Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Taariikh Nololeedkii Alle Ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Kaahin, 1943-2012

Qore: Maxamed Bakayr
mohamedbakayr@hotmail.com

Waxaa magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, America, ku geeriyooday Maxamed Xasan Kaahin. Alle ha u naxariistee wuxuu marxuumku geeriyooday 4tii bishan Febraayo. Sanadihii u danbeeyay waxay marxuumka iyo reerkiisuba deganaayeen magaalada Atlanta, goobtaas ooy tii Alle ugu timid.

Maxamed Xasan Kaahin wuxuu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur sannadkii 1943. Wuxuu waxbarashadiisii hoose dhexe ku qaatay magaalada Jigjiga; kadibna wuxuu waxbarashada dugsiga sare u aaday magaalada Harar.Wuxuuna dugsiga sare ku dhameeyey magaalada Harar.

Marxuumku wuxuu kasoo cararay dalka Itoobiya Sannadkii 1963; wuxuuna yimid Soomaaliya. Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti ay Itoobiya indha dheer u lahayd dhalinyarada isirkoodu Soomaaliga yahay ee ku noolaa Itoobiya, siiba kuwooda wax bartay. Wakhtigan oo ahaa saddex sano uun kadib markay Soomaaliya xoriyadda qaadatay, waxaa gobolka Soomaalida Itoobiya ka jiray dareen sare oo gobonimo doon ah. Waxayna dhagaha iyo indhaha Soomaalida gobolku ku xidhnaayeen Soomaaliyada kale. Sidaas darteed, Itoobiya way ogeyd dareenka shacabka, siiba ka dhalinyarada.  maxamed-x-kaahin

Marxuum Maxamed Xasan Kaahin markuu Muqdisho yimid, wuxuu shaqo ka bilaabay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Wuxuuna kacaankii 21kii Octoobar dhashay isagoo warbaahinta ka shaqeeya; wuxuuna muddo gaaban ahaa Wariyaha Madaxweynaha. Laakiin wuxuu mudadaas gaaban kadib dib ugu soo laabtay shaqadiisii hore ee warbaahinta. Wuxuu warbaahinta Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan, wuxuuna ka gaadhay ilaa darajada Agaasime Guud  (General Director) ee Idaacadaha Soomaaliya. 

Markii uu bilowday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiy ee ay hormoodka ka ahayd Jabhaddii Somali-Galbeed (WSLF), waxaa marxuum Maxamed Xasan Kaahin lagu soo wareejiyay xafiis ay jabhaddu ku lahayd magaalada Hargeysa. Wuxuuna noqday Guddoomiyaha Jabhadda Soomaali-Galbeed ee Xafiiska Hargeysa. In muddo ah ayuu sii joogay hargeysa kadib markii uu dagaalkii dhamaaday. Ugu danbayntiina wuxuu dib ugu soo noqday jagadiisii hore ee warbaahinta.

Marar badan ayuu  marxuumku waxbarasho dibada ugu baxay. Wuxuuna tababarro kusoo kala qaatay dalalka Maraykanka iyo Jarmalka.

Markii la sameeyay telefeeshinka Soomaaliya, wuxuu noqday Agaasimaha Guud ee Idaacadaha iyo Telefeeshinka Soomaaliya.Wuxuuna jagadaas hayay ilaa burburkii dalka.

Markay Soomaaliya burburtay, wuxuu marxuumku soo aaday magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida Itoobiya. Kadibna wuxuu dhexgalay siyaasaddii Itoobiya ee horraantii sanadihii 1990s. Muddo kadib, wuxuu Maxamed Xasan Kaahin noqday Safiirka Itoobiya u fadhiyay dalka Sanigaal; muddo kadibna waxaa loo bedelay dalka Iran.

Intaas kadib, wuxuu marxuumku sannadkii 1999 magangelyo siyaasadeed ku yimid dalka Maraykanka. Wuxuuna degay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, meeshaas oo uu ku geeriyoodey 4tii bishan Febraayo.

Maxamed Xasan Kaahin wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo carruur 10 kor u dhaafaya oo kala jooga Itoobiya, Europe  iyo North America.

Ilaahay naxariistiisa haku daboolo marxuum Maxamed Xasan Kaahin. Xaaskii, carruurtii iyo ehelkii uu ka tagayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

 

 

 

 
radio on Facebook

beesha xasan CismaanBeesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.