Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Ra'iisul wasaaraha dalkan Itoobiya, iyo madaxweynaha Somaliland, oo wada hadal ku yeeshay magaalada Addis Ababa
Ra'iisul wasaaraha dalkan Itoobiya, iyo madaxweynaha Somaliland
Radio Jigjiga (Addis Ababa) Ra'iisul wasaare Melese Zenawi, ayaa xafiiskiisa magaalada Addis Ababa ku qaabilay madaxweynaha dawlada Somaliland, Maxamed Axmed (siilaanyo).
Madaxweynaha Somaliland, oo booqasho ku jooga dalka Itoobiya, ayaa ay wada kulmeen, Ra'iisul wasaare Melese Zenawi, inkasta oo aan aad loo faaf-faahin, waxay labadan masuul ku wada hadleen, hadana shir jaraaid oo uu bixiyey madaxweyne Siilaanyo, ayuu ku sheegay iney isaga, iyo Ra'iisul wasaaruhu isku af garteen, waxyaabo badan, oo ay ka wada hadleen, sida la dagaalanka burcad badeedka, iyo guud ahaaan arimaha nabadgalyada.

Dhinaca kale, hadal laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya ayaa sheegay, iney labada masuul ka wada hadleen, xal u helida dhibaatooyinka, sida joogtada ah, uga dhaca xuduuda ay labadan wadan wadaagaan.

Laba todobaad ayaa laga joogaa, markii ay ciidamada nabadgalyada ee deegaanku soo qabqabteen, baabur, iyo ilaa ku dhawaad lixdan nin, sida muuqatana safarka madaxweynaha Somaliland, waxay ku tacaluuqdaa arintan.

Si kastaba ha noqotee, hadii uu madaxweynaha Somaliland, ku guuleysto inuu ka dhameeyo Ra'iisul wasaaraha, in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo, gaadiidkii, iyo ragii lala qabtay, iyadoon sida inta badan dhacda, la soo maarin madaxweynaha deegaanka, iyo dawladiisa Jigjiga, waxaan shaki ku jirin, in awoodii madaxweyne Cabdi Iley, ay aad u wiiqantay, isla markaana inqilaab siyaasadeed kaga yimid dhinaca maamulka Somaliland. Balse haduu Cabdi Iley, ku adkaysto, in isaga looga dambeeyo, xal u helida arintan, isla markaana uu sidaas ku dhameeyo, markaa waxaa la odhan karaa, in madaxweynaha deegaanku uu wali leeyahay, awooduu horay u haystay.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.