Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Buro wajiga kaaga taala fool xumana looma wadan karo, xanuuna lalama jari karo, Cabdi Iley, oo noqday bar madow oo wajiga Absame kaga taala
Ma xishoode Iley
Radio Jigjiga (Faalada RJ) Madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley ayaa run ahaantii waji gabax, iyo yaxyax joogto ah ku noqday waxgaradkii, iyo cuqaashii beesha Absame, gaar ahaan Ogaadeen.
Beesha Ogaadeen oo taariikh ahaan ku caan baxday iney ka soo jeedaan, amaba ka dhasheen dad si weyn loogu qiimeeyo aqoonta diinta Islaamka, ku dhaqmida anshaxa wanaagsan, suugaanta, iyo dhaqanka suuban ee Soomaalidu leedahay, ayaa hase yeeshee waxaa, intaas oo sharaf, iyo wanaag ah isku fuuqsaday nin aysan dad badani jeclaynba in uu markii horeba beeshooda ka dhasho.

Cabdi Iley, oo aan garaneyn, waxa uu yahay, iyo xilka uu hayo macanhiisa, midna, (he has no any self-awareness, what so ever), ayaa ay dadka luuqada Soomaaliga ku hadlaa, dhabtii kala garan la'yihiin, inuu ninkani yahay shaqsi qabo xanuun maskaxeed (mental illness), iyo inuu yahay shaqsi xumaanta, iyo dhaqan xumada u dhashay. Si aynu arimahan wax uga ogaano bal aynu isla fiirino, waxyaabaha cadaymaha ah ee ilaa hada Cabdi Iley, laga hayo, isla markaana muujinaya inuu qabo xanuunka maskaxda.
Abdi Iley
Waxaa inta badan, bogga Cakaaranews, lagu soo qoraa cay tiro badan, aynu wax ka soo qaadano, caydii ugu dambeysay ee uu ku caayayey ina Macow, caydan ayey dadkii soo akhriyey, iyagoo si weyn u argagaxsan nala soo xidhiidheen.
Waxyaabaha uu Cabdi Iley, ku caayey ina Macow, ayaa waxaa ka mid ah, iney xaaskii ina Macow uga carartay, raganimo xumo haysata darteed, macnaha inuusan ina Macow dumarka haweysanba, iwm. Bal ka warama nin madaxweyne ah oo waxaas oo kale soo qoraya, kaba siidarane xataa bogga lagu soo qoray isagu shaqsiyan iska leh.

Sida jirta, shaqsiga ay Cabdi Iley, is qabtaanba wuxuu caaydiisa sal uga dhigaa waxyaabaha sex-ka, iyo arimaha gogosha ah.
Waxaa hadaba la is weydiiyaa, xaguu ka keenay caydan qaabka daran ee ayna gaal, iyo Muslin toona isticmaalin? suuragalse ma tahay, in caydiisa uu sex-ka iwm (he obsessed with sex) ku waashay lagu xidhiidhin karo soo koridiisii hore?

Sida la ogyahay, Cabdi Iley, kumuusan soo korin nolosha aynu badankeenu ku soo kornay, ee isagu yaraantiisii wuxuu ahaa ilmo yar oo aad u rafaadsan (do not feel, any sympathy for the devil), inta badan waxay sheegaan dadkii yaqaanay dhalinyaranimadiisii inuu ku dhex noolaa qashin qubka magaalada Dhagaxbuur, isagoo quudan jiray, cuntada ka soo hadha askartii xabashida ee xerada ciidanka degenaa, waana meesha uu ka soo bartay luuqada Axmaariga ee uu sida aadka ah ugu hadlo, maadaama uusan waxbarasho fiican helin, ayuu Axmaariga si weyn u bartay.
Hadaba intuu marxaladan nololeed ku jiray ma laga yaabaa in isaga faraxumeyn lagu sameyey? (sexually abused), inkasta oo aan cadayn loo haynin, balse hab dhaqankiisu waxay u noqon kartaa cadayn muhiim ah.

Sida nin cilmiga psychology aqoon fiican u leh, uu noo sheegay, Cabdi Iley, wuxuu leeyahay calaamadaha dadka loo yaqaano sexual fantasy killers, dadkan inagu Soomaali ahaan aqoon uma lihin, laakiin wadamada galbeedka sida Maraykanka waa wax caan ah, dadkani xabsiyada Maraykanka aad bey uga buuxaan, waayo dad badan ayey dilaan, isla markaana dumar badan bey fara xumayn u geystaan.
Dadkan waxaa ka mid ah, dad xasuuqihii la odhan jiray Ted Bundy.tooshka
Ted Bundy, isagoo yar buu aabahii dhintay, waxaa soo korisay hooyadii, sida dadka taariikh nololeedkiisa yaqaanaa sheegaana, hooyadii wuu dili jiray (physical abuse), ninkan ayaa gobolka Florida lagu dilay sanadkii 1989kii, iyadoo loo isticmaalayo kursiga Korontada ah.

Calaamadaha lagu yaqaano dadka qaba cudurka maskaxda, iyo cudurka galmada (mental illness, and sexual maniac)

Dadkan loo yaqaano serial killers-ka, ama sexual maniacs ayaa dhamaantood waxayaabaha ay wadaagaan, markii si cilmiyeysan loo baadhay waxaa ka mid ah:

1: In yaraantoodii lagu sameyey fal anshax xumo, ama fara xumayn ah (sexually abused)
2: Ineysan la soo korin, labadoodii waalid, ama dad ehel u ah
3: Inaan la jeclayn yaraantoodi, ama si naxariis daran loola dhaqmi jiray (jacaylka, iyo naxariista loo muujiyo markay caruurtu yar tahay. hadhow markay, weynaadaan, saamayn fiican, bey noloshooda ku yeelataa).
4: Iney nafaqa daro ku dhacday, iyo daryeelka caafimaadka oo ku yaraa (malnutrition, and lack of good health care), taasina keentay ineysan maskaxduudu helin nafaqaday u baahnayd, kadibna sidaa xanuun ugu dhashay.

Waa hagaag, hada caalamadahan afarta ah, Cabdi Iley sow kuma sifoobin?. Tusaale ahaan waxaa la sheegaa inuu Ted Bundy, macalinkiisii jaamacada uu ku caayi jiray inuu yahay, nin gogosha naagtiisa ku xun, iwm. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ninkan dad xasuuqaha ahi, uu markuu dadka dilayo isagoo qoslaya uu gawrici jiray, amaba xabad ku dhufan jiray.
Sida naloo sheegay, Cabdi Iley isagoo qoslaya ayuu amraa in reero dhan birta laga aslo, lana soo xasuuqo, ka warama, sow maahan wax iska cad, inuu Cabdi Iley, yahay shaqsi maskaxda xanuun ka qaba (sexual maniac, and mentally ill).

Dhinaca kale, kaligood taliyaasha ayaa intooda badan la ogaaday, iney yaraantoodii hore, ku soo koreen nolo silac ah, noloshaas silica ahna, waa waxa ku xambaara iney xukun raadiyaan, sax, iyo khalad midkay ku helaanba, aakhirka dambana waxaa ku soo baxa cudurkii xaga masakaxda ka hayey, dabadeedna shacabkooda ayey ku eedeeyaan iney masuul ka yihiin dhibaatadii ay la soo kulmeen, yaraantoodii, waana sababta ay dadka u laayaan, si ay uga aar gutaan, wixii yaraanta soo gaadhay.
Markale, Cabdi Iley, miyuusan arintana ku sifoobin? Shaki kuma jiro, inuu yahay, psychopathic lagu ibitileeyey shacabkii deegaanka.

Ugu dambeyn, Cabdi Iley, waa buro fool xun oo beesha Absame wajiga uga taala, waxaana muhiim ah, in layska jaro, xanuun kasta ha yeelatee.
 

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.