Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Xasuuqii lagu sameyey deegaanada Ceel Baxay, iyo Cobosha oo lagu xidhiidhiyey, rag madaxweynaha deegaanka aad ugu dhaw



Radio Jigjiga (jigjiga) Waxaa wali isa soo taraya wararka ku saabsab, xasuuqii ay maalmo ka hor ciidamada Liyu bolisku ka sameyeeen, deegaanka Ceel baxay ee Gobolka Jigjiga ka tirsan, iyo deegaanka Cobosha.
Hadaba wararka, ilaa iyo hada laga hayo xasuuqaa, sida naxariis darada ah, ayaa wali kooban, akhbaarta laga hayaana, aad bey u kooban yihiin, warka xasuuqan oo faahfaahsan ka akhriya Kilil5.

Markaa, wuxuu warku intaa ku darayaa, in ninka la sheegay inuu watay ciidamadan dadka badan xasuuqay, oo lagu magacaabo Barax, ahna sarkaar sare oo ka tirsan ciidamada Liyuuga, misana la aaminsan yahay inuu madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, aad ugu dhaw yahay dhalasho ahaan.Ceel Baxay
sarkaalkan ayaa la rumaysan yahay in ciidamada dawlada dhexe la tageen, ilaa iyo hadana lama oga meesha loo kaxeeyey, waxayn u badan tahay, in dambi lagu soo oogo.

Waxaa kaloo jira, sdia dad xogogaal ahi Radio Jigjiga u sheegeen, in nin ganacsade ah, kana mid ah raga kuntaraadyada (contract) ugu waaweyn qaata ee deegaanka, laguna tilmaamo isna inuu reer ahaan madaxweynaha deegaanka aad ugu dhaw yahay, ninkan wali ma hayno magaciisa oo sugan, laakiin wuxuu dhawr jeer xoolo u badan lo' ka soo iibsadey deegaankas, isagoo xoolahaas u dhoofiya dhinaca Somaliland, iyo Puntland, laakin mudo hada bil laga joogo, ay dadkii deegaanka is qabteen, taasina keenatay in ninkan ganacsadaha ah, haba yaraatee awood u waayey, inuu wax xoolo ah ka soo iibsado dadkaas xoola dhaqatada ah, ugu dambayna waxaa la sheegay in ninkaa ganasadaha ahaa dadkii ay is qabteen, uu ciidamada Liyuu Booliska kor keenay goor subax hore ah, waana, ujeedada loo xasuuqay shacabkaas maatada ah ee aan waxba galabsan, dadka meeshaas lagu dileyna, badankoodu waxay u badnaayeen, dadkii xoolaha lahaa, iyo dilaaliintii xoolaha.

Markii dacwo, ay dadkii deegaanku u gudbiyeen xaga dawlada dhexe, ayaa Cabdi Iley, si xun loogu soo canaantay xasuuqa dadkaas, waana sababta uu madaxweynuhu booqashada deg-dega ah ugu tagay tuulada Ceel Baxay.
Inkasta oo dadweynaha deegaanka Ceel baxay, ay ka biyo diideen, iney habayaraate wax taageero ah u muujiyaan socodkiisa daacad-darada ah ee ugu yimid shacabkaas, ayey hadana odayaal xaga magaalada Jigjiga laga keenay, dadkii kala iibsadeen, laakiin sida warku sheegayo; waxaan caruur ahayni goobta ma iman, sidoo kale ayaa cakaaranews lagu soo qoray, inuu deegaanka Ceel Baxay, ka tirsan yahay degmada Jigjiga, warkaasina waa been cad, waayo deegaanka ceel baxay, wuxuu hoos tagaa degmada Gursum, iyo Baabili, qaybta gobolka Jigjiga.

Madaxweyne Cabdi Iley, ayaa lagu sheegaa inuu dano siyaasadeed oo waaweyn ka leeyahay deegaanka Gursum, iyo Baabuli, waayo dhulkaa waxaa xuduud la leh degmada Galaalshe oo dhawaan Cabdi Iley degmo ka dhigay, maadama ay horey beesha Maalinguur, ugu sheegeen Cabdi Iley: inuusan beesha Jidwaaq marnaba u ogolaan, iney deegaanka Galaalshe, ama dhinaca dooxada Daakhato deegaan ku yeeshaan, waxay kaloo u sheegeen, in haduu u fuliyo arintaa, ay iyana dhankooda ka caawin doonaan, la dagaalanka garabka nabada diiday ee ONLF, waana sababta uu galaalshe degmo uga dhigay si looga hor tago ineysan beelaha Jidwaaq dhulkaas degin.

Si kastaba ha ahaate, lama garanayo in dilka shacabkani yahay, barakicin la doonayo in laga barakiciyo, dhulkooda, iyo inkale, laakiin wax walba oo Cabdi Iley kula kaco reer Jigjiga, ama sameeyo waa in shaki, iyo aamin daro lagu qaabilo, ilaa ay noqoto si kale.
Ugu dambayn lama hubo, in talaabo sharci ah laga qaadi doono, iyo inkale saraakiisha, iyo askarta ka tirsan ciidamada Liyuu Booliska, ee dadweynaha deegaanku argagaxa weyn ka qabo, had, iyo jeerna xasuuqa foosha xun kula kaca dadka deegaanka.



  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.