Wareegii hore ee qiimeynta madaxweynaha deegaanka oo dhamaaday, iyo eedaymo cusub oo loo soo jeediyey
Radio Jigjiga (Addis Ababa) Qiimeyntii ugu horeysay ee lagu qaado madaxweynaha deegaanka, ayaa warku sheegayaa in lagu kala tagey, iyadoon wax go'aan ah, laga gaadhin sida laga yeelayo eedaymihii lagu soo oogay, madaxweynaha deegaanka. Cabdi Iley, oo baryahanba ay dawlada dhexe, uu xidhiidhkoodu aad u hooseeyey, ayaa talaadadii la soo dhaafay, isaga si gooni ah qiimeyn loogu qabtay.
Hadaba qiimeyntaas cabdi Iley loo qabtay, oo sida warku sheegayo ay goob joogayaal ka ahaayeen, wasiiro heer federaal ah, ayaa madaxweynaha si buuxda loogu soo oogey inuu ku sifoobay musuqmaasuq, iyo maamul xumo. Sidoo kale, ayaa waxaa dhacday in isla madax sare oo kale, ay tageen magaalada Jigjiga, halkaana ka soo qaateen, warbixino kale, oo ku saabsan eedaymaha lagu soo oogay Cabdi Iley. Ugu dambeyn ma kala cada in qiimeyntan, iyo eedaha la socda, ay keeni karto in Cabdi Iley, dambi lagu soo oogi doono, iyo inkale, balse waxaa si weyn loo rumaysan yahay, xaalka madaxweyne cabdi Iley, uu wakhtigan hada ah, aad u marayo meel halis ah.
la soco wararka dambe
|