Maamulkii gobolka Jigjiga, iyo degmooyinkiisa oo Cabdi Iley, gacanta beesha Jidwaaq si buuxda uga wareejiyey
Radio Jigjiga (Jigjiga) February-06-2012, Iyadoo maanta lagu jiro dabaal dagaii Garaadnimada Absame ee uu ina Iley danaha siyaasadeed ka lahaa, ayaanu jeclayn inaanu xusuusino beesha uu jilibka Absame ee Garaadku ka dhashay, iyo wuxuu Cabdi Iley ku sameyey dhulkoodii, madaxdoodii, iyo guud ahaan siduu u baabi'yey beesha jidwaaq, sida la ogyahay waxaa caawa xabsiga Jigjiga si bahdil ah ugu jira boqolaal rag, dumar, iyo caruur ah oo u dhashay beesha Jidwaaq, siiba Bartire, oo iyagoo lawada og yahay ineysan ahayn lugna ku lahayn ururka onlf, si sharci daro ah ugu jira jeelka. Dadkaasi miyeysan lahayn xaquuq, iyo cid u hadasha? mise daadka caleemo saarka ayaa qaaday. Waxaan dhamaan ka wada dharagsan nahay in laysku shaandheyey dhamaan degmooyinkii deegaanka, oo midba meel lagu turay, isla markaana uu Cabdi Iley ku dhawaaqey in aay qabyaladii dhamaatey waa wax lagu farxo, laakiin bal iyadana ka warama in sida dhabta ah, uu Cabdi Iley yahay, kan qabyaalada sida xun ugu dhaqma deegaanka.
 Waxaa hadaba cadayn dhab ah loo hayaa inuu madaxweynaha deegaanku qabyaalad, iyo kala saar aad u qaab daran uu maanta ka wado guud ahaan gobolka Jigjiga, gaar ahaan magaalada. Sida hoos ku cad Cabdi Iley wuxuu go'aan ku gaadhay inuu gabi ahaanba gobolka Jigjiga, iyo deegmooyinka uu ka kooban yahay, ka wareejiyo gacanta beesha Jidwaaq, arin kale oo muujineysa necbaanshaha ina Iley u qabo reer Jigjiga ayaa waxay tahay; markuu Cabdi Iley noqday madaxweynaha deegaanka waxaa jirtay in gobolada beesha Ogaadeen u badan tahay sida Godey, iyo Wardheer, ay gudoomiyaal gobol ka ahaayeen madax aan beesha Ogaadeen ahayn, sida Xawaadle, iyo Majeerteen, laakiin markuu madaxweynaha deegaanka noqday, ayuu isagoon xafiiska hal bil joogin, madaxdaas beelaha kale ah ka badalay xukunkii goboladaas, gacanta Ogaadeena dib ugu soo celiyey. Laakiin halkuu gobolka Jigjiga, gacanta beesha Jidwaaq dib ugu soo celin lahaa, ayuuba duqii magaalada, iyo dhamaan jagooyinkii waaweynaa ee degmada Jigjiga gacanta beesha Jidwaaq ka sii bixiyey.
 Xadgudubka Cabdi Iley, iyo siduu xafiis walba oo magaalada Jigjiga ku yaala beeshiisa ugu gacan galiyey
Halkan hoose ka akhri sida Cabdi Iley, uu gacnata beesha Jidwaaq uga saaray dhamaan jagooyinkii magaalada, iyo siduu beeshiisa magaalada ugu beeray, isla markaana uu dhamaan jagooyinkii magaalada beeshiisa ugu dhiibay!.
Duqa magaalada Jigjiga waa beesha ina Iley Hogaanka nabad galyada ee magaalada, waa beesha Cabdi Iley Booliiska gobolka, waa beesha Cabdi Iley Booliiska degmada, waa beesha Cabdi iley Booliiska magaalada, waa beesha Cabdi iley Iyo Booliiska 10 xafadood ee Jigjiga ka koban tahay, waa beesha Cabdi Iley Maaliyada degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Dahkliga degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Cafimaadka degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley DPPC degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi iley Dheskiga xisabaadka degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Hawenka degmada jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Madaxa Maleshiyada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Beeraha degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Gudoomiyaha Xisbiga degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley Xidhiidhka degmada Jigjiga, waa beesha Cabdi Iley.
Dhulkii, iyo saamigii ay dawlada beesha jidwaaq ku lahayd, oo sida halkan ku cad, xoog lagu dhacay
Liistadan, iyo jagooyinka ee sare ku qoran, waa xaqiiqda maanta ka jirta gobolka, degmada, iyo magaalada Jigjiga, waa su'aale maxaa dhulkii ay beeshani lahayd oo dhan, maamulkiisa looga wareejiyey?.
Cabdi Iley, waa gadh wadeenka bililiqada ku socota magaalada Jigjiga, iyo gobolkeeda. Ma jirto magaalo, ama gobol kale, oo deegaanka ka tirsan, misana dadkii lahaa aan haba yaraatee laga qayb galin maamulka dhulkooda. Dambiile Cabdi Iley, waa in sida ugu dhaqsaha badan kursiga looga tuuro. Waxa arintan keenayba, dadweynaha beesha jidwaaq fadhi, iyo hurdu uma taalo, waa iney beeshani sida ugu dhaqsaha badan, xadgudubka ina Iley gadh wadeenka ka yahay, uga gilgishaan, ka dagaalamaan, colaad, iyo mucaaradnimona ugala hor tagaan, arintan fulinteeda cidna laguma halayn karo, ee waa hawl u taalo, dhamaan xubnaha beesha sida; dhalinyadarada, haweenka, odayaasha, iyo wax garadka beesha oo dhan.
Hadal, iyo dhamaan, dadka uu kabtan xidhe maskaxda ka xadow, dadkiinii kalena waa kuwaas bahdilka ku jira, dhinaca kale, bal soo wareysta in dhamaan madaxdaas kor ku xusan ay yihiin beesha ina Iley, iyo inaanu been abuur ka soo qorney.
|