Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Warbaahinaha madaxa banaan, iyo maamul goboleedyada Soomaalida ee geeska Afrika oo iska hor imaad ka dhex aloosan yahay
Horn cabdle TV

Radio Jigjiga (Faalada RJ)  January-16-2012,  Warbaahinaha madaxa banaan, iyo dawladaha maamul goboleedyada Soomaalida ee geeska Afrika ayuu iskhilaaf weyni ka dhex taagan yahay, iska hor imaadyadan ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu ka yimaado dhinaca dawlada, iyo madaxda talada haysa.
Hadaba madaxdan ayaad moodaa iney wali ku fikirayaan sidii loo cadaadin jirey saxaafada xorta ah, balse wakhtigan hada la joogo aad bey u adagtahay in la cadaadiyo saxaafada xorta ah, waayo tiro ahaan, iyo isgaadhsiinta dunida oo wakhtigan meel aad u sareysa maraysa.

Iska hor imaadkan ugu dambeeyey ayaa ka dhashay, kadib markii suxufiyiin si nabadgalyo ah uga banaan baxayey xidhidii la xidhey xafiiskii Horn Cable TV, ee magaalada Hargeysa, dabadeedna sida la wada ogyahay waatii wariyaashii sida nabadgalyada ah codkooda u dhiibanayey lasoo xidh xidhey, tirada wariyaasha la xidhey ayaa gaadhayey 22 wariye.

Wali makala cada sababta runta ah ee loo xidhey wariyaashaas, balse dad badan ayaa rumaysan iney xidhida wariyaashu lug ku leedahay colaada dagaal ee ka dhex bilaabaty dawlada Somaliland, iyo jabhada ururka SSC.
Si kastaba ha noqotee waxaa la rajeynayaa in wariyaasha sida ugu dhaqsaha badan loo sii deyn doono.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.