
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Tacsi: Alla ha naxariistee waxaa magaalada Atlanta ku geeriyoodey Maxamed Xasan Kaahin
 Radio Jigjiga (Public Announcement) February-07-2012, Alla ha u naxariistee waxaa magaalada Atlanta, ee gobolka Georgia, USA, ku geeriyoodey marxuun Maxamed Xasan kaahiin oo ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Alla ha u naxariistee marxuum Maxamed Xasan kaahin, ayaa in mudo ah ku xanuun sanaa magaalada Atlanta, taasoo ugu dambeyntii uu ku geeriyoodey isla magaaladaas. Maxamed Xasan wuxuu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur sanadkii 1934kii, reerka reer kaahiin, ayaa ah reer si weyn looga ixtiraamo deegaanka Soomaalida, iyagoo si weyn loogu xasuusto dhinaca ganacsiga oo ay caan ku ahaayeen, siyaasada deegaankana aad ugu jirey. isla markaana ay dad badan soo gacan qabteen, haday noqoto intii Soomaaliya la joogey, ama deegaankeenaba, gaar ahaan Maxamed aabahii Xasan kaahin oo magac weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda.
Maxamed Xasan wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dawlada Itoobiya isagoo markii ugu dambeysayna ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Iran, kadibna markuu shaqadaas ka tagey uu sidaa ku dagey magaalada Atlanta ee dalkan Maraykanka. Hadaba waxaa halkan tacsi uga diraya jaaliyado farabadan oo ay ugu horeyso jaaliyada Araasro.
Innaa lillahi Wa innaa ileyhi Raajacuun. Anagoo ah jaaliyada reer Araarso ee North America waxaan tacsi u diraynnaa dhamman reer Kaahin Gaar ahaan reer Xasan Kaahin geeridii naxdinta lahayd ee ku timid illahay ha u naxariistee Maxamed Xasan kaahin oo 2/4/12 ku geeriyooday magaalada Atalanta, state-ka Georgia ee dalka Maraykanka waxaan leenahay samir iyo iimaan ilaahay ha inaga wada siiyo isagana janadii fardawsa illahay ha ka waraabiyo. waxaanu si gaarana ugu sii dacsiyaynaynaa xaaskii iyo caruurtii uu katagay. Ilayah ha u naxariisto Maxamed Xasan Kaahin.Amiin. Cismaan Balal Maxamed E-mail; osbelel2@hotmail.com
Alla ha u naxariistee taariikhda marxuumka oo faahfaahsan kala soco qoraalada dambe.
| | 
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |