
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Bah bililiqo ayaa la yidhaahdaa? bah wax walba boobase ma reer gooni ah baa loola jeedaa?
Radio Jigjiga (Faalada RJ) January-07-2012, Taniyo markaanu halkan ka bixiney, ama keenay magaca bah bililiqo, iyo bah wax walba boobe, waxaa dhacday in dad badani nasoo weydiiyeen, ma reer gooni ah baa magacyadan loola jeedaa, sidoo kale, waxaa jirta in dad fidno wadayaal ahi, ay siyaabo khaldan oo ay dano gaar ah ka leeyihiin u badaleen ujeedadii magaca. Sida nala soo wargaliyey, isla Cabdi Iley, qudhiisa, ayaa odayaal beesha Ogaadeen ka socday oo isaga la kulmay, ku yidhi "beelihii deegaanku weyn inagu kaceen, oo xataa kuwii dadka inoogu xigey waa kuwa bah bililiqo inoo bixiyey".
 Markale fiiriya beenta intaas dhan, bah bililiqo beesha Jidwaaq ma aysan bixin, sida runta ahna loolama jeedo Ogaadeen, ama beel kale, ee sababta uu madaxweyne Cabdi Iley, sidaas u yidhi, waa taageero, iyo beer laxawsi uu ka doonayo beesha Ogaadeen, oo badankoodu aan isaga taageero badan u haynin, maadaama uusan horey wax wanaag ah, beeshan u samaynin, ee waxa kaliya ee lagu xasuusto ay tahay, inuu xidho, dilo, ama meel la mariyey, la garan waayey in badan oo ka tirsaneyd waxgaradkii, iyo aqoonyahanadii beesha Ogaadeen.
"Beeney waa run"
Waxaan isla aragnay in been abuurka, iyo in been laga sheego qoraalada lagu soo qoro, boggaga ineternet-ka sida boggan oo kale, ay koox uu hogaamiyo Cabdi Iley, si gooni ah ugu shaqeystaan, iyagoo dadka kale ee aan xaqiiqda la socon sidey tahay siiba beesha Ogaadeen, u sheegaan in magacyadaas beeshan loola jeedo, kooxda Cabdi Iley, waa kuwa wax walba xumeyeeyey, dib u dhac weyna u keenay deegaanka, isla markaana ku ciyaaray qaab dhismeedkii dawlada deegaanka, cadaalad darada deegaanka u horseeday, iyo iney beelaha qaar kuba tilmaamaan ineysan deegaanka Soomaalida u dhalan, si kastaba ha noqotee, waxaa haboon in laysla wada fahmo in danaystayaasha uu Kabtanku hogamiyo, ay iyagu yihiin kuwa bixiya magacyada foosha xun ee had, iyo jeer la soo galiyo bogga Cakaaranews, kuwaasoo aan loo kala aabo yeelin beel, iyo shaqsiba.
 Bah bililiqo ayaa loola jeedaa?
Bah bililiqo waxaa la yidhaahdaa "qof alla qofkii, aan si sharciga waafaqsaneyn loo siiyo dhul, hanti, iyo guryo, isagoo ay wataan shaqsiyaad ka tirsan madaxda deegaanka, madaxweynuhuba ha ugu horeeyee, qofkan sida sharci la'aanta ah, ama boobka ah hantidaa, iyo dhulkaas lagu siiyey beel kasta uu noqdo", waa shaqsi ka tirsan bah bililiqo, lana socda haduu yahay; Jidwaaq, Sheekhaash, Ogaadeen, Dir, ama beelaha kale, wali waa bah walba boobe, ama bah bililiqo, waayo jidkii sharciga ma uusan soo marin.
Waxaa kaloo jira, qurba joog badan oo dalkii tagey, kadibna ay madaxdi deegaanka horey u joogtay ay lacago, iyo hanti badan ku qarsadeen, maadaama aysan si kale ugu suurta gasheen iney hantidaas dhacaan. Hadaba arintani waa meesha sida runta ah magacani ku baxay, waayo waa heshiis ay madaxdii deegaanka, iyo tiro qurba joogta ka tirsani si mugdi ah ugu heshiiyeen iney wax wada dhacaan, markale, qurba joogtani reerka, ama beesha ay doonaan haka soo jeedaan, waxaa lagu sheegi karaa bah bililiqo, waxa bahda loo yidhina, waxay tahay, iney dhaca, iyo boobka hantida deegaanka ku bahoobeen.
Ugu dambeyn waa in si wada jir ah, aynu ula dagaalano dadka doonaya iney waxyeelo maal, ama naf ah u geystaan shacabkeena deegaanka, ama dano siyaasadeed oo ay iyagu wataan inagu kala qaybiyaan, si danahooda gaarka ah u gaadhaan, qabiileysigu waa cudur, waana wax jaahili ah oo laga tagey, ee miyeysan habooneyn ineynu isku qiimeyno nin walba waxqabadkiisa, iyo muxuu wanaag ah oo uu soo kordhiyey?, halkii aynu isku qiimeyn lahayn, ma ila beel baa, mise reer hebel ma yahay?, tuugse ma yahay sida bahalka wax u dhaca?. Dhinaca kale, dadka sida khaldan loogu sheegey, in magaca bah bililiqo beel gooni ah loola jeedo, haka raali noqdaan, xaqiiqdiina hada idiin sheegney, ee sidaas ula socda, oo naga caawiya sidii aynu deegaankeena ugu heli lahayn, madax cadaalad, iyo daacad waxku xukunta, isla markaana inala tartansiiyaa deegaanada kale, ee dalweynaha Itoobiya ka kooban yahay.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |