Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Xasilooni, iyo ku dhaqanka sharciga oo dib ugu soo noqonaya deegaanka

Radio Jigjiga (Jigjiga)  Laba sano ku dhawaadkii la soo dhaafay, ayaa deegaanka waxaa ka jiray, xasilooni daro, dadka oo layska xidho, iyo guud ahaan cabsi weyn oo dadweynuhu ka qabo dawlada deegaanka.
kala dambayntii, iyo u hogaansanka sharciga, ayaa markale laga dhex arkayaa iney deegaanka Soomaalida dib ugu soo noqonaysa, sida laga warqabo, waxaa bilihii la soo dhaafay jirtay, in iska dilka, iyo iska xidhka shacabku uu aad u badnaa, taasoo la arki jiray in reero dhan oo nabadgalyo ku degan ay maleeshiyo ka amar qaadan jirtay Cabdi Iley, ay xasuuq, iyo xad gudubyo kale kula kacaan shacabka rayidka ah.
raashin
Hadaba labadii todobaad ee la soo dhaafay, misana la shaaciyey in Cabdi Iley, laga qaaday jagadii madaxweynenimada deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in markii ugu horaysay labadii sano ee la soo dhaafay, ay shacabka deegaanka, iyo ciidamada Liyuu Boolisku si nabadgalyo ah isku dhex galaan, dadweynaha deegaanka ayaa cabsi weyn ka qabay, ciidamada Liyuu Booliska, taasoo ay ugu wacnayd dhibaatooyinka had, iyo jeer laga sheego liyuuga, sida dad bilaa sharci loo xidho, amaba waxyaabo ka xun lagula kaco.

Balse, xasiloonidan deegaanka ku soo korodhay, ayaa lagu xidhiidhiyey, ka maqnaanshaha uu deegaanka ka maqan yahay Cabdi Iley, sidoo kale, ayuusan isagu wakhtigan hada ah, wax talo ah ku lahayn, hab-maamulka, iyo socodsiinta hawlaha dawlada deegaanka.
Dhinaca kale, dadweynaha deegaanka, ayaa si weyn u soo dhaweynaya maqnaanshaha Cabdi Iley, iyagoo sidey yeeleen maalintii ciida oo kale, iskugu hambalyeynaya xukunkiisa ay sida aadka ah uga raysteen.

Waxaa kaloo, iyana si weyn ugu faraxsan, ka maqnaanshaha uu Cabdi Iley, ka maqan yahay deegaanka, ganacsatadii iskaga kala safri jiray gobolada kala duwan ee deegaanka.
Ganacsatadan, ayaa ka caban jiray isbaarooyinka, ama jidgooyada sharci darada ah, ee maleeshiyo taabacsan Cabdi Iley, ay dhigan jireen agagaarka magaalooyinka waaweyn sida Qabridahare, Qabri Bayax, Dhagaxbuur, iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn, war aan wali la xaqiijin ayaa ku waramaya, in nabadgalyada la helay ay ugu wacan tahay, maamulka ciidamada Liyuuga, iyo arimahii nabadgalayada oo gabi ahaanba laga wareejiyey Cabdi Iley, iyo kuwuu ku adeegan jiray. Sidoo kale, ayey dhamaan gudigii fulinta ee xisbiga, iyo golihii wasiiradu ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, sida warku sheegayana, wali ma kala cada wakhtiga ay Jigjiga dib ugu noqonayaan, amaba ay warbaahinta u sheegi doonaan, ujeedad safarkooda.
Balse, safarkooda u badi hawlaha dhinaca dhabar ka taabashada ah!.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.