Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Warside cusub oo ku soo biiray, warsidayaasha deegaanka, gaar ahaan kuwooda runta wax ka qora

Radio Jigjiga (Minneapolis) Waxaa warbaahinta arimaha deegaanka wax ka qora ku soo biiray, warside cusub, warsidahan ayaa, durbaba aad loogu amaanay, sidey xaqiiqda, iyo waxa ka jira deegaanka, uga hadlaan.
JilibCaro
Hadaba warsidahan cusub, oo la yidhaahdo JilibCaro, ayaa ah mid durbaba dadka akhriyaa aad ula dhaceen qoraaladooda, waayo warsidahan, waxaad moodaa iney xogta Cabdi Iley, aad ula socdaan, gaar ahaan waxaa lagu farxay, sidey uga waramaan, kooxda aynu horey ugu bixinay bahbililiqo, iyo sidey u yihiin, dhawr mooryaan, aadna u xishood daran, misana xidid wada ah.

Markaa waxaa dhacday, in markii ay walaalaha JilibCaro, xaqiiqda ka hadleen, ay sidii caadada ahayd nacam la yaashii Cabdi Iley, ay cay, iyo af la'gaado kala hor yimaadeen warsidahan, iyagoon kaba sii darane, wax su'aal ah iska weydiin, in waxa warsidahani qorayo, run tahay, iyo inkale, isla markaana iska dhigaya iney iyagu yihiin kuwa sharciyada saxaafada dajiya, bahda Radio Jigjiga, ma cambaareyso shaqsiga, ama warsidaha taageera Cabdi Iley, ama ka hor yimaada, ee laakiin waxaa haboon ineynu hadaan nahay, warbaahinta madaxa banaan ee deegaanka, aynaan dhexdeenu is caayin, isna cambaareyn, tartan cadawnimo lehna ina dhex marin, ee aynu danta guud ka hadalno, meelo kala duwanba la kala jirnee.

Waxaan leenahay walaalaha JilibCaro, soo dhawaada, nalana qaybsada, dabka sharafta leh, ee aanu horey ugu jirnay, fadlan ha daalina, hana niyad jabina, wax kale uma baahnidin, ee bahda Radio Jigjiga ku dayda, gurigii saxaafada madaxa banaan, horaanu u dhisnay, ee furaha qaata, magacna samaysta, shar, iyo khayr sidaad ku heshaanba. Lana socda canaan ka yaab reer ma doojoo!, nin cay, iyo af xumo ka cabsadeyna cidna wax ma taro.
Rug cadaaga Radio Jigjiga, iyo maamulkeeduna taagero weyn oo xaga farsamada ah, waa laydiin ka caawin doonaa.
Inkasta oo aan cidina aqoon wakhtigan hada ah, akhyaarta ka dambaysa bogan, hadana waxaa iska cad, iney yihiin rag, dadnimo, iyo geesinimo eebe ugu deeqay.

Ugu dambeyn wuxuu Radio Jigjiga ugu deeqayaa Jilibcaro, waxa ugu weyn ee urur, ama shirkad cusubi u baahan tahay, taasoo ah, in la baarto, oo dadweynaha loo sheego (exposure to the public), Radio Jigjigana waa hogaamiyaha warbaahinta deegaanka, markaad Jilibcaro, waad shaqeysateene, ka caba, ceelka saxaafada xorta ah.

 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.