Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Warmurtiyeed naga soo gaadhay Odayaasha, iyo Cuqaasha degmooyinka Araarso, iyo Qabri Bayax

Radio jigjiga (Qabri Bayax) Warmurtiyeed degdeg ah oo maanta naga soo gaadhay Odayaasha, iyo Cuqaasha degmooyinka Araarso, iyo Qabri Bayax ayaa lagu sheegay; inJidwaaq madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar uu baryahan dambe wado olole lagu doonayo in laysku diro beelaha walaalaha ah ee wada daga degmada Araarso.

Hadaba warmurtiyeedkan oo ay ku saxiixnaayeen sadex Caaqil oo ka mid ah Caaqilada sida weyn looga tixgaliyo beesha jidwaaq dhexdeeda, gaar ahaan Abaskuul, ayaa cabasho weyn ka muujiyey olole ay sheegeen inuu ka dhexwado beesha dhexdeeda, madaxweynaha deegaanka, iyo shaqasiyaad kale oo isagu soo dirsaday, ololahaas ayey cuqaashani ku tilmaameen, inuu yahay mid la doonayo in layskaga horkeeno beelaha Abaskuul ee dega degmada Araarso, iyo deegaanada ku dhow.

Waxgardkan ayaa sidoo kale ku eedeeyey inuu baryahan dambe caadeystay madaxweynaha deegaanku inuu hanjabaad, caga-jugleyn, iyo xadhig kula dhex jiro, waxgaradka, iyo siyaasiyiinya guud ee beesha jidwaaq, iyagoo sii wata warmutiyeedkan ayey farta ku fiiqeen, in madaxweyne Cabdi Iley, uu u adeegsanayo gudoomiye ku xigeenka hogaanka, Cabdulaahi Yusuf Weerar, siduu burbur, iyo waxyeeloyin u soo gaadhsiin lahaa beesha jidwaaq, Cuqaashan ayaa tusaale u soo qaatay xadhigii dhawaanta lagula kacay siyaasiyiin, iyo wax garad ka soo jeeda beesha.Cabdulaahi ItoobiyaCabdi Iley

Ugu dambeyn ayey Cuqaashani ugu baaqeen, madaxweynaha deegaanka inuu ka daayo beesha hanjabaada, iyo caga-juglaynta joogtada ah, uuna ula dhaqmo siduu ula dhaqmo beelaha kale ee deegaanka kula nool.
Sidoo kale ayey ugu baaqeen madaxda ka soo jeeda beesha Jidwaaq; inaan loo adeegsan waxyeelaynta beesha, ayna la socdaan wax walba oo ay sameeyaan, in lala socdo, isla markaana xisaabtan ka dambeyn doono.


Odayaasha, iyo Cuqaasha waanu ka reebnay magacyadooda, balse cida doonaysa iney la xidhiidhaan Cuqaasha, halkan kala xidhiidh.








 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.