Wareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
Jigjiga (RJ) 28-May-2011. Wareysigan uu warsidaha afdheer.com la yeeshay bilihii la soo dhaafay Axmed Sheekh Maxamed oo horey u ahaa madaxa xafiiska cilmibaadhista ee deegaanka, ayey dad badani ku tilmaameen inuu ahaa xog waran, iyo tusaale aqooneed oo uu Axmed Sheekh ka bixiyey sida dhabta ah ee ay dawlada deegaanku u shaqeyso. Axmed Sheekh oo inta badan lagu tilmaamo madaxdii faro ku tiriska ahayd ee deegaanka soo martay, taniyo markii dhidibada loo taagay, kuwooda ugu tacliinta badan, si gooni ahna isaga loogu tilmaamo inuu aqoontaas ku darsadey karti, iyo hawlkarnimo. Hadaba wareysigaas oo laba qaybood ahaa ayuu Axmed aad uga waramay sababihii keenay isku dhaca isaga, iyo madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, halkan ka akhri Q1aad, Q2aad, ama halkan ka akhri wareysiga oo dhamaystiran (PDF). Dr. Axmed Sheekh ayaa ugu horeynba markiiba iska fogeeyey masuq-maasuqii uu Cabdi Iley ku sheegay inuu Axmed Sheekh ku kacay, isagoo walibana aad uga biyo diidey haba yaraatee inaan xilkii uu hayey looga qaadin, hawshiisii oo uu sidey ahayd u gudan waayey, ama haba yaraatee inuu la yimid wax karti daro ah, amaba uu lunsaday xoolo dadweyne, balse uu ku eedeyey madaxweynaha qudhiisa, Cabdi maxamuud inuu ka been sheegay waxqabadkii uu Dr.ku caanka ku ahaa mudadii uu hayey xilka xafiiska cilmi baadhista. Isagoo Axmed hadalkiisa sii wata buu xusay in dhamaantood eedahaasi ay yihiin been abouur, iyo dacaayad la soo dhoob-dhoobay, ujeedada laga lahaana ahayd sidii magaca looga dili lahaa, waana buu yidhi, Axmed Sheekh "arin dib ugu noqotay kuwii soo abaabulay sumcad dilkaa foosha xun".
Xafiiska cilmi baadhista deegaanka oo la sheego inuu Axmed Sheekh naftiisu udubada u taagay, uu manafacaad badan u soo hoyey gobolo ka mid ah dhulweynaha deegaanka Soomaalida, waana wax laga xumaadee uu Dr. Axmed wareysigaa ku sheegay in isxagashada, iyo midi-midi ku taaga lagu yaqaan madaxda deegaanka, ay keentay in ismaamulada Canfarta, iyo kuwo Shucuubta Koonfureed si baaxad weyn uga faaideysteen waxyaabihii aqoonta, iyo farsamooyinka laga helay, amaba uu sameyey xafiiska cilmi baadhista ee Axmed Sheekh horseedka ka ahaa, balse ay dad badani rumaysan yihiin, xagal-daacadaa ku timid guud ahaan hawlihii xafiiskan muhiimada culus ugu fadhiya shacabka deegaanka, ay sabab u ahayd loolanka, iyo is-hardiga ay madaxda sare ee dawladu iskula kacaan, kaba sii darane si gooni ah loogu eedeeyo, madaxweynaha hada talada deegaanka haya, oo isaga la sheego iney caado u tahay majaxaabinta raga madaxda ah ee dadweynaha dhexdoodana sumcada, iyo qadarinta ku leh, haday rabaanba madaxdaasi waxtar, iyo horumar haba u wadaan deegaanka, sida Dr. Axmed Sheekh oo kale oo sidaan carabaabnay hawshuu ummada deegaanka u waday ay ahayd, hawl, nin kasta uusan qaban karin, laakiin ah mid u baahaan shaqsi tacliin sare u leh adeegan muhiimka ah.
Si kastaba ha noqotee dad badan baa aaminsan in sababta Dr. Axmed Sheekh xilka looga xayuubiyey, ay saldhig u ahayd cabsi xaga xukunka ah oo uu madaxweynuhu ka qabay Dr.ka, maadaama bay leeyihiin uu axmed Sheekh ahaa nin si weyn ugu dhaw shacab weynaha deegaanka (very popular leader), walibana sida laysa dhexmari jirey loo haystay inuu ahaa ninkii badali lahaa madaxweynihii hore, Daauud Maxamed Cali, oo isagu lagu tilmaami jirey nin aan dadku jeclayn.
Aynu hadaba wareysigaa waxyar sii guda galnee, Axmed Sheekh, ayaa ku tilmaamay in Cabdi Iley, uu eedaynu wax kama jiraan ah dusha uga tuuro, dadka uu u arko iney isaga la gali karaan loolan siyaasadeed, amaba inta badan ay daweynuhu la jiraan. Shacabka deegaanka Soomaalida oo iyagu ka daalay madaxda caadeysatey in wax lagu xukumo qas, xasarad joogto ah, iyo hantida shacabka dhibaateysan oo loola dhaqmo sidii bangi shaqsi leeyahay oo kale (personal banking account).
Hadaba waa wax laga argagaxee goormay shacab weynaha deegaanku heli doonaan, madax u qalanta iyaga, oo danta guud ka hormariya tan gaar ahaaneed.