
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Wasiirka shaqada, iyo arimaha bulshada ee dawlada dhexe C/Fataax Sheekh C/Laahi oo ku sii sifoobaya waxqabad la'aan, iyo karti daro
Radio Jigjiga (Faalada RJ) Shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhibaatooyin badan kala soo kulmi jiray dawladihii iskaga kala danbeeyey ee dalka Itoobiya ayaa nasiib daro weyni, wakhtigan hada ah ka haysataa ineysan helin, madax si dhab ah wax ugu qabata, isla marakaana si buuxda wakiil uga noqota dawlada dhexe. Taniyo intuu ay qawmiyada Soomaalida Itoobiya si buuxda u heleen iney sida qawmiyadaha kale ee dalweynaha Itoobiya iskood isku maamulaan, ayey hase ahaatee, ayna shacabka deegaanku helin madax, iyo wakiilo si buuxda loogu kalsoonaan karo oo iyaga si daacad, iyo hawl karnimo ku jirto u matala.
 Bil ka hor ayuun bey ahayd, markay shacabka deegaanku lumiyeen, jagadii wasiirnimo ee C/raxmaan Guray, uga wakiilka ahaa dawlada dhexe. Cabdiraxmaan Guray, ayaa la tilmaamaa in xilka looga qaaday inuu shaqadiisii sidey ahayd u gudan waayey, taasoo ugu dambeyn keentay in xilkii looga qaado karti xumo darteed. Cabdiraxmaan Guray, jagada uu dawlada dhexe ka hayey, waxay ahayd xaafiis muhiimad weyn leh, waayo wuxuu ahaa xafiiska laga xukumo wasaarada ugu horeysa arimaha ganacsiga ee qaarada Afrika, wasaarada ganacsiga ee dawlada Federal-ka ayaa haduu hawl karnimo la imaan lahaa Guray, ay suuragal noqon lahayd, in shacabka deegaanka dhaqaalo badan, iyo arimo dhinaca ganacsiga ah ku soo kordhin lahayd.
Hadaba sidoo kale, ayaa wax jago wasiir buuxa ah wakhtigan hada ah, deegaanka ugu matala dhinaca dawlada dhexe Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi, bal markaa aynu isku yara da'yno inaynu qiimayn ku samayno, dibna u eegno waxqabadka, isla markaana tooshka u shidno wakiilka sare ee deegaankeenu ku leeyahay dhinaca Federal-ka, waa wasiirka shaqada, iyo arimaha bulshada ee dawlada dhexe.
Qiimaynta, iyo soo bandhigida waxqabadka Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi
Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi, wuxuu ka mid yahay, dadka lagu tilmaamo iney la hana-qaadeen dhismaha ismaamulka Soomaalida, waxaana la sheegaa in ilaa, iyo intuu maamulku jiray uu Cabdifataax, xilal kala duwan ka soo qabtay, inta badana maamul uusan masuul sare ka soo noqonin, ma jiro, sidoo kale, waxyaabaha ninkan lagu xasuusto ayaa waxaa ka mid ah, inuu caan ku ahaa dagaal joogto ah oo dhexmara, isaga iyo madaxdii ka sareysay. Cabdifataax, ayaa lagu sheegaa inu dhalinyaro badan, oo lagaba yaabo iney isaga ka karti, iyo waxqabad badnaayeen, uu garabka ku riixay, ama uu dagaal sokeeye la galay, dabadeedna sidaas khadka uga baxay. Sida la wada ogyahayna arintani waa mid aad u baahsan, dad badana ka dharagsan yihiin.
 Nasiib daro Cabdifataax malaha haba yaraatee wax record wax qabasho ah oo la soo qaadan karo, ma jirto hal shaqo, ama mashruuc horumarineed oo Cabdifataax lagu qiimeeyo inuu shacabka deegaanka u sameyey, hadaba waa wax laga naxee, waa maxay sababta uu uu wakhtiga intaas dhan dawlada deegaanka ugu jiray?. Marka isaga la barbardhigo madaxda kale, waxaa kuu soo baxaysa inuu Cabdifataax yahay kan ugu waxqabadka yar, amaba ka sii darane aan waligii lagu xasuusan karin wuxuu deegaanka u qabtay, iskaba ilow amaan la siiyee. Sida odayaasha reer Qabri Bayax, ay ku kaftamaan "walee ina Sheekh Cabdulaahi Yare, baan cidina shaah uu u shubay haakah la odhanin", ayuusan lahayn tixraac waxqabad. Cabdifataax ayaa lagu lagu tilmaamaa inuu yahay, dadka nooca loo yaqaano "dantood malaasato" dadka magacan wata ayaa aan lahayn, awood, iyo karti ay dadkale wax ugu qaban karaan, waxa kaliya ee ay qabtaana waa uun iney lafahooda shaqo u helaan.
Shacabka deegaanka oo ka daalay, madax aan karti, iyo awood waxqabad lahayn, baan u baahnayn, shaqsiyaad danaystayaal ah, ee waxay u baahana yihiin, madax karti, iyo waxqabad leh, madax aysan ku cuslayn oo kaliya la dagaalanka shaqsiyaadka ay is hayaan, iyo danahooda gaarka ah, madax qawmiyadaha kale la xisaabtami kara, xaqoodana aan cidna uga waaban. Markuu Cabdi Iley, magacaabayey shan, iyo tobanka degmo, Cabdifataax, wuxuu ahaa gudoomiyaha xisbiga, balse isagu (Cabdifataax) sida la sheego kamaba warqabin sida wax loo wado, iyo magacawyada degmooyinka cusub. Marka miyaan la odhan karin, Cabdifataax, waa shaqsi aaan haba yaraatee laysku halayn karin shar, iyo khayrba. Magacawga degmooyinkani, waxay ahaayeen wax aad muhiim u lahaa, waayo shacabka deegaanku xaq bey u lahaayeen helida arintan, kuwo kalena waan sugeynaa in dadweynaha deegaanka loo samaeeyo. Dadkeenu mudo badan bey dulmanaayeen, ee waxaa la soo gaadhay wakhtigii qawmiyadaha kale, lala simi lahaa.
Si kastaba ha noqotee, waxaa looga fadhiyaa wasiir Cabdifataax, inuu dadweynaha deegaanka uga faaiideeyo dawlada dhexe, gaar ahaan shaqaaleynta oo dadka deegaanka Soomaalida ka soo jeeda aad ugu yar yihiin shaqaalaha dawlada dhexe, in mudo ahna laga hor taagnaa. Ugu dambeyn, haduusan Cabdifataax la imanin karti, iyo waxqabad muuqda, ha ogaado inuu jidkii dhabar ka taabshada ee Cabdiraxmaan Guray, qaaday, uu isagana u furan yahay.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |