Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Wiilkii sida weyn loo raadinayey ee ina Qadaafi oo la soo qabtay

Radio Jigjiga (Tripoli) 11-20-2011 Wiilkii loogu raadinta badnan, intii Libya soo gubtay ee bah Qadaafi, ayaa isagoo rafaadsan laga soo qabtay koonfurta dalka Libya.
Ninkan oo lagu magacaabo seef al Islaam, ayaa ay jabhadii qadaafi khadka ka saaratay, soo qabteen.
Seef Al qadaafi
Seef Al islaam, ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa, kan ugu dhaw siyaasad ahaan, iyo dhan kastaba marka loo fiiriyo caruurta kale ee Qadaafi dhalay.
Waxaa kaloo lagu xasuustaa inuu ahaa af hayeenkii u hadli jiray dawladii uu aabahiis hogaamin jiray, gaar ahaan markay dawladaasi sii dhacaysay, sidoo kale ayuu ahaa ninkii idaacadaha layska arko ka hadli jiray isagoo intaas hanjabaad ku jira, misana farta ku fiiqi jiray, shacabkii kacdoonka kala hor yimid dawladii isaga, iyo aabahii hogaaminteeda hayeen laba, iyo afartankii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa la rumaysan yahay inuu Seef ku talo jiray inuu dalka dibada uga cararo, balse ay sirdoonka dawlada ku meel gaadhka ah ee Libya soo heleen xog ku saabsan isaga, iyo meeshuu joogo, kadibna sidaas lagu soo qabtay.

Dhinaca kale, waxaa warku intaa ku daraa, in isaga markii la soo qabtay, ay ciidamadii soo qabtay, ka jareen, amaba ka gooyeen laba farood, ka dibna sidaa lagu xidhay.
Sida la rumaysan yahayna waxaa loo gudbin doonaa maxkamada caalamiga ah, si dambiyada lagu eedaynayo inuu galay, looga abaal mariyo.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.