Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka
Radio Jigjiga (Jigjiga) Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaanka, hadaba samaynta caalamada, ama hasha ku dhex sawiran calanka xisibiga talada deegaanka haya, ayaa lagu tilmaamay, iney samaynta calaamadaas ay ka muuqato jaahilnimo aad u weyn, oo qoraalkii aanu horey uga diyaarinay ku tilmaaney in shaqsiga sameyey uu ahaa shaqsi aan waligiis, wax caalamado (coat of arms) dawlad, ama shirkad ah sameyn.
Hadaba waxaa noo suura gashay inaan ugu danbeyn helo xogtii shaqsigii sameyey, calaamada hasha ee calanka xisbiga, iyo calanka deegaankaba dhex galiyey shaqsigaasina waa madaxweynaha hada talada deegaanka haya ee Cabdi Iley. Walina ma kala cada, inuu garabka nabada diidey ee onlf, ku raali galinayey, una sheegayey inuu meesha iasgu u hayo, in ujeedo kale ay ka ahayd, wixii jiraba waa la ogaan doonaa. Halkan hoose ka akhri sidey sheekada hasha astaanta u ah dawladeena deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhami u dhan tahay looga dhigay astaanka dawlada, hasha waxaa laga keenay sheekadii ninkii hashiisa ku aasay gobolka Dhagaxbuur, markaa waa yaabe, sidee sheeko baadiye hada ka hor ka dhacday, astaantii, iyo calaamadii dawlada deegaanka looga dhigaa?.
Dawlada deegaanku ma reer, amaba shaqsi kaliya ayey matashaa, oo maahan mid loo dhan yahay. Waxaanan qorralkan ka soo qaadnay website-ka wasaarada warfaafinta ee dawlada deegaanka, hadii weebka dawlada laga saaro, halkan ka akhri, iyadoo koobi ah. Hashan waa in sida ugu dhaqsaha badan looga saaro calanka Xisbiga, iyo calanka Dawlada deegaankba, waayo waa calaamad u taagan in beel kali ahi ay dawlada deegaanka iyadu leedahay, amaba aan loo wada dhameyn, calaamad loo wada dhan yahay, oo dhamaan beelaha deegaanka matasha waa in lagu daro calanka, Xisbiga, iyo kan Dawladaba. Hasha, ama geela waa laga dhigi karaa astaamaha dawladeena, laakiin maxaa hasha Garawo looga soocay, ha;aha, ama geela kale, mala othan karaa, waa claamad qabiil, ama beel kaliya u taagan?, doodani necbaansho, iyo si kale maahan ee waa dhisida, iyo si siman u qaybsiga dawlad loo dhan yahay.
Waase yaabe, dawlada, iyo xisbiga deegaanka ma Cabdi Iley, baa iska leh, oo hadba siduu doono ka yeela? arintan waa khiyaamo kale, oo Cabdi Iley lagu dacweyn karo. Mase aragteen in calanka deegaanka lagu kor sawiray sawirkii Sayidka?, akhri; maqaalkan; Halkuu Ku Aasan Yahay Sayid Maxamed Cabdille Xasan: Hawl-Galka Baadi-Goobka Xabaasha Sayidka oo Socota , hadii weebka dawlada laga saaro halkan ka akhri. Ugu danbeyn sheekadii, oo aanaan waxna ku darin, waxna ka jirin akhri. Aad u fiiriya meelaha aanu huruuda ka dhigney, mase ogtahiin in midabka casaan-dacarku uu yahay calanka onlf, (Radio Jigjiga, rests its case! )
Taalo Lagu Xusayo Hashii Taariikhiga ahayd ee Garawo oo Laga Dhisayo Badhtamaha Tuulada Garawo
Jigjiga (SRSINFO) Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday Bandhiga Fikir ku saabsan in taalo Taariikhi ah laga dhiso Tuulada Garawo oo ku taala duleedka Magaalada Dhagax-Buur oo koonfur magaalada kaga beegan masaafo gaadhaysa 15 Km.Fikirkaas uu soo bandhigay Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ayaa daaha ka qaaday Taalo lagu xusayo Hashii caanka ahayd ee Garawo laga dhiso Tuulada ay ku aasan tahay ee Garawo. Hogaanka Maamulka, Cadaalada & NabadgalyadaMudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo bandhigay ifafaalo muujinaya in Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay qorshaha sannad Misaaniyeedka 2003 ee soo socda ay ku darsadaan sidii ay u hirgalin lahaayeen kobcinta goobaha taariikhiga & hiddaha muhiimka u ah dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka Degaanka Soomaalida. Sida la wada ogsoon yahaywaxaa Degaanka Soomaalida laga badalay waxyaabihii muujinayay mabaadiidii Soomaali Waynta ee ku jiray astaanta calanka ee Degaanka Soomaalida, kuwaas oo badalkoodii laga dhigay muuqaal neef geel ah (hal), taas oo dadka Degaanka aad uga farxisay siisayna kalsooni inay calankoodu ku salaysan yahay dhaqanka & hidaha shacabka Degaanka, maadaama dhamaan sagaalka Gobol ee Degaanku ka kooban yahay ay yihiin dad xoolo-dhaqato ah oo xoolaha Geeluna uu yahay ka ugu badan ee ay dhaqdaan. Dhinaca kale, Kalfadhigii 6aad ee Gollaha Xildhibaanada ee Degaanka Soomaalida ee la qabtay Aprill 13keedii 2008, ayaa aad uga dooday badalida astaanta calanka, halkaas oo lagu soo bandhigay calaamado kala duwan oo ay ka mid yihiin Kebad, Hangool, Aqal Soomaali, Neef Lo' ah, Wan, & Neef Geel ah. Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo wakhtigaas ka tirsanaa Guddiga Astaanta Calanka ayaa aad ugu ololeeyay in la qaato neefka Geela, isagoo kaftan ahaan u soo dhigay in jacaylka ay shacabka Degaanka Soomaalida ay u qabaan Geela awgiis ay aaseen neef Geel ah, oo ah hasha ku aasan Tuulada Garawo. Sidoo kale, waxaa Hogaanku uu wakhtigaas ku booriyay in muuqaalka hasha ku calanka lagu sawirayo ay tahay shayga qudha ee dhamaan bulshada Degaanka Soomaalida midayn karta, oo ay aad u wada jecel yihiin Sida ay sheegayaan khabiiro ka tirsan Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Degaanka Soomaalida, waxa ay ilaa hada asteeyeen in taalo sawirka hashii Garawo leh oo fadhida oo ka samaysan dhagaxa nooca loo yaqaan Bronze laga dhisi doono badhtamaha tuulada Garawo.
Qorshaha Taalada Hasha Garawo ee laga taagayo Tuulada Garawo oo wali qabyo ah ayaa muujinaya taalo leh jimidhka hal neef geel ah oo caadi ah (Life Size Statue). Waxaa taalada oo design qabyo ah lagu soo bandhigay lagu muujiyay muuqaalka Hasha oo leh midabkii Casaan-Dacar ee lagu tilmaamay inay lahayd hashaasi. Sawirkan la soo bandhigay ayaa muujinaya Hasha oo si qurux badan u fadhida, isla markaana saaran saalo kor u dhisan oo laga dhex samaynayo meel badhtanka magaalada Garawo ah.
Sida ay sheegayaan xog ay SRSINFO heshay waxaa kulan ay dhawaan isugu yimaadeen abwaano & suugaanyahano u dhashay Degaanka Soomaalida ay ku falanqeeyeen sidii loo yagleeli lahaa taalada hasha. Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) ayaa ku taliyay in taalada hasha laga dhigo mid fadhida. Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxaa uu sheegay in neefka Geela uu u fadhiisto saddex nooc balse hal nooc oo qudha ay u saamaxdo in neefka candhadiisa la arko. Abwaan Axmed Shiine ayaa isna laga soo wariyay in uu keenay midabka ay hashii Garawo lahayd .
Sidoo kale, khabiirada hawshan gacanta ku haya ayaa sheegayaa inay u baahan yihiin wixii talo bixin, taageerid & tusaale ah ee ku saabsan dhismaha Taalada Hasha Garawo. Qofkii fikirkiisa ku darsanaya ha kala soo xiriiro.SRSINFO
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan