Radio Jigjiga  

Contact Us Dhageyso Radio Jigiga Read Readers' Opinion Nagala Soo Xidhiidh Hoyga Suugaanta ee Radio Jigjiga Radio Jigjiga Library Ethiopian Links Visit RJ's Search Page

 Soomaligalbeed mise ogadeeniya dood furan iyo jawaabo

By: Maxamed Xussein Cabdi

maodobe30@hotmail.com

Akhri Jawaabihii Dadweynaha

marka horee waxaan salamaya umada somaligalbeed  oo dhan  meel
kasta ay joganba  gar ahaan dadka daneeya danta guud  ama magaca inaga dhexeeya
ee ah somali marka waxa moda ama kuu cadba in dadka majoratigisu
kalaqaybsanyahay fikir ahaan
1- groub     ogadeeniyaa  doona  oo raba  in laqato  magacaas
2- gruoub   somali doona oo raba magaca somaligalbeed  in laqaato

marka waxaan donayaa  inaan kuhoraysiyo jawaabaha   an sugayo
belahaa ogadeen    in   aan wax ka ogaado jawabohoda kaladuduwan
mesha ay ubadan yihiin   ogadeeniya   mise somali galbeed

ogadeenka somalida jeecel iyo kan ogadeeniyada jeceel oo qabiil jeceel
inlagumagacaabo dhuul inaga dhexeeya sida magaca ogadeeniya   waxaan donayaa
inaan ogaado caqliyada kaladuwan ama fikiradaha  kaladuwan   ee shakhsiyadka u
dhashay besha ogadeen kala aminsanyahiin   manacaytamayo  qabila lamacayikaro
lakiin waxaan jeeclahay inaan   lakala faidaysto  akhristaw  ha moodin inaan
ogadeen necbahay ama dan kale  kaleeyahay   
waxaana aminsanahay anigu sida taan hoos kuqoran 

1-  anigu  waxaan ahay niin somali galbeed ah ama kiliilka5
manajeecli inaad  dhahdaan dhul loga badan yahay ogaadeen
inaad  tirahdaan ogadeeniya   1

2-marka xigtana waxaan ahay niin jidwaaq absame ah
mana jecli inaad  magaca ogadeeniya   melkasta lamartaan 2

3-marka sixigtana dhukani waa inaga dhexeeya  jidwaaqna wuxuu daga sida
gobalada  jigjiga  dhagaxbuur  qoraxay  intaaba  jidaaq wakasobaxaa
xildhibanaddodu iyo kurasidooduba  3

4-marka xigtana absame  dhulmakallalahaan jiriin  oo  wala wadadagi jiray
oo walaalo baa lahaa   waxaana  wali dhaxdagan ogadeen
beelo absame ah  sida  WAYTEEN    - BAALCAD - IYO GALIMAYS
DHULA KULEE   MAGALOYINA KULEE IYO DEGGANO
waxaa intaa sii dheer nimanki  dinta  waxbadan inagabaray
sida  SHEKHASH  IYO SHARIF   INTASO DHANA MAJECLAA
MAGACAA  Ogadeeniyaa lakiin waxay jeceel yihiin   somali state in ethiopia  ama
Somali galbeed   ama killika 5    4

5-waxaa intaa siidheer walaleheen somalidakalee  eynu waligeen
wadanolaan jirnay oo inaladaga  ISAAQ  DHULBAHANTEE  MAJEERTEEN
CIIISE  JAREERWAYNE   DAGOODI  GAREE   GARI  JAARSO AKISHO
MAREEXAAN HAWIYEE    REER AW XASSAN gadbuursi
intasina  waxay jeceelyihiin  magaca  somali inynu wax kuwadadonano
oo ma jeeclaa    magaca ogadeeniyaa in aad dhahdaan dhulka ay dagan oo
ayleeyihiin ab ka ab    5

marka waxaan raba intaa aan shegay iyo ogadeenka jeceel magaca ogadeeniya  yaa
qaldan
ma anaga qaldan oo somali dona  oo donayna  magaca somali inaynu
wax kaga raadsano  ethiopiada aan la dagno 
iskumeelna nogu soohagagan  magaca somali
haday dagal noqoto iyo haday tahay wax laqaybsiba

intaa waxaan kudarayaa  anigu  ma tageerayo  niin kudoodayaa
meel naga wada dhexaysa inu kumagacaboo  qabiilka Ukasoojeedo
sida  OGADEENIYA  MAJEERTEENIYA AMA ISAAQLAND
marka sidee baynu kuheelna   murayad  layska dhex arko
oo niin walba  iska dhex arko  oo inga wada dhexaysa
lakiin hadi  niin kaligi iska dhex arko  nimanki aywada lahayeena murayada
udiido  maxaa dhacaya  niinkasi kaligii  uunbu ahaan
dadkasina  waligood  masodhawynayaan  niinka murayadii lawada laha
kaligii sheegtay  ee didday inlayska dhex arko  macneeheedo

Qore
Maxamed Xussein Cabdi
maodobe30@hotmail.com


Jawaabihii Dadweynuhu ka kala bixiyeen Qodobka kore


RE-Soomaali Galbeed mise......

Qaali yare Cabdi
ciseeye2006@hotmail.com

marka hore waxaan halkan salaan hawada usoo marinayaa dhamaan bahda radiojigjiga oo noo suura galisay inaan halkan kadhiibano waxii fagradayada ah oo kusaab san dhinaca magaca dhulka waraaqdana waxaan ku wajahayaa ama aan usoo dirayaa inaan kaga qaybqaato marnaamijka loogu magac daray          soomaali galbeed mise ogaadeeniya waxaana kacodsanaa bahda radiojigjiga inaan jawaab kahelo markay waraaqdani idin soo gaadho  horta anu waxaan ahay nin udhashay gobalka soomaali galbeed ama kilalka 5 aad qofba sida uu uyaqaano waxaana ahay arday wax kabarta midkamid ah wadamada carabta jaamacad kutaala horta waxaan aad iyo aad uga danqadaa dhul aanu ogaadeen kali daganayn balse looga badan yahay inaa hadana lagu magcaabo ogaadeeniya taasina waxaan u arkaa meel kaga dhan intakale ee aan ahay ogaadeen ee dagan gobalka soomaali galbeed taasina waxaan u arkaa inay tahay dhaan daban gaale hor yaac yaacaya dad caqligoodu aad uliito waxaana ugu nasteexaynayaa dhamaan shabaabka kadhashay beesha ugaadeen inay kahadhaan figradan qaldan waayo fikirka qaldani wuxuu kaaridaa waraar  hadaba waxaa jira inaa inbadan oo kamid ah dad aan waxba garanayn lagu maaweeliyo ogaadeeniya taasina waxaan u arkaa inay tahay daal bilaa faa iido ah waxaan aamin sanahay anigu marka lasoo qaado qadiyada soomaali galbeed sidan                                      1, horta dhulka madagana odaageen oo kali balse waa looga badan yahay islamarkaa waad garan kartaa khalad ka halkaa kujiraa                                          2, marka la yidhaahdo ogaadeeniya waxaa meesha kabaxaya dhamaan dadkii kale ee daganaa gobalka oo cid walba leh waxaana kamid ah absame oo ah kii ugu dhawaa ogaadeen oo xataa ayna jirin dhul ukala qayb sanaa balse reerkii ogaadeenaba waxaad ku arkaysaa wayteen baalcad jidwaaq iyo galimays sidoo kale waxaad arkaysaa reer kii meel dagan ee jidwaaq ahba in ladagan oo ahogaadeen ah ama galimays ah ama beelaha kale ee absame ah sidaa darteed aad bay uqaldan tahay figrada odhanaysaa dhulka halagu magacaabo  ogaadeeniya                                                                                                            3,waxa uu gumays tuhu kumagacaabay meela badan oo dhulka kamid ah magacyo kukhaas ah hadba intii daganayd halkaa sidaa darteed waxaa ila quman oo aan dhamaan dadka soomaali galbeed kugoobaabinayaa inay dhibka horyaala iska dhaafaan oo ay usoo noqdaan waxa ay dan toodu kujirto  waa qaali yare oo idin leh waa inoo markale


Qaran mise qabiil?

mohamuud geeble
mohamoudgeeble@hotmail.com

Runtii waxaan aad uula yaabaa markaan arko koox reer soomaali galbeed ah oo
qabiil u olalaynaya moodayana in qabiil wadan lagu xorayn karo dadkana raba inay
ka dhaadhiciyaan figradooda qaybinta ah iyagoo waliba taageero iyo aqoonsi u
raadinaya urur qabiil, dhulka soomaali galbeed maaha mid uu degen yahay ama uu
leeyahay hal qabiil ee waa deegaan balaadhan u ka dhaxeeya qabaa'ilo badan oo
soomaaliyeed haba loo kala badnaadee ama ha lagu kala degaan waynaadee, bal
akhristoy wax yar dib u jaleec taariikhda halgankii jabhada xoraynta soomaali
galbeed (WSLF) waqtigii koobnaa ee ay dagaalkii xoraynta ku jirtay iyo guulihii
balaadhnaa ee ay soo hoysay, miyaynaan odhan karin taasi waxay ku timid
midnimadii shacabka, wadaninimada oo xiligaas aad u xooganayd iyo waliba
taageeradii hagar la'aanta ahayd ee aan ka helnay walaaladeena soomaaliya oo
hiil iyo hooba inala garab taagnaa?.

kolay anigu aragtidayda waxaan ku jawaabi
lahaa HAAAAA, waliba abaal aan dhamaanayn ayaan uuga haynaa dadkii aan
taageerada ka helnay ee xorayntaas inagala qayb qaatay, markaad dhanka kale ka
eegto dadka iyagu qabiilka u olaleeya ayaa waxay qabaan in dagaalkii 1977-1978
uu ahaa mid ay soomaaliya waday oo ay dano gaara ka lahayd doonaysayna in ay
dhul aysan lahayn ku hanato.

Qof walba oo reer soomaali galbeed ah wuxuu jecel yahay in dhulkiisu xoroobo oo
taasi waa mabda'a laga midaysan yahay laakiin waxaa aad loogu kala tagan yahay
qaabka iyo magaca lagu dagaal gali karo, dad baa qaba in magaca soomaali galbeed
aanan waxba lagu heli karin oo ay la haboon tahay in wax lagu raadiyo magaca
ogadeen iyagoo sababtana ka dhiga dhulka ayaa loo yaqaanaa, dadkale oo aan anigu
ka mid ahayna waxaan qabnaa in magacan dambe uu yahay mid qabiil laga dhax
arkaayo umadana kala fogaynaya oo aanan waxba lagu raadin karin ee magaca
soomaali galbeed uu yahay midka umada midayn kara qabiil ama kooxna aanan u gaar
ahayn.

waxaan maqaalkan ku soo gabagabaynayaa hadii aanan la helin midnimo iyo is
afgarad qabiilka iyo danaysigana aanan laga dheeraan in uu halgan kastaaba ahaan


Ogadenia Somali galbeed ama Bariga Ethiopia ama
killilka 5aad

Amaana E .G
Abdeeqa@hotmal.com


Ascw yaa Ahli Wa asxabi
Axyaa wadani
Salaam ka dib sidan ku soo aqriyey mqaladii Ra,ayi ka hadalka ee ku qora bogga
qoraalka dad waynaha ee Radio jigjiga, bal intaanan u guda galin fikradeyda
sidan asxabtii hore wax u soo qorey anigoo ka raad racayo aan nafteyda yar
bayamiyo waxan ahay gabar absame ah ( Ogadeen ) micna wayn ii samayn mayso yaan
ahay ama aa tahay aqristoow balse waxaa micna ii samaynaysa bandhiga shucuurtada
wadaniyeed, iyo dareenkada dadnimo, waxan wada og nahay in dal inaga maqan yahay
geesiyiin badana inooga dhinteen hadanu nahay dadka u dhashey deegankan, ninba
magac isla soo meel taag, sida Ogadenia, Somali galbeed, killilka-

shanaad,jidwaqeenia,shiiqalenia, iyo waliba magacyo kale oo aad ku soo biirin
doontaan mustaqbalka soo socda sidaan umada wadankasi u dhashay ay ku hamiyaan
ama absame haku abtirsadaan ama qawmiyadaha kale ee wadanka kunooliba ha
ahadane,waxaa laga soo Hadley in magaca dalka yahay mixnada ugu wayn ee hortagan
xoreyntiisa amaba halganka ka soconi la,ayahay balse aniga waxan qaba fikrad ka
duwan taasi oo ah marka (1) waa maxay wadani ma magacbaa meel loo yaqaano mise
waa ruux jecel dalkiisa? iyo dadkiisa inuu dhibta kasaro kana dhiidhiyo xumaha
loo gaysanayo kuna boorriyo wanaga iyo wada jirka dadkiisa?
(2) magac wax ma
xoreeyaa mise geesiyaal ka gilgishay gumeysi yaa wadan xoreeya??, hadaba aniga
Aragtidayda gaar ahaneed waxan u soo jeedinayaa umada reer Ogadenia ama Somali
galbeed inay runta isu sheegaan khaas ahan umada isku magawdo absame oo noqday
odax ku muday iyo mid la isaga bixinayo, inagoo ruuxna ruux uusan eedayn magacna
ka dhiganin geed aaynu ku gabanayno maxan u xiisayni wayney ama isugu dayi-

wayney midnimadeena oo ah mid muqadis ah? hadaynu nahay umad meel ka soo wada
jeeda dhiig ahaan iyo deegaan ahaan ba, runtii waxaad moodaa in is eegashadan
dadkan wada dhashey ay sababi doonto in arladaba gacantooda ka baxo,maxay ku
nuugta ama ka nuugtaa!!! wana tan ay dad badani sugayaan idinkaana ku dhiiri
gelinaya sugitankaas ay sugayan inay dalkiina ka qataan cidlo, ninbaa waxuu soo
qorey dalka waxa d
           By Amaana E.G

 


RadioJigjiga@hotmail.com  Home Contact Ustop button   Dhageyso Radio Jigjiga  Opinion
  Copyrights © 2000-2008 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.