Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Akhristayaasha Radio Jigjiga oo ku caan baxay wax walba ogaanshaha, iyo soo helida sidey wax walba u dhacaan

Maqaalkeenan maanta waxaan ku soo qaadan doonaa arimo dhawra oo ay ku jiraan saxaafada taageerta Cabdi Iley qarkood, siyaasada,iyo dhacdoonyinkii ugu dambeeyay ee todobaadkan.
Bal aan ku horeynee todobaadyadii ina soo dhaafay waxay saxaafada xorta ihi si wayn isula dhexmaraysay warar ku saabsan Caydhintii iblays Iley iyo Ka xayuubintii xilka madaxweyne-nimadii uu deegaanka Soomaalida u hayay.
Qoraalada Dadweynaha
Arimahaa soo aanu aad ugu kuur galay ayaanu soo xaqiijinay in hoosta laga xariiqay inuu xilka isaga dago maadaam oo uu ku guuldaraystay ka midha dhalinta siyaasada deegaanka Soomaalida iyo mida guud ee Ethiopia iyo Ku tagri falka hantida dadweynaha isagoon kala aqoon jeebkiisa iyo qasnada dawlada waa sida hadalka loo dhigaye iyo ku tumashada sharciga iyo cadaalada iyo xaquuqda shaqsiyadeed ama bulsho ee shacuubta Ethiopia u yaala taasoo lagu macneeyay inay sabab u tahay JAAHIL NIMADA shaqsiyadeed ee ibliiska.

Mida labaa waxaa qodobada lagu eedeeyay ka mid ahaa ama lagu eryay; Inaanay Ethiopia diyaar u ahayn in cadow cusub oo gudaha ah loo abuuro taasoo ibliiska loo sheegay oo lagu yidhi anagu raali kama nihin mana rabno inaad cadaawad noogaliso qabiilada Soomaaliyeed ee degan deegaanka Soomaalida kuwa aan Ogaadeenka ahayn uguna turjunto ficiladaada foosha xun inay Ethiopia raali kaaga tahay ama aad uga turjumayso aragtideeda siyaasadeed ama dawlad deegaaneed iyo mida federal-ba.

Hadaba kolaan masuuliyiin jooga Addis Ababa iyo Jigjiga waydiiyey, waa maxay sababta loogu dhawaaqi la,yahay caydhinta iblayska ayay noo sheegeen in ka hor intaan xilka laga qaadin la rabo in loo saaro gudi hanti dhawrayaal iyo bambi baadhayaal ah, kana socda xafiiska caddaalada  heer federal, isla markaana soo qiimeeya baaxada ay leedahay hantida maqan iyo dhibaatooyinka uu geystay iyo dambiyada uu kag alay shacabka deegaanka, laga soo bilaabo wakhtiguu qabtay hogaanka nabadgalyada ilaa intii uu madaxwaynaha deegaanka ahaa intii u dhaxaysay.

Hadaba masuuliyiitan oo naga codsaday inaanaan magacooda lagu soo daabacin saxaafada, ayaa noo sheegay in qaybtii ugu horeysay ay timid Jigjiga, gudigii heer federal ka socday maanta galinkii dambe kulamo gaargaar ahna la yeesheen masuulinyiinta deegaanka, qaarkoodna la filayo qaybta dambana inay imaandoonaan jimcahan fooda inagu soo haya waxaa kaloo naloo sheegay in iblays Iley laga joojiyay saxiixiisa inaanu ka shaqayn doonin xafiiska maaliyada, iyo bangiga toona isla markaana aan wax lacag ah lagu bixin doonin saxiixiisa, wax hanti dawladeed ah haba yaraatee halka hawlaha uu sii wadi doono kusii simaha Madaxweynaha AHMED DEEQ MAHAMED ABDI {QABYO}.
Warar kaloon ka helayno taageerayaasha Cabdi Cawar, waxay sheegayaan in ay rumaysan yihiin in loo magacaabi doono xilkii uu horay u hayay, taasoo layku afgartay.

Hadaba arinta kalee yaabka leh waxay tahay: taageerayaasha Cabdi Cawar oo u muuqda kuwo khal-khalay iyagoo isku dayaya inay qariyaan caydhinta Cabdi Cawar, ayaa waxaa is tagtay hadalkii aan afkooda k amaqlayey iyo warkay soo qoreen.
Hadalka aan afkooda kamaqalay waxuu ahaa in Cabdi Cawar loo magacaabi doono hogaanka nabad galyada iyo cadaalada ku xigeenkuna noqondoono Guray, Cabdulaahi Yusuf Weerarna loo magacaabi doono xoghayaha hogaanka nabadgalyada, hadaba arintii oon wali sidii u dhicin Cawarna aan lagu dhawaaqin caydhintiisa ayuu Booskii hogaanka nabadgalyadu is badalay cidii maamulka xafiiskaas fiiri link gan  http://www.nogob.net/?p=8332 Xaqiiqatan sidii naloo sheegay iyo warku way is waafaqsan yihiin meelan kumay kala baydhin, walow aan sugayno ku dhawaaqiista uun iyo siday wax u dhacan.
Dadka qaar baa iyagu noo sheegaya ina Iley inay Ethiopia ugu talagashay inuu Gallo ALAM BAQA iftiinkana maalmahani ay ugu dambayso walow ay tii Ilaahayna dhimantahay.

W
axii waree ka soo kordha kala soco Radio Jigjiga .


By;A.A

email:   ararsoman@hotmail.com


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.