Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Cabdi BadeXidhida, iyo xil ka qaadista uu madaxweynaha deegaanku ku sameeyey Cabdi Bade, oo dadweynaha deegaanku si weyn u soo dhaweeyeen, codsina u soo jeediyeen

Radio Jigjiga (Jigjiga) January-15-2012, Xil ka qaadista, iyo xidhidida lagu sameyey Cabdi Bade, ayey dadweynaha deegaanku si weyn u soo dhaweeyeen, Cabdi Bade oo ahaa nin tacadiyo waaweyn ku hayey shacabka, isla markaana si aad ah looga karaahsaday deegaanka Soomaalida.
Sida warka lagu sheegey Cabdi Bade, ayaa lagu xidhey xabsiga magaalada Wardheer, waxaana laga yaabaa in loo soo gudbiyo, meeshuu sida weyn u yaqaaney ee jeelka ku yaala magaalada Jigjiga, jeelkan ayuu Cabdi Bade, xafiis ku dhex lahaa.

Cabdi Bade, oo mudo dheer haystay, ciidamada xabsiyada ilaaliya ee deegaanka, ayaa ahaa nin cabsi, iyo argagax xun ku hayey shacabka deegaanka.
Ninkai ma lahayn awood uu wax ku soo xidho, balse, waxa looga cabsado waxay ahayd, kadib markii dadka la soo xidho, ayaa waxaa dhici jirtay inuu siduu doono ka yeelo, haba ugu sii daraato inuu qofkuu doono dhinaca gudaha Itoobiya u sii gudbiya, taasoo marka dambe, ay dhibaato weyn dadkaasi kala kulmi jireen, xabsiyadayaas la geeyo, sidoo kalena ayba dhici jirtey in ay adkaato soo deynta dadkaas.

Codsi ku jeeda madaxweynaha deegaanka
tooshka
Sida ka muuqata xidhida, iyo xil ka qaadisata lagu sameyey Cabdi Bade, waxaa la odhan karaa waa guul siyaasadeed oo u soo hoyatey madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud, waayo waa markii ugu horeysay ee uu madaxweynuhu maqlo, isla markaana ixtiraamo codsi dadweyne, oo ku jeeda wax ka qabashada madaxda dawlada deegaanka ka tirsan ee tacadiyada geysta, sida codsigan shacabka gobolka Wardheer oo kale.

Hadaba sidoo kale, ayaa madaxweynaha laga codsanayaa inuu isna xilka ka qaado gudoomiyaha hogaanka nabadgalyada C/laahi Itoobiya, waayo C/laahi Itoobiya waa Cabdi Badaha reer Jigjiga, sida reer Wardheer uga dacwoodeen Cabdi Bade, ayey reer jigjigana u dhibsadeen C/Laahi Itoobiya, oo laga wada dharagsan yahay tacadiyada uu ku hayo reer jigjiga beel kasta oo ay yihiinba.
Cabdulaahi Yusuf Weerar, runtii waa carqalada koobaad ee madaxweynaha ka hortaagan inuu si dhab ah maamulkiisu u taabo galo, dhinaca xidhiidhka dadweynahana waa guul daro, iyo cambaareyn joogto ah, C/Laahi Itoobiya, fashilid, iyo shirqool maahine, wax kale kulama jiro dawlada deegaanka, intuu cadaw, iyo waxyeelo u keenay madaxweynaha deegaankana xisaab ma laha, xag kasta oo ninkan laga eego, waa ceeb, iyo fadeexad taagan goor kasta.

Haduu madaxweynuhu ixtiraamo, oo xushmeeyo codsiga ay reer jigjiga u soo gudbinayaan, waxaan shaki ku jirin, iney wax weyn ka badali doonto, mucaaridnimada ay dawladiisa ku yihiin shacabka reer Jigjiga, iyo warbaahinada madaxa banaan oo boogani ugu horeeyo, runtiina waxaa la odhan karaaa waa talaabadii koobaad ee dib u heshiisiin buuxda oo dhexmarta maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, iyo inbadan oo shacabka deegaanka ka mid ah, siiba reer Qabri Bayax.
Ugu dambeyn C/laahi Itoobiya, Cabdi Bade, iyo kuwo kale oo badani waa carqalada hor taagan in si buuxda loo aqoonsado horumarka uu madaxweynuhu deegaanka u keenay sida aqoonsiga shan, iyo tobankii degmo ee uu sameeyey sanadkii hore. Sameynta degmooyinkani waxay ahaayeen guulo taariikhii ah, oo wakhti dheer lagu xasuusan doono Cabdi Iley, balse waxaa haboon inuu guushaas is raacsado, isagoo ka bilaabaya xilka qaadista, iyo soo xidhida C/Laahi Itoobiya.



 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.