
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Cabdi Iley oo xero ciidan inta lagu xareeyey, laakiin aduunka ugu sheekeeyey wax kale
Radio Jigjiga (Jigjiga) Madaxweynihii deegaanka ayaa lagu xareeyey xero saraakiisa ciidamada, iyo siyaasiyiinta eprdf lagu tababaro, xeradan ayaa ku taala duleedka magaalada Addis Ababa. Hadaba waxaa dhacday in todobaad ka hor, Cabdi Iley lagu xareyey xeradaas, sababta loo xareeyeyna waxaa lagu sheegey in la siinayo tababar xaga maamulka ah, iyo guud ahaan ku dhaqanka shuruucda dalka u yaala.
 Laakiin waxaa lala yaabay, oo dadkii arintan sida dhabta ah ula socday, yaab, iyo af kala qaad ku noqotay, beenta uu Cabdi Iley ku soo qoray, bogga beenta badan ee cakaaranews, taasoo uu ku sheegey inuu booqasho ku marayo gobolada Dhagaxbuur, iyo Fiiq, hadaba miyeysan dadka badankiisu ogeyn inuusan cabdi Iley seexan karin xataa magaalooyinka goboladaas, isagoon xero ciidan galin maahine, iskaba daa inuu dhulalkaas iska dhex mushaaxo.
Waxaa Radio Jigjiga la soo gaadhsiiyey xog dhab ah, taasoo ah in sidii horeyba looga sugayey uu ku xarooday xeradii loogu tala galay, balse uu been ka sheegey safarkiisa, taasoo uu ugu talagalay, in loo qaato sidii nin masuul ah oo kale, misana dadkiisa jecel, halka uu jaadka ku cunayo xerada lagu xareyey dhexdeeda.
lasoco wararka dambe!
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |