![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
| Dhaxaltooyo Kursi Qaran BY: Abdullahi Dheel Ku dhaqanka dhaxaltooyo kursi qaran oo dunida ka soo yaraanaysa ayaa dowladda Soomaaliyeed waxaa soo wajahay caqabado la xiriira dhaxalka jagooyinka maamulka dowladda sida Xildhibaanka, Wasiirka, Wasiirku Xigeenka. Ilaa iyo hadda waxaan ogahay in ay dhinteen ilaa (4) xildhibaan, (1) wasiir, (2) wasiir kuxigeen iyo (1) xildhibaan oo kursigiisa ku badashay jagadda abaanduulka ciidamadda. Buuxinta kuraastaan oo dhan ayaa waxaa ka taagan khilaaf aad u adag oo u dhexeeya beesha ay ka dhasheen iyo Ubadkooda (caruurtooda). Waxaa marar badan dhacday in madax dhaqameedyada ay aad ugu dhibtoodeen walina ay ku adag tahay in ay xal u helaan buuxinta kursiga siyaasadeed ay beeshiisa dhexdeeda loolan aad u ba’ani uu ka taaganyahay. Taasoo mararka qaarkood keenta in beesha gudeheedda ay qaar diidaan go’aanka uu soo saaray madax dhaqameedka. Ka dibna kursigii khilaaf awgeed loo buuxin waayo, muddo dheerna uu iska banaanaado. Sadaana ay Shaqadii qaranka ay ku dacdarowdo.
Sida mardhaweydba dhacday, beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed waxaa kusoo aaday hal kursi. Wayna ku heshiin wayday buuxinta xubinta baarlamanka. Ugu danbayntii kursigii waxaa qaatay madax dhaqameedka beesha. Wuxuuna go’aanshay in uu labada jago isku hayo. Waxaa kaloo taariikhda inoo gashay in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu sharciyeestay in ay dhaxlaan jagooyinka ugu waayeyn ee dalka sida wasiir iyo wasiir ku xigeenba. Hadaba, hadii uu buuq badani ka taagan yahay dhaxalka kuraasta baarlamaanka amaba dowladda, Waa in marlabaad uu Baarlamaanku qeexo sidii loo kala dhexli lahaa kuraasta dowladda oo dhan. Haba noqotee eheladooda iyo caruurtoodaba in ay dhaxasho jagooyinka ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed. Taasi haday dhacdo, waxay sahli doontaa in ay xaq u helaan eheladooda ama Ubadkooda inay dhaxlikaraan jagooyinka qaranka ugu sareeya sida Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha iyo wixii la mid ah. Haddaba waxaa loo baahan yahay in baarlamaanka uu shaqadiisa dib u bilaabo uuna guto xilkii loo doortay sida dajinta sharciyada dalka, uuna qeexo “Qodobka Dhaxaltooyo Kursi Qaran”. Siduu doono sharciga ha u qoree waxay daawo u noqon lahayd khilaafaad badan oo hadda jira ama kuwa ku imaan kara habsami u socodka maamulka dalka.
|
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion |

| RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion Copyrights © 2000-2011 Radio Jigjiga. All Rights Reserved. |
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion ![]()
Copyrights © 2000-2011 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion ![]()
Copyrights © 2000-2011 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion ![]()
Copyrights © 2000-2011 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion ![]()
Copyrights © 2000-2011 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion |
RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion |
| RadioJigjiga@hotmail.com Home Contact Us Dhageyso Radio Jigjiga Opinion Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved. |