Maamul goboleedka Azania, iyo beesha Absame, taageerase ma mudan yahay maamulkani?
Maamul goboleedka Azania, waa maamul goboleed ka mid ah, maamul goboleedyada ka ka jira dalka Soomaaliya, magaca Azania, taariikh ahaan waa magac ka mid ah magacyadii loo yaqaanay qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada koonfureed.
 Ka dib markii ay dawladii dhexe ee dalka soomaaliya burburtay, ayey Soomaalidii intii wada shaqeyn kartaaba maamul gooni ah samaysteen, sida Somalliland, puntland, iwm. Maamul goboleedka Azania, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kan ugu muhiimsan, maamul ahaan, marka loo fiiryo baaxada dhulka uu ku fadhiyo, Azania, wuxuu ka kooban yahay, gobobaldii horay loo kala odhan jiray Gedo, Jubada Dhexe, iyo Jubada Hoose. Maamul goboleedka Azania waxaa dhinaca galbeed ka xiga ismaamulka Soomaalida Itoobiya, xaga koonfurna waxaa isna ka xiga gobolka isla Soomaalida kenya. Azania, waa gobolka kaliya ee dhaqaale ahaan si buuxda iskugu filan, waa gobolka ay maraan labada wabi ee koonfurta Somaaliya.
Qaab dhismeedka siyaasadeed ee Azania
Wakhtigan hada ah, inkasta oo aysan awood buuxda lahayn, hadana wuxuu leeyahay maamul, iyo dawlad dhisan, waxaana madaxweyne loo doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaani, xubnihii dawlada ee kalena maamulku wuu leeyahay. Inkasta oo wali ay dood weyni ka taagan tahay, hanaanka dawlada Azania loo magacaabay, misana wali waa bilaw, sida muuqatana waa wax laga wada tashan karo, waxaase marka hore haboon in si buuxda loo taagero, waxaa kaloo iska cad, in madaxweyne Maxamed Cabdi Gaani, yahay nin sida dhabta ah u qalma hogaaminta maamulkan, dhinac kasta oo laga eegana waa shaqsi u qalma in si hagar la'aan ah loo gacan qabto.
Azania, iyo taageerada beesha Absame
Maadaama ay beshaani tahay, tan ugu deegaanka badan, uguna cududa weyn dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Azania, hadana waxaa si gaar ah muhiim u ah, in beeshu isku raacdo taageerida, iyo gacan qabashada maamulkan, sida iska cad, waxaa muuqata in caasimada maamulka ee laga dhigay magaalada Bu'aale, ay ahayd siyaasad si weyn loo asiibay, runtiina meeshay ku qumanayd lala beegtay, Bu'aale, waa magaalo ay gabi ahaanba degto beesha Absame, siiba Cawlyahan, iyo Jidwaaq. Bu'aale, waa magaalada kaliya ee caasimad gobol ahayd, ee aysan waxaan beesha iska lihi ahayn qabsan, macnaha gacanta beesha Absame, aan waligeed ka bixin, markale, arintani waxay sumcad weyn u tahay, in caasimada maamulka Azania noqoto, waxaan leenahay hambalyo, prof. Gandhi, iyo ragiisa, sidey u asiibeen, fikirkan siyaasadeed ee maskaxda, iyo caqliga ku dhisan. Bal fiiriya, magaalada Kismaayo, waligeedba kuma haboonayn iney Azania caasimad u noqoto.
Maamul goboleedka Azania, waxaa la odhan karaa, waa saldhigii ay beesha Absame, ku midoobi lahaayeen, ku wada caano maali lahaayeen, markalena ay midnimadooda ku muujin lahaayeen, waa maamulkii aynu nacabkeena, iyo nasteexeena ku kala baran lahayn, ma qumana in kala qaybsanaanta aynu siyaasada ku kala qaybsan nahay, iyo taageerada aynu ururada, iyo dawladaha u kala haynu, aynu la kor tagno maamulkan. Maamulka Azania, maahan meel aynu dawladu isku hayno, ee waa meel aynu inagu isku hayno, taariikhdu ma cafido, fursad labaadna ma siiso dadka siyaasada iska xumeeya ee tan, yaan loo kala hadhin.
Dawladaha Itoobiya, kenya, iyo Azania
Sidaan horay u magacawnay, Azania, waa arin beesha Absame u taala, ee maahan, meel dawladu kale, inagu haystaan, markaa waxaa haboon in dawladahan, laga dhaadhiciyo, ineysan Azania, dawladna cadaw la ahayn, siiba Itoobiya, waa in la kala saaro halganka ururka onlf, iyo maamulkan. Wali waxaa furan daaqad wada hadal oo dawlada Itoobiya shakiga looga bixin karo, maanta dawladaha Kenya, iyo Itoobiya madaxda beesha Absame baa dhago u ah, fursadan waa in laga faaiideysto, waa in la qabto shir wada jir ah, oo layskugu keeno dawlada Keenya, madaxda Azania, iyo dawlada Itoobiya, si buuxdana loo turxaan bixiyo, koox walbana si gaar ah loo qanciyo. Madaxweynaha Azania Prof. Gandhi waa inuu safar siyaasadeed ku tago dalka Itoobiya (diplomatic talks) safar siyaasadeed horumar maahine, marnaba fashilan ma laha.
Waa in la helo, odayaal daacad ah, beeshana u dhashay, si ay ugu kala dab qaadaan madaxda beesha Absame ka soo jeeda ee, laakiin isku qilaafsan arinta Azania, gaar ahaan kuwa furaha u ah qadiyadan, sida Faarax Dawaare, Yusuf Xaaji, Cabdiwahaab Ugaas (Somalia), iyo madaxda beesha ee ka tirsan dawlada Itoobiya sida, madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, Cabdifataax, Cabdiraxmaan Guray, iyo wixii kale ee madax ah arintana wax ka qaban kara, sidoo kale waxaa iyana haboon in ururka onlf, iyo madaxdoodu ay wakhti siiyaan inta arintani socoto, oo aysan soo dhex galin.
Ugu dambayn, si kastaba aynu isku qilaafno, amaba isku nacnee, waa ineynaan arintan Azania isku diidin. Lana socda waxaynu si wada jir ah u doono, ineysan dawlad, ama cid kale inoo diidi karin. -wabilaahi tawfiiq- Cabdiraxmaan.
|