
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Waxgaradka, dhalinyarada, iyo cuqaasha beesha Jidwaaq oo cambaareeyey Maxamed Suldaan Bade moora-duuga uu ku sameeyey walaalkii, iyo beesha Abaskuul
Radio Jigjiga (Minneapolis) February-13-2012, Boggan radio jigjiga ayaa waxaa baryahan dambeba soo gaadhayey cabashooyin, iyo ka-eed sheegasho ku jeeda ninka walaalka la ah Suldaanka Beesha Abaskuul ee Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Bade, waa ninka lagu magacaabo Maxamed Suldaan Bade, hadaba cabashooyinkan, ayaa iskugu jirey kuwo lagu cambaareynayo xadgudubyada dhaqameed ee uu Maxamed kula kacayo beesha Abaskuul dhaqankeedii soo jireenka ahaa , iyo guud ahaan sharaf dhaca uu u keenay duubkii Jidwaaq. Iyadoo lawada ogyahay in madaxweynaha deegaanka, iyo dadka la shaqeeya ay deegaanka ka wadaan qorshe aad looga naxay kaasoo ay doonayaan iney badalaan dhaqankii, iyo hidaha beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka siiba beesha Absame.
 Waxaa la xusuustaa siduu Cabdi Iley u soo xidh xidhey Ugaasyadii reer Qabri Dahare ee sharafta lahaa, kadib markii ay saluugeen qoryaashiisii fashilmay ee uu doonayey inuu dhaqankooda, iyo hidahooda ku badalo (traditional, and social re-engineering) hadaba beesha Jidwaaq, waa beesha ugu horeyasa kuwa uu Cabdi Iley damacsan yahay inuu isbadal dhaqan ku sameeyo, macnaha uu u sameeyo Suldaan, ama shaqsi isaga uga dhex shaqeeya beesha dhexdeeda. Beesha Abaskuul ayaa la moodaa iney kooxda Iley si gaar ah diirada ugu hayaan, iyadoo horeyna looga warqabo, wixii ay Suldaanka weyn ee beesha kula kaceen.
Hadaba cabashada ku jeeda Maxamed, ayaa waxaa ugu horeeya inuu runtii ka noqday magaalada Minneapolis, kan loo adeegsado mija xaabinta beesha Abaskuul, taasoo aysan beeshani ka shiri karin waxyaabaha u gaarka ah iyaga sida iney ka wada hadlaan dib u dhiska, iyo horumarka deegaanada ay beeshani dagto, taasoo uu Maxamed had, iyo jeer is hor taago shir kasta oo ay beeshani damacdo iney qabtaan, sida muuqatana Maxamed danaha beesha ma wado ee wuxuu u adeegayaa kooxda Cabdi Iley, kooxdan oo sida la ogyahayba ka reebay magaalada weyn ee Qabri Bayax, ismaamulka loo sameyey sadexda magaalo ee Dhagaxbuur, Qabri Dahare, iyo Godey, sidoo kale ayaa magaalada Qabri Bayax, laga qadiyey in wax horumar ahi ku yimaado, taniyo intuu Cabdi Iley xukunka deegaanka yidmid.
Markaas isagoo Maxamed si fiican uga warqaba dhibaatooyinkaas ay kooxdani ku hayso magaalada Jigjiga, iyo Qabri Bayax, ayuu waa nasiib daree ka door bidey inuu si fooxun u adeege, iyo daba dhilif uga noqdo magaalada Minneapolis, iyo Maraykaka guud ahaanba kooxdan dadkii wada nacay, waxaa jirta waa wax laga naxee inuu jeebka ugu jiro nin dhalinyaro oo Xamar ka yimid, isla markaana dhaqan Abasme, ama Jidwaaq aan waxba ka aqoon, kaasoo lagu sheego "war u geeyaha ina Iley ee Minneapolis, or Iley's snitch", arintani waxay beesha ku tahay ceeb, iyo fadeexad aad u foolxun, ugu yaraan waxay ahayd inuu Maxamed kooxdan weydiiyo waa maxay sababta Qabri Bayax looga reebay ismaamul u sameynta sadexda magaalo ee kale, iyadoo lawada ogyahay in ay Qabri Bayax ka dad badan tahay, kana weyn tahay sadexdan magaalooyin marka mid mid loo barbar dhigo.
 Arinta kale ee lagu eedaynayo Maxamed ayaa waxay tahay, inuu si ixtiraam daro ku ah, Suldaanka weyn ee beesha, misana wadankii jooga, uu u sheegto inuu isagu yahay Suldaanka beesha Abaskuul, isla markaana looga dabaal dago, isla boggii sida foosha xun loogu bah diley walaalkii Suldaan Cabdiraxmaan ee Cakaaranews, markaa waxaa laga codsanayaa reer Suldaan Bade, iyo waxgaradka beesha Abaskuul in ninkan ay ka qabtaan beesha, una sheegaan inuu iska daayo magac bi'inta uu ku hayo beeshiisa, iyo guud ahaan dhaqankii, iyo duubkii soo jireenka ahaa ee beesha Jidwaaq, walibana kasii darane waligeed taariilhda laguma hayo nin sheeganaya inuu yahay Suldaanka reer Aw Nuux, misana reer Faarax Guuleed u dhashay, oo wuxuu xaqa u lahaa dad kale u hoos fadhiya, ama noqda nacamle farta loogu yeedho, war waxani waa ceeb ee ninka inaga qabta, wali waxaan nahay dad jira, oo magac, iyo sharaf lehe. Dhinaca kale, haduu Maxamed doonayo inuu kooxdan la shaqeeyo si damiir la'aan ah, xaq buu u leeyahay maadama uu yahay nin deegaanka u dhashay, balse waxaa naga talo ah inuusan magaca beesha Abaskuul, iyo sumcadooda si bahdil ah u hoos dhigin koxdan ay walaalaha Ogaadeenba iska fogeeyeen, mana qumana inuu ku qaraabto magaca taariikhda, iyo sharafta huwan, magaca aan waligiis dhulka lagu jiidin, magaca aysan abtirsiintiisu habeena kala go'in ilaa, iyo Daarood Ismaaciil, magaca Abwaan Camanje ay Soomaali isku jiidheen ee ah Suldaanka reer Aw Nuux. -Wabilaahi Tawfiiq, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan-
Fariin ka timid tafaaftiraha
"Dadka qoraalada faraha badan ka soo qoraya maqaalkan, fadlan joojiya qoraalada bilaa magaca ah ee aad soo direysaan, lamana soo daabici doono, ilaa aad si sax ah magacaaga, iyo e-mail-kaaga u soo qortid, arintan ka hadalkeedu waa xasaasi ee ama iska daa ka hadalkeeda ama magac, iyo e-mail soo raaci. no anonymous please!"
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |