War deg deg ah; Daanyeerkii Cabdi Iley, oo markale, dadweynihii deegaanka af duubay
Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-24-2011, War deg deg ah oo naga soo gaadhay xaga magaalada jigjiga ayaa sheegaya, Gudoomiyihii Xisbiga talada deeganka, la qaaday gudoomiyanimadii xisbiga. Sida warku sheegayao, baryihii la soo dhaafay ayey labadan nin, tartan adag oo dhinaca xukunka ahi ku dhex jiray, taasoo ka dhalatay, ka dib markii Cabdi Iley, ay madax badan oo ka tirsan dawladiisu dacwo ka qoreen, iyagoo ku eedaynaya inuu Cabdi Iley, iyo qaraabadiisu hanto aad u badan, ka lunsadeen dawlada deegaanka. Hadaba, wuxuu kaloo uu warku intaa ku darayaa in Cabdi Iley, uu todobaakii ina dhaafay, uu shirar, iyo qaylo dhaan kula dhex dhacay odayaasha, hogaamiye qabiilka u ah xubnaha gudiga fulinta, taasoo ugu dambeyn keentay, in Cabdi Iley, uu gudigii fulinta ee xisbiga ka dhigo, miduu qabiil ugu ooyo, isagoo baa la yidhi ku leh, hadaan aniga Cabdi Iley ahi tago, magaalada waa laynaga saari, iyo miduu laaluush siiyo, sidaasaana markii codka la qaaday, uu gudoomiyihii hore meesha uga baxay, waa Cabdifataax Sheekh cabdulaahi.
Laakiin dad sharciga xisbiga deegaanka u yaala, aad ula socda, ayaa Radio Jigjiga, u sheegay in madaxweynuhu jid, ama wado sharci daro ah u maray, isbadalkan, sidaa darteedna laga yaabo, iney isaga naftiisa dib ugu soo noqoto.
Gudoomiyaha cusubi waa ninka la yidhaahdo, Maxamed Rashiid Isaaq, ninkan gudoomiyaha cusub ah, ayaa lagu tilmaamaa nin qonyar socod ah, oo aan caanaha ka daadin karin, Cabdi Iley, inta badana lagu tilamaamo inuu u qariyo lacagta Cabdi Iley dadweynaha deegaanka ka lunsado, sida riigaga ceelasha qoda ee laga soo iibiyeye dalka Talyaaniga, horeyna cabdi iley u sheegay iney ku baxday lacag dhan $10,000,000 Million (toban Milyan oo doolar) balse la sheegay iney ku kacday, lacag ka yar, laba milyan.
Si kastaba ha noqotee, maahan markii ugu horeysay ee Cabdi Iley, xilka qaadis ku sameeyo Cabdifataax, ee waxaa dhacday, in sidan oo kale uu cabdi Iley, gudiga fulinta, iyo wasiirnimadiiba ka qaaday sanadkii 2007dii. laakiin ugu dambeyn ayuu Cabdifataax ku soo noqday, isla isagiina madax u noqday, markaa la arki doone, sida arini ku dambeyn doonto.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan