| | Dad aan waxay qorayaan ama meesha ay taariikhdeeda ka sheekaynayaan aqoonin, hadana isla saxan maxaa lagu tilmaamaa? BY: Jaamac Aw-Cali jigjiga2003@yahoo.com
Waxaan marka hore u mahad celinayaa masuuliyiinta radio jigjiga oo ii saamaxay inaan halkan afkaartayda ku soo qoro. inkastoon dhawr jeer ku hungoobay inaad qoraalkayga halkan ku soo qortaan, hadana waxaan rajeynayaa inaydun markan sii dayn doontaan. Waxaa dhacdey in anigoo booqanaya website ka mid ah kuwa dadka Soomaliyeed ee Ethiopia ay leeyihiin, walibana aan u malayn iney matasho deegaanka Qoraxey, aan ku arkay iyagoo ka sheekeynaya deegaanka iyo gobolada kala duwan ee somali region, kolkaasaan markiiba ku booday akhrintaa qoraaladaas ka sheekaynaya, saan horeba u soo sheegay gobolada kala duwan ee somali region, nasiib xumase kuma arag qoraaladaas waxaan filayey oo ah taariikhda dhulkaas oo aan aad u jeclahay inaan barto, gaar ahaan deegaanada Godey, Wardheer, iyo Jigjiga. Halkaan ka filayey inaan wax wanaagsan oo dhulkaan ku saabsan ka barto, waxaan ku arkay waxaan u malayn inay tahay dacaayadeyn iyo cay aad u foolxun oo ku jeeda deegaandaas, gaar ahaan Jigjiga, kaba darane iyagoo dadka dhulkaa ku tilmaameen dad had iyo jeer mirqaansan, ama wareersan! Markaa waxba yaan qoraalka ku dheeraane ma anaa si kale wax u arkay, mise dadkan waxan qaabka daran cashar quruxsan nooga dhigay, waxoodu waa uun cay iyo aflagaado. Bal hada ila fiiriya qoraalkii aan ka soo qaadey Qorahay Online waa kan hoos ku qoran, hadey maamulka radio jigjiga ii ogolaadaan soo guurinta qoraalka.
Baro Dhulka Hooyo Cashirkii 2aadDhulka Soomaalida Ogaadeeniya sida aan horay u soo sheegnay wuxuu caan ku yahay beeraha iyo Xoolaha Nool, waxaynu maanta cashirkeena ku soo qaadanaynaa Gobol Waliba khayraadkiisa iyo waxyaalaha uu caanka ku yahay hadii aan ku horayno Gobolka Jig jiga.
Gobolka Jig jiga:-
Gobolka Jig Jiga waa Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ogadeeniya waxayna ku taalaa koonfur Galbeed Ogaadeeniya, Magaaladdu waxay ku taalaa Meel god ah waxaana dhexmara Toga looyaqaan Toga Jarareed, dadka ku dhaqan Magaaladaasi waxay noloshoodu ku xidhan tahay 95% waxa ka soo baxa Beeraha, waxaana dhulkaas si weyn loo beertaa ama uga baxa Geedka Jaadka iyo Raashinka Masagada ama Galayda.
Gobolkaasi wuxuu ka kooban yahay Shan Degmo inta aan ognahay dhamaantood waxay isaga mid yihiin dhanka Beeraha iyo qaadka, waxaana ka mid ah Degmooyinkaas, Harta Sheekh, Jig jiga, Alaybaday iyo Fayaanbiiro.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Jig jiga 100% waa dad qaadka cuna waxaanad arkaysaa markasta iyadoo dadku habeen iyo Maalin ay dul fadhiyaan Cunida Jaadka, xilliyada shaqadu ama Xafiis ha ahaato ama shaqo kale noocdooniba ha ahaatee, waa xili kooban wuxuuna qof waliba ku fikirayaa sidii uu u diyaarin lahaa meeshi uu ku qayili lahaa iyo jaadka nooca uu maanta cuni lahaa.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Jig jiga waxay u badan yihiin Soomaali waxaa kale oo iyaguna si weyn u degan qabiilka Xabashida iyo Uraagada kuwaas oo waligoodba deganaa kuna leh Guryo waa weyn ahna dhulka bilicda magaalada ah.
Magaalada Jig jiga waa meesha kaliya ee dhamaan Gobolada Soomaalida Ogaadeeniya aad ka dareemi karto woxogaa horumar ah waxayna leedahay Jidad dhaadheer oo laami ah kuwaas oo iyadana dhawaan loo sameeyey hase yeeshee laamigaasi maaha mid ka baxsan Magaaladda Gudaheeda wuxuuna ku kooban yahay Xaafadaha iyo Jidka dheer ee badhtamaha Magaalada ahna jidka caadiga ah ee isku xidha dhamaan Gobolada Ogaadeeniya iyo Galbeedka Itoobiya.
Dadka Reer jig jiga waa dad shaqaale ah qof kasta subaxda hore waa ordayaa waxaana loo dareerayaa in qof waliba uu diyaariyo nololmaalmeedkiisa, Magaaladda jig jiga Xoolaha lagu gado oo ay isticmaalaan Waxaa looga keenaa Gobolada kale ee Ogaadeeniya sida Gobolka Nogbeed iyo Gobolka Jareed.
Dadka reer Guuraaga ah ee ku dhaqan Banka jig jiga malaha xoolo sidaas ah, waxay dhamaantood ka kooban yihiin beeralayd qofka ugu badani wuxuu leeyahay Saco ama dhawr dibi oo uu beerta ku qoto xoolaha ay dhaqdaani waa lo’ geela iyo adhiga laguma dhaqdo in kasta oo aay jiraan geel iyo adhi aad ku arki karto bankaasi jig jiga hase yeeshee maaha wax la odhan karo waxay ka mid tahay dhaqankooda.
Gobolka Jig jiga wuxuu xuduud la wadaagaa Gobolo badan oo ay ka mid yihiin Galbeed, Harar, Dhanka Woqooyi Galbeed Gobolka Shiniile, dhanka Woqooyi Soomaaliya (Woqooyi Galbeed Soomaalia) dhanka Bari Gobolka Jarareed iyo dhanka Koonfureed oo uu ka xigo Gobolka Nogbeed.
Dhanka Beeraha
Dadka reer jig jiga waxay 100% noloshoodu ku tiirsan tahay Beeraha nooc dooniba ha haatee, waxaana dadkaasi ay beertaan raashinka noocyadisa kala duwan sida, Galay ama Badar, Digir, Laws IWM sidoo kale waxaa qof walba oo reer jig jigaad ahi uu leeyahay Beer Jaad ah kaasoo isaguna qayb weyn ka qaata nolosha qoyska Reer jig jiga maadaama uu noqday shayga kaliya ee gobolkaas ama dalkaas Itoobiya sida weyn looga isticmaalo ganacsigiisa iyo Cunidiisaba.
Raashinka ka baxa dhulkaas banweynaha jig jiga waa mid ku baxa oo kaliya Roobka Guga, dayr iyo Xayska da’a mana jiraan wax beera ah oo lagu waraabiyo Matooro ama ceel haba yaraatee, waxaana xiliyada roobabka la waayo aad u adkaata Noloshada dadka Reer Baadiyaha ah ee ku dhaqan Gobolka Jig jiga, hase yeeshee inta badan waxaa ka da’a roobabka.
Dadka ku dhaqan Gobolkaasi waxay u badan yihiin beeralayd raashinka u soo go’a sanadkaas waxaa lagu guraa Boholo, loo habeeyey raashinka wuxuuna bohoshaas ku jirikaraa muddo dheer ama intii la doono.
Gobolka Jig jiga wuxuu ku yaalaa ban’banaan oo aan lahayn geed la hadhsado waxaana ka dhaca Xiliyada qaarkood qabow aad iyo aad u qabow kaasoo xoolaha iyo dadkaba noloshooda xiligaas dhib weyn u keena in kasta oo ay qabowgaani aanu ahayn mid baraf ah hase yeeshee waa mid dheel iyo qabow leh.
Ugu dambeyntii, akhristow ma soo koobi karo waxyaalaha Gobol waliba uu ku horumarsan yahay waxana dhici karta in aanu waxbadan dhaafno waxyarna aanu ka sheegno marka wixii aqoontayada ah ayaan in shaa allaah markasta idinka soo gudbin doonaa anagoo ku dadaalayna in aan waxbadan oo ku saabsan khayraadka Gobolka aan idiin soo gudbino.
Lasoco qaybaheena dambe Dhulka Soomaalida Ogaadeeniya sida aan horay u soo sheegnay wuxuu caan ku yahay beeraha iyo Xoolaha Nool, waxaynu maanta cashirkeena ku soo qaadanaynaa Gobol Waliba khayraadkiisa iyo waxyaalaha uu caanka ku yahay hadii aan ku horayno Gobolka Jig jiga.

Lasoco qaybaheena dambe dool@qorahay.com contacts@qorahay.com | |