Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Cadaymo muhiim ah oo muujinaya, sida madaxweynaha deegaanku ugu shaqeysto ururka ONLF, iyo guud ahaan xidhiidhka ka wada dhaxeeya


Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, waxay dad badani ku tiriyaan inuu xiriir xoogan la leeyahay jabhada ONLF. Runtii waa madaxweynaha kaliya ee dadku ku xantaan iskaashiga kala dhexeeya jabhada. Xusuusnow mas’uuliyintiii ka horeysay dawlada dhexe iyo ciidanka ayaa ku eedayn jiray inay gacansaar la lahaayeen ONLF. 
Hadaba waxay u badantahay in xaqiiqadu ka duwantahay sida dad badani u haystaan oo uusan Madaxweynuhu xiriir siyaasadeed oo taxan kala dhaxayn ONLF. Cabdi ma laha ajende ka baxsan siduu kursiga ku haysan lahaa, mana jirto siyaasad ama qorshe intaa ka shisheysa oo uu ku hawoonayo inuu meelmariyo.
Jigjiga Leaks
Wuxuu si haqab la’aana u isticmaalaa miisaaniyada degaanka oon cidi kala xisaabtamin.
Wuxuu ku tuntaa dhamaan sharciyada u yaala dalka iyo degaankaba.
Ku tumushada xaquuqda aadanaha aad bay ugu dhib yartahay Cabdi. Dad xog ogaal ahi waxay ii sheegeen in isaga oo qoslaya uu amro in la laayo dad. Tani waxay muujinaysaa arxan darada Cabdi iyo akhlaaq la’aantiisaba. Eexdu ma ha miduu ka xishoodu waxaana la arkaa in badan isaga oo ku faanaya sida uu reerkiisa uga saremariyay reerihii kale. Waxaa kale oo tan tusaale u noqon kara siduu haatan u magacaabay madax xafiisyada. Hadaba dadka ku andacooda in Cabdi dhibaatooyinkan u gaysto  si uu dadka u tuso xumaanta dawlada dhexe iyo xaqnimada mabda’a ONLF waxay ku saleeyaan qodobadaba soo socda.

 
· Cabdi mar kasta ooy soo wajahdo caqabad siyaasadeed wuxuu fashiliyaa qorshe la sheego inay ONLF damacsanayd. Tan waxaa tusaale u ah qabashadii labadii wariye ee Sweden ka yimid. Hadii aad dib u fiiriso xiligaas Cabdi wuxuu dagaal siyaasadeed kula jiray Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Waxaa iyadana in la xuso u baahan in nimanka laga soo abaaulay Sweden oo madaxa ONLF ee dalkaas (Muxyadiin Cali Xaydar) isku qoys yihii Madaxweynaha. Sidoo kale waxaa wariyeyaasha la soo mariyay magaalada Nairobi oo uu ku suganyahay Cabdi Nuur (Madaxa ONLF ee Afrikada Bari). Cabdi Nuur waxay isna isku beel yihiin Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxuu shirka cabinetka ka sheegay inuu la socday arinta wariyeyaasha ka hor intaanay ka soo amba bixin wadanka Sweden. Hase yeeshee muusan sheegin inuu isaguba diray dhamaan kharashaadka ku baxay nimankaas iyo cidii la socotayba loona soo abaaulay in isaga loogu hiiliyo.

 · Ciidankii ONLF ee soo maray dhankan Somaliland waxaa soo gaadhay khasaare xoogan, ninkii watayse (waa Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane) wuxuu haatan yahay madaxa sirdoonka ee degaanka. Xusuuso xiligaas waxay ku beegnayd markii Cabdi la isku hayay in loo daayo Madaxweynanimada degaanka iyo in kale waxaana la tusayay inuu ku fiicanyahay nabadgalyada. 

· Waxaa iyana jirtay in Cabdi lagu tuhunsanay inuu ku lug lahaa dilkii iyo afduubkii loo gaystay shaqaalihii WFP. Ninkii watay kooxdii ONLF ee falkaas gaysatay oo markii dambe lagu diley dagaalkii Galaalshe waxaa reerkoodii magdhaw siiyay Madaxweynaha oo qiray inuu ka dhintay maamulka eesan ka dhiman ONLF. Waxaa igu maqaalo ah in labadii nine e la socotay ay ONLF dishay kadib markii ay ka warheleen shirqoolka. Cabdi markaas waxaa loo haystay xasuuqii loo gaystay reer Baabili.

 
· Xili laga joogo ilaa sided bilood Cabdi wuxuu cabinetka u sheegay in ONLF soo dirty nin wata walxaha la qarxiyo uuna ku soo beeganyahay Jijiga. Magaalada ayaa bandaw la geliyay, waxaan ugu dambayn la qabtay nin dharka dumarka xiran bambaanooyina wata. Ninkii waxaa la keenay booliska. Waxaa u yimid Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Laba Go’le (Madaxa Liyuu Booliska) wayna kaxaysteen iyagoo iska dhigaya inay soo dili doonaan. Kumuuse ahaa ninkani. Waa Ina Yuusuf Faarax (Reer Cukur Cali Yuusuf) wuxuu hada la joogaa reerkoodii oo miyiga dagan. 

· Waxay ONLF soo weerartay tuulada Ceel Xaar waxayna ku laysay dad badan (17 ruux). Reer Qabridahare way garan karaan cida degta Ceel Xaar ee hadii si caadi ah dhib u dhaco ay u badantahay in waxyeeladu soo gaadho. Ma dhicin in hal ruux oo Reer Cali Yuusuf ahi wax ku noqdo. Maalin  ka hor ayay dhamaan intii joogtay u kaceen magaalada. Waxaa arintan sii xoogeeyay in kooxda ONLF ee xasuuqa gaysatay uu watay Ina Axmed Tareey (Reer Xasan Cali Yuusuf) ooy hayb hoose wadaagaan Madaxweynaha. Dhacdadan kadib wuxuu madaxwynuhu xabsiga u taxaabay odayaal iyo wax garad  kasoo jeeda beesha dadkii la xasuuqay, inkastoo mudo kooban kadib la sii daayay.  

· Gudoomiye ku xigeenka ONLF (Maxamed Ismaaciil) waxay hayb wadaagaan Madaxweynaha. Waxay dad badani la socdaan saamaynta ay beeshani ku leedahay ONLF. Ma dhicin in hal ruux laga xiro ama dhibaato looga gaysto – ma aha arrin aan dhiiri galinayo iyo taas darted iyaga wax loo yeelo. Waxay dad badan oo reer qoraxay ahi ku sheekaystaan in lala wareegay guri ay lahaayeen qoys uu Maxamed Ismaaciil Abti u yahay (Ilma Shafeec), hase aan la taaban kuwii uu adeerka u ahaa ama walaaladiiba. 

·
Waxay dad badan oo markhaati ahi sheegayaan in Cabdi marka uu tago London gar wadeen ka dhigto Sheekh Xuseen oo ah xubin firfircoon oo ONLF. Waxaa la ii xaqiijiyay in Maxamed Ismaaciil markuu yimaado London ku dego xaafada Sheekha. Waxaa sidoo kale marag madoonto ah in sheekhu yahay xubin muhiim ah oo ONLF ka tirsan. Hase yeeshee lama damcin gurigiisa ku yaala Qabridahar halka dad badan oo maato ah lagala wareegay buulalkoodii iyagoo loo sababsaday in ruux ehelkooda ahi ku jiro ama kuba jiray (ilaa uu ka dhintay) jabhada.  

·
Waxaan ognahay in degaanka la xiro ruuxii ehelkiisu ku jiro ONLF. Hase yeeshee Maxamuud Nuur Axmed oo ah xubin gudiga fulinta ONLF waxay walaalo yihiin Cabdiraxmaan oo hada ah gacanta midig ee Madaxweynaha. Cabdi wuxuu dhirbaaxay si arxan la’aan ahna u waxyeeleeyay alaha u naxariistee Ilyaas Maxamuud Doolaal ooy ilma adeer ahaayeen Maxamuud Siraad Doolaal. Wuxuu falkan ciqaabta ka fuliyay suuqa magaalada Qabridahar kadib markii loo sheegay in Ilyaas ay wada dhasheen Doolaal. Hadaba waxaa iswaydiin mudan miyaanay Cabdiraxmaan walaalo ahayn Maxamuud Nuur. Mise Maxamuud ayaan ahayn gudiga fulinta ee ONLF, isla markaana aan ahayn madaxa waqooyiga Ameerika.  

· Bashiir waal miyuusan ahayn ninkii isaga oo ONLF ah shalay dadka suuqa ku caayi jiray goorma iyo sidee ayaa loogu aaminay inuu noqdo ruuxa u qaabilsan nabadgalyada khaaska ah ee madaxweynaha. Waxaan baadhis ku ogaaday in bishii ramadaan ay Bashiir iyo xubno kale ooy isku qoys yihiin kana tirsan ONLF wada joogeen magaalada Dubai. Waxaa labada kooxood ka dhexeeyay wada socod iyo ehelnimo khaas ah. Aaway colaadii loo qabay ONLF ooy ugu yeedhaan marka Jijiga la joogo UBO. Waxaa tan ka argagax badan in si joogto ah loo maqlo Cabdi Ileey oo caayaya Maxamed Cumar Cismaan iyo Cadaani. Maxaa looga waayay inuu mar qudha wax ka sheego Maxamed Ismaaciil hadii uu la colyahay ONLF oo dhan.  Gabagabdii wuxuu Cabdi Ileey ku faanaa inuu wiiqay ONLF uuna xaqiijin doono nabadgalyada degaanka. Sidaan ka dheehday buuga miisaaniyada degaanka ee sanadihii ka horeeyay intuusan Cabdi qaban hogaanka Nabadgalyda, waxay miisaaniyada nabad galyadu ahayd ugu badnaan 1,200,000. Jijiga waxay ahayd magaalo nabadgalyo ah. Ruux kasta six or ah ayuu xiliga uu rabo u socon jiray. Ma jirin dhaco ay ONLF ka kaysatay inta u dhaxaysa Jijiga iyo Baabili. Hadaba waa side xaaladu maanta. Miisaaniyada loo qoondeeyay nabadgalyadu waxay kor u dhaaftay 500,000,000 (Shan boqol oo milyan), Jijiga habeenkii waa cabsi oo sidaan rabno uma socono. Waxaanan garan karaa inta fal eey ONLF ka gaysatay wadada isku xirta Jijiga iyo Harar.
Maxaynu dhahnaa waa horumar marka.
Ma miisaaniyada la siyaadiyaybaa, ma cabsida nagu habsatay iyo Liyuu Booliska meel walba habeenkii taagan ee na baadhaa, mise waa dadka sida talantaaliga ah ay u xasuuqaan ONLF iyo maamulka degaanku? Jawaabta waxaan u dayn akhristayaasha. Waa arin laga naxo in miisaaniyadii degaanka ee loo adeegsanlahaa horumarka loogu takri falo si anshax xumo ah.
Haduu Cabdi Iley jagada madaxweynaha ee deegaanka lumiyo,maxaad u malaynaysaa iney sabab u tahay?
Waa hubaal in riwaayado la dhigo, amaan odayaal lagu khasbo, dacaayad aan jirin oo la faafiyo aanay waxba ka badalaynin xaqiiqada jirta ee ah in degaanku ku jiro xaalad dhibaato oo taariikhda gali doonta.
Sidoo kale dad nolosha kaga dhacay qurbaha oo tigidho iyo lacago loo diro ma horumarin karto degaanka nabadgalyana uma keeni doonto. Waxaa iyana hubaal ah inuusan Cabdi ahayn Itoobiyaan, Soomaali, Daarood, Absame, Ogaadeen, Maxamed Subeer iyo Reer Cabdile toona.
Ma ahan nin taageersan mabaadi’da ONLF mana aha nin ka soo horjeeda. Ma ayidsana qaanuunka dalka mana necba (waxayba u badantahay inuusan akhriyin sidaa darted aqoona u lahayn). Cabdi waxaan dhihi karaa waa maafiyo loo soo direy in dadkan lagu ciqaabo.   Runtii xilka uu hayo Cabdi iyo ficiladiisu waxay wax badan ka tilmaami karaan qorshaha EPRDF. Waxay inoo daahfuri karaan waxyaabaha laga aqbali karo dawlada dhexe agteeda, taas ayaana muhiim ah in la fahmo. 

Axmed Yuusuf,
Jigjiga (Maskaram, 2004)

Hadaad rabtid, inaad daabacdid qoraalkan halkan riix

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.