Radio Jigjiga  

Contact Us Dhageyso Radio Jigiga Read Readers' Opinion Nagala Soo Xidhiidh Hoyga Suugaanta ee Radio Jigjiga Radio Jigjiga Library Ethiopian Links Visit RJ's Search Page

 Dhibka kala haysta Dhoofka somaalida iyo nolasha Maraykanka
By: MR. Garaad

Imaanshaha maraykanka ayaa ah mid aad iyo aad u adag laguna bixiyo kharash aad
iyo aad ubadan, laguna dhumiyo wakhti aad iyo aad ufara badan.
Ujeedada lacagta iyo wakhtiga loogu huraayo ayaa waxay tahay in la helo nolol
fiican oo kabadalan tan dadku hada kunoolyihiin, waxayna dadku inta badan
diirada saaraan inay helayaan lacag kabadan inta ay kharash gareeyeen iyo nolal
kafiican tan ay hada kujiraan.

Soo dhoofayaasha ayaa intooda badan waxay kufikiraan arimahan soo socda oodhan
inay yaalaan  dadka maraykanka:-
·Waxbarasho bilaasha ah, goortaad doonto aad, goortaad doonto katag.
·Guryaho bilaash ah, dawladuna ay kaa bixinayso oodan ka walwalaynin hoyga aad
u hoyanayso.
·Cuntado bilaash ah, oo dowladu ay kusiinayso kaar kuu fudaydinaaya inaad cunto
meel walba kaga iibsato.
·Lacag bilaash ah, oo dowladu kusiinayso lacagtaas oo ah lacata looyaqaano         
“ lacagta cayrta”, taas oo loo bilaabayo marka ay yimaadaan Maraykanka.
·Shaqada oo ah, bali bali hadii aad rabto inaad shaqaysato lacag fiicana lagu
siinayo.
·Baabuur wadow, adiga oo markaaba baabuur iibsanaaya oo nolashuba kuu kaamil
noqonayso.
·Badaha iyo meelaha dadxiiska, oo si sahlan ama madax banan aad kutagi karto.
·Caafimaad bilaash ah, adigoo dhakhtarkasta aadi kara bilaashna lagugu
daywanaayo.
·Policeka iyo hay’adaha sharciga oo markaaba kuu suuragalinaaya waxaad uga
baahato ee adeeg ah.
·Maraykanka oo ah janadii aduunka waxkasta ood ubaahato aad si dhib yar ku heli
karto.
Qodabada sare kuxusan oo ah aasaaska nolasha ishtimaaciga iyo inkabad ayaa dadka
soogaleetiga ku ah dalka Maraykanka kufikiraan inay adeegyadaas oodhan si sahlan
ay kuhelayaa.

Su aashu waxay tahay madhab baa mise waa dhalanteed fikirka ay qabaan dadka soo
galaya cariga Maraykanka??????????.

Xaqiida iyo dhanbtu waxay tahay sidan soo socota ee akhristoow isu dheeli tir:-
·Waxbarashada ayaa ah mid lacag qaali ah lagu barto hadii aad tiraahdo waan
bixinayaana aadan ku gudi karin mudo gaaban gudo hood.  Dugsiga hoose ilaa
dugsiga sare ayaa ah mid bilaash ah oo ay dawladu caruurta ugu talo gashay inay
kaga baxaan jahliga.  Aqoonta laga qaato dugsiga hoose ilaa dugsiga sare ayaa ah
mid ilmahu indhaha kukala qaado waana irida aqoonta, masuuliyada, horumarka,
xisaabtanka, iyo dareenka horumarinta aqoonta shaqsiga. Markaas waxii intaa
kasii danbeeya ardayga ayaa laga rabaa inuu iska bixiyo lacagta wax barashada uu
kudhamaystiranaayo, taas oo uu masuul kayahay ardaygu. Dawlada iyo waalidka
dhalay ilmaha wixii laga sugaa waa caawimo ee mahan wax waajib ah.

·Guryuhu waa qaali, qiyaas ahaana qolka wata jikada iyo musqushiisa ayaa
celcelis ahaan waxuu noqonayaa $600 doolar ama kabadan inkastoo ay jiraan
gobalada qaarkood intooda badan inay intaas kasii badan yihiin hadana waa cel
celi ahaan tiradani. Gurigii intaas kasii wayna waad qiyaasan kartaa qiimaha
kiradiisa.
·Cuntadu bilaash mahan waa qaali nolashuna aad iyo aad ayay u adagtahay wax
walba ood kor uqaadana waa qaali tusaale fiican hadii aan usoo qaado halka xabo
ee yaanyada ah ayaa waxuu qiimihiisu yahay 0.40cents taas oo gobalada intooda
badani ay kasii qaalisanyihiin, qiyaas ahaana ay noqon karto $1 wax kabadan.
·Lacag bilaash ah oo kajirta Maraykan marjirto haba yaraatee, sidoo kale waxaa
aad iyo aad u adag helitaanka lacagta iska daa inay bilaash noqotee tii aad
shaqaysatay ayaanba kugu filaanaynin oo nolosha waxba kataraynin.

·Shaqala’aanta maraykanka ayaa aad iyo aad cirka isugu shareertay, iska daa
shaqo bali bali noqotee, aduunkii oodhan ayay dadku kasoo jabeen si ay shaqo uga
helaan iyagoo xirfadooda wata kuna howgalaya. Hase yeshee shaqo way leedahay oo
ninkii raba shaqo ma waayo haba dhibtoodee ama yaysan noqonin nooca shaqada uu
rabo, balse helitaanka shaqadu maahan wax sidaas usii liita inkasta oo ay jiraan
shaqo la’aan aad iyo aad u balaaran. Shaqada ayaa waxa laga qaato aad iyo aad
uyartahay, celcelis ahaana lacagta dadku kushaqeeyaan intooda badan ayaa ah $10
saacadii inkasta oo ay jiraan dad kabadan qaata ama dad kayar qaata balse inta
ugu badan ayaa taas ah. Sida caadiga ah ayaa qofku waxuu shaqeeyaa “8” saac
maalintii, taas oo todobaadkii noqota “40” saac, hadii la isku badiyana noqota
$400 dollar, balse xisaabta kudarso waxaa lagaa jari canshuurta oo uqaybsanta
sadex ilaa afar nooc oo kala duwan hadba sida uu gobalka aad kashaqayso ku
dhaqmo, waxaana kuu soo haraaya lacag qiyaasteedu tahay $290- ilaa $320. taas oo
bishii noqota qiyaas ahaan $ 1160-ilaa $1280  inta udhaxaysa.

Waxaana kusugaaya biilkii  bisha oo ukal qaybsama sidan soo socota. Kiradii
guriga, caymiskii baabuurka, biilkii korantada, biilkii biyaha, biilkii
telephoneka, biilkii Africa, gaaska aad baabuurka kushubato, lacagta aad cuntada
kusoo adeegato iyo dhamaan waxyaabah dheeraadka ah ee soo kordha ee baahida bila
aadanka kudhisan.

·Baauurka oo labarto lana iibsado waxaa kugu kalifaaya danta waxaana jirta
duruuf aad iyo aad u adag oo hadii aadan baabuur wadanin inaadan biyo meel kasoo
cabi karin, nolasha aasaaskeda  waxyaabaha daruuriga ah ee qofka aadamuhu
ubaahan yahay ayuu kamid yahay baabuurku, waana shay lagama maarmaan ah markaad
joogto cariga Maraykanka, nolshii odhan ayaa kuxiran baabuurka. Waxaad
bixinaysaa caymiska baabuurka oodan wadan karin camis la’aan hadaad wadato camis
la’aaan ood khalad samayso, policka ayaa markaaba kuqaban waxa ugu horaysa ee
lagu waydiina waa ruqsada wadida iyo caymiska baabuurka aad kuwado hadii aadan
haysanin labadaas midkoodna baabuurka waa lagaa towgaraynayaa adigana waa lagu
xirayaa marka danbana maxkamad ayaa laguu gudbinayaa taas oo amarkeedu yahay
xarig inta lagugu xukumo iyo ganaax.

·Caafimaad bilaash ah majiro haba yaraatee dhakhaatiirta Maraykankuna kama
fiicno dhakhaatiirta aduunka waa lamid bale qalab ayay haystaan ee wax dheeraad
ah oo ay kaga duwan yihiin majirto. Caafimaadku waa shay qaali ah oo aad iyo aad
looga cabaado Maraykanka gudahiisa, hay’ado ayaa gacanta kuhaysta markaa waa
lacag qaali ah xitaa kan dawladu waa qaali waa inaad leedahay kaar caafimaad ood
bishii lacag bixisaa xanuunso ama ha xanuunsanin, wayo marka kaliya eed booqato
dhakhtarka waxaa lagugu soo dalacayaa lacag aad iyo aad ubadan qiyaas ahaan
kabadan $5000 dollar baaritaankaaga guud kaliya hadii qaliin ama aad dhakhaatiir
guud usii baahato waa car itaabo.

·Ba’da iyo meelaha dalxiiska, qofkii wakhti haya waa uu tagi karaa laakiin
nolshii ayaa adag oo wakhtiga aad bad iyo meel nasasho aad ku aadayso waad
kuxisaabtami waxaad naftaada oran shaqo raadi ama saacado soo shaqyso balse
hunguriga ah inaad dalxiis aado waa uu yaraanayaa marka nolsha lagu raaciyo ee
hadii aad nasato adiga ayay kaa go’antahay markaa maba hawaysanaysid ee horay
uunbaad kabaha usii gashan.

·Policka iyo hay’adaha sharcigu way kuu fulinayaan waxaad uga baahato balse
xisaabta kudarso arimahan inay jiraan Maraykanka. Tusaale:- 1. haduu baabuurka
lagaa xado ood police usheegto kadib polisku soo helo oo ay towgareeyaan ama ay
qaadaan oo meel laguu dhigo, dhamaan lacagta babuurka lagu qaaday adiga ayaqa
dib ubixin doona oo lagugu dalacayaa. 2.haduu dhib kugu dhaco ood dabdamiska
uyeerato iyo policeka waa lagu caawin balse lacag baa lagugu soo dalacayaa
goblada qaarkood. 3. iskbitalka marka lagu geeyo waxaa lagu dawayn balse waxii
lacag ahaa oodhan waa dushaada adaana lagugu dalacayaa mana aha mid sahlan waa
lacag caqli kafooq ah waana waajib inaad bixiso lacagtaas.

·Isku soo duuduub Maraykanka ayaan inaba ahayn janadii aduunka iyo meel lagu
raaxaysto, run ahaantiina dadku fikir qaldan ayay ka aamin sanyihiin cariga
Maraykanka, waa wadan aad iyo aad u hormay laakin ninwalba noloshiisa ayaa
laraaciyay wax lagaa caawinaayo majiraan qaabkaad unoolaan lahayd iyo qaabkaad
horumar usamayn lahayd waa mid adiga kuu taala. Waa wadan balaaran hawlaha laga
qabsadana way badan yihiin shaqooyinka laga shaqeeyana way badan yahiin, hase
yeeshee howlkasta waa how adiga kuu taala sidaad uga gudbilahayd wabiga bilaa
doonta ah.


Taasi waxay ahayd isku dheeli tirka labada fikir ee isa seegan, hadana waxaan
jaleecaynaa qaabka ay dadka somalida ee dalkan Maraykanka dagan intooda badan ay
kunool yihiin, iyo qaababka ay ku dhaqmaan:-

·Dadka somalida ayaa intooda badan waxay wadanka kusoo galeen qaxootimo laga
bilaabo dagaalkii sokeeye ee dalka ka curtay 1991 kaas oo la oran karo ilaa hada
wuu socdaa haba yaraadee. Somalida ayaa waxay intooda badan kuyimaadaan
baranaamijka loogu tala galay qaxootiga ee looyaqaano “sponsar” dowlada
Maraykanka ayaa ugu deeqday dadka barakacay inay dibu dadjin balaaran siiso oo
noocwalba isugu jira baranaamijkan ayaa qofka waxuu siinayaa mudo kooban oo
dadlka lagu keeno waxna loogu qabto lagana caawiyo nolsha aasaaska ah ee
aadamuhu ubaahan yahay taas oo mudo kooban ku salaysan oo micnaheedu ahayn inuu
usoconaayo ilaa inta ay joogaan America. Maraykanka ayaa qaxootiga ugu deeqay
lacag, guri, caafimaad, iyo wax barsho bilaash ah balse mudo gaaban ayay ku
eegtahay, waxaa loo ogaaday oo kale in lasiiyo sharciga aasaaska ah ee ay
bulshada kale kula dhaxnoolaan karaan haduu wax kudhaco ama ay socdaal dalka iyo
dibadaba ubaahdaan.
·Somalida ayaa waxay kudhaqamaan si khayaali ah oon dhab ahayn nolshana waxay
kasoo qaadaan wax khayaali ah oo maalmo qura ah, sidoo kale been aan laga
aqoonin wadanka Maraykanka ayay kudhaqmaaan si ay noloshooda usii wadaan taas oo
ay umalaynayaan inay iyaga horumar utahay balse marka la eego dhabta waxay
utahay khasaare aynan kasoo kobcaynin abidkood.
·Somalidu kama faa iidaysanin fursadaha lasiiyay eynan  umadaha kale helin sida
dadka Maraykanka ah ee dalka udhashay. Qiyaas ahaan 20% ama in kayar yaa
waxbarashada loogu deeqay ka faa iidaystay oo horumar kagaaray halka inkabadan
80%  ay yihiin khasaarayaal aan ka faa iidaysanin wakhtigooda.
·Somalida ayaa wali kudhaqma isku dulnoolaansho iyo been abuur ay dowlada wax
kaga cunayaa, si ay u helaan caydha ama uwada cunaan caydha lasiiyo dadka iyagu
caydha uqalma in lasiiyo. Waxaad in badan arkaysaa shaqooyinka oo ay katagayaan
oo si joogta ah uma wadaan shaqada ay bilaabaan halmar, taas oo wadankan
shaqadiisu ay aad iyo aad u adagtahay sharciyada shaqaduna ay aad iyo aad u
adagyihiin, hadana dulqaad iyo samir ma uyeeshaan inay dantooda karaacdaan oo ay
shaqaystaan, inay kacararaana waxaa kalifaaya qofka somaliga ah markaaba waxuu
heli karaa meel uu kunoolaado oo uunan cuno iyo kiro midna kawalwalin
qaraabadisa oo qaadata caydh dagana guri dowladeed ayuu lanoolaanayaa  inta uu
baagamuudada yahay.
·Maraykanka oo lagaga noolyahay waxyaabaha layiraahdo sumcada shaqsiga in
lafiiriyo, ayaa dadka somalidu intooda badan waxay sameeyaan inay suuq madow
kuwada nool yihin, oo waxaad inta badan arkaysaa wax yaabo xaaraan ah xaga
dintaana islaamka oo ay kudhaqamayaan sida nin iyo naag isqaba oo is qarinaaya
si ay caydh uga qaataan dowlada, oranaayana isma qabno ama waxaanahay dad
kalamaqan oon wax xiriir ah nagama dhaxeeyaan (separate)
·Somalida ayaa kudhaqanta arimo badan oon diinta iyo dhaqanka somalida iyo kan
gaalada midna waafaqsanayn. Arimahaas oodhan ayaa ah kuwo jahawareerinaaya oo
kalumiyay mustaqbalki iyo horumarkii  ay kutaamayeen.

Talo soo jeedin:-
·Dadka imaanaya inay kafiirsadaan imaatinka ay imaanayaan wadankan iyo inay
isku dheeli tiraan dhibaatooyinka wadankan leeyahay iyo nolosha ay markaa
haystaan ee xalaasha ah.
·Dadka imaanaya inay kafiirsadaan, keenida da’yarta dalalka shisheeye saamaynta
ay leedahay faa iidada uga imaankarta iyo khasaaraha ay leedahay run ahaantiina
khasaaraha ayaa aad iyo aad uga badan faa iidada ay kahelayaan dadaka da’yarta
ah.
·Dadka imaanaya inay kafiirsadaan lacagta ay dhoof kubixinayaan sida ay kusoo
gashay mudada ay lacagtaas sameeyeen, iyo mudada ay usoo noqon karto kasaare iyo
faa iido labadaba.
·Dadka imaanaya inay kafiirsadaan nolasha halalaaska ah ee looga sheegay
maraykan siiba waxyaabaha ay filimaanta HOLLYWOOD kadaawadaan inaysan jirin.
·Dadaka jooga waxaan kula talin lahaa inay iska badalaan nolasha ay kujiraan oo
waxdhaama waxa  ay  hada kunool yihiin raadsadaan dalkana ay ka faa iidaysataan
balse aynan ku khasaarin.
·Dadka jooga waxaan kula talin lahaa inay kafogaadaan xaaraanta ay garanayaan
ee ay ubareerayaan taasoo dhibaato ku ah mustaqbalkooda iyo mustaqbalka ciyaalka
ay korsanayaan.
·Dadka jooga waxaan kula talin lahaa inay ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka
dalka ay maganta uyihiin sidoo kale diintooda iyo dhaqankoodana ay kufaanaan
kana fogaadaan shaywalba oo ceeb ukeenaya diintooda iyo dhaqankooda, sida
caruurta garacda laga wada dhigay, aabaha laqarinaayo, caydha laqaadanaayo,
shaqada la iska nacaayo, beenta lagu dhaqaayo qoysaska islaamka ah.

Hadalkaygii halkaas ayaan kusoo xiray ninkii dood kaqaba hala soo xiriiri

Mr. Garaad
   ciwaankayguna waa  garaad@minneapolis.com 
 

 

 

RadioJigjiga@hotmail.com  Home Contact Ustop button   Dhageyso Radio Jigjiga  Opinion
  Copyrights © 2000-2008 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.