Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

name: Libaax Aw Samater SHabeel
email: dirawalaakhirsamaan@hotmail.com
Subject: Bogga Dadweynaha

Caawa waxan ku jirna habeenkii lixaad ee bandooga magaalada jigjiga.
CABDI ILAY waxa haya xanuun cabsi ah, oo horay u asiibay laba madaxwayne oo ka horeeyay,oo kala ah Daa'uud iyo Lugbuur.Calaamadaha xanuunkan oo ah in qofku uu dhaho waa lay dilayaa, jidadka xidha, gaadhi socdaa yuu jirin, dadku fiidkii ha xeroodo.Daa,uud iyo cabdi ilay xanuunku waxa uu gaarsiiyay inay haweenkooda garaacaan, waa wax naxdin leh.

Horarka ina ilay xaaskii hore waa tii ka carartay ee Adis Ababa baryo lagu dajiyay, gabadhii yarayd ee dambee ina Cabdi Ismaaciil ee bariga dhawayd uu guursaday, siduu u garaacayay ayuu ilka ka daadiyay gacan wuu ka jabiyay, waa war xogogaala oo cisbitaalka jigjiga laga oo xigtay. Waxa horay loo ogaa sodohdi oo ka damqatay sida xun ee uu ula dhaqmayo gabadheeda, markay ka tagtay gurigii ee Dhagaxbuur ay u ambabaxday in ciidan liyuu ah ka daba diray,dabadeedna gacmaha laga soo jajabiyay,Sodohdii waa maro caana oo sharaf badan waa reer Isaaq reer jigjigaad ah.
waa KHadra Daahir Cilmi SHiil waxay ka soo jeedaa qoys aad jigjiga looga ixtiraamo.Falkaasi sodohda sadex bilood ka hor ayuu ku dhacay shalayna inanteedii buu ku dhacay. Magaalada jigjiga ceebta in ilay baa meel walba taala oo looga wada hadlaa, dadkii waxay noqdeen kuwa yaxyax dartiis la hadli waayey, iyo kuwo aad uga naxay waxa ninkan xishoodka darani kula kacay dumarkan masaakiinta ah, war wuxu miyuusan qabiil, iyo oday wax u sheega lahayn. Waxaa laysku wada raacay in ninkani yahay mid jiran, laakiin aan lahayn tol wax u sheega, ama cid u nasteexaysa.

Darajadaa marka qofku gaadho waa tabtii daa,uude xilka waa la dhaafiyaa. Waxad maalmaha inagu soo socda maqli doontaa
Cabdi Ilay tababar sadex bilooda ayaa la galiyay.
War dagaalka wada cabsida ku kordhiya waan hubaa maryaha way dhigi ama way dhiman.
guul midnimo.
Radio Jigjiga; Arintani marar badan baa nala soo gaadhsiiyey, balse wax cadaymo ah umaanaan haynin maanta ka horow, dhinaca kale waa dhacdo naxdin weyn leh, shakina hada kuma jiro in ninkani waashay. waxa kaliya ee u dhimani waa jeelka dadka waashay in la geeyo, waayo jeelka dadka fayow la galiyo ninkan laguma xarayn karo.
 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.