had, iyo jeer iney madaxda amaantooda sheg-sheegaan ee waa inay madaxda ka caawiyaan sidey madaxdu dadweynaha hogaan quman ugu horssedi lahayeen, markaa radiojigjiga shaqo waxtar leh baad wadaan, waanan idiinku mahad naqeynaa.
Cali xirsi, UK



Fadlan Dadweynaha Nala Soo Socodsiiya Fikradahiina Qiimaha Leh, Halkan Guji



RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.