Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

KU.DAWLADA FEDERALKA ETHIOPIA
KU.DAWLADA DEEGAANKA SOOMAALIDA
KU.WAX GARADKA IYO SALAADIINTA DEEGAANKA SOOMAALIDA
KU.MAAMULKA DAGMADA ARAARSO
Baaqa Qurba Joogta
UJEEDO.BAAQ CAMBAARAYN
anaga oo ah qurbajoogta beesha jidwaaq ee ku dhaqan wadanka sweden waxaanu cambaaraynaynaa dilkii foosha xumaa ee waxshinimada lahaa ee ka dhacay dagmada araarso 20/09/2011 dilkaas oo lagu la kacay wiil yar oo dhalinyara ah oo u socday gurigooda goor fiid ahayd dilkaas oo ay gaysteen mooryaanta sharciyaysan ee loo yaqaan lyu police ka. Hadaba dilkaas oo aan jirin wax loo aaneeyay ama loogu mar mar siyoodo oo sabab ah oo uu ku kacay Askari ka tirsan mooryaanta lyu police ka ee ku sugan dagmada araarso ayaa anay jirin cid wax iska waydiisay, hadaba arinta layaabka leh ee meesha dilku kadhacay ka dhacday baa waxay tahay kolkii la aasayay marxuun c/fataax cabdi jannagale inuu meeshaa soomaray madaxweynaha deegaanka cabdi ilay iyo wafti uu hogaaminayo oo u socday dagmada dhagaxbuur oo shir ay ku qabanayeen kolkii loo sheegay arintan dhacday xalay lagana sugayay inuu wax ka qabto ayuu waxuu ku jawaabay waxaan loo fadhiyin oon laga sugayn nin masuul ah waxaanu ku jawaabay WAXAAN BIXIN DOONAA WAXA LAGA BIXIYO DADKAY NABADIIDKU DILAAN taasoo ah 1000 birr oo lacagta ethiopia ah run ahaantii arintaasi waxay noo damaqday si aad u xanuun kulul waxaanu iswaydiinay wiilkan yar ma nabadiid baa dilay mise mooryaanta sharciyaysan ee isaga ka amar qaadata maxaa iska galay dadka ay nabadiidku dilaan iyo arinta foosha xun ee ka dhacday waxay noogu muuqataa inay ujeedo fogi ku lamaan tahay arintan waxayna tusaale cad u tahay dagaalka sabab la,aaneed ee uu kula jiro beesha jidwaaq iyo dilka macna la,aaneed ee loogaysto dadka Isir ahaan kasoo jeeda beesha jidwaaq taasoo dhacday marar badan oo soo noqnoqotay
Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa dawlada federalka ethiopia inay arintaas baadhitaan ku samayso isla markaana maxkamad la horkeeno cidii ka dambaysay dilkaas sida uguy dhakhsaha badan.

waxaa kaloon bulsha waynta ku dhaqan deegaanka soomaalida iyo sallaadiinta iyo wax garadka kaleba ugu baaqaynaa inay doorkooda ka qaataan intay taladu meesheeda joogto hadii aad fudaydsataan xaalkan taagan maanta meel fog baad ka dooni doontaan arintaninna noqon mayso askari wiil dilaye waxay noqon doontaa mid qabiili ah oo ay u aanoobaan reerka uu ka dhashay mooryaanka dilay wiilka yar ee u socday xaafadooda ee ardayga ahaa beesha uu kasoo jeedo askariga dilka gaystayna waxaan uu gu baaqaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan u keenaan wiilkii dilka gaystay meeshuu doonaba ha ka tirsanaado ciduu doonana ha ushaqeeyee hadii kale oo aad ka dhaga adaygtaan waxii meeshaas ka dhaca anagu shaqo aanu ku leenahay majirto dadkuna waa isyaqaan laysna waayi maayo godobtayadana mahaysan kartaan maalin galinkeed ee intay goori goor tahay ee aanay talo faro ka haadin arinta hala qabto
WABILAAHI TOWFIIQ.

Guddiga Jaaliyada Jidwaaq ee Sweden

Maxamuud Macallin Axmed
Muxuyadiin Cabdi Yoonis
Bashiir Xuseen Cabdi Khuuriye
Maxamed Cismaan
Cabdinuur Faarax Daahir









 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.