Radio Jigjiga (Jigjiga) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, uu maalmihii la soo dhaafay, xasbiga u taxaabay culimadii magaalada jigjiga. Sida hadaba warku sheegayo, culimadan ayuu cabdi Iley, xabsiga ka buuxiyey, ka dib markii ay ka soo noqdeen, shir ay mudo yar, ka hor ku lahaayeen magaalada Harar. Waxaa la sheegaa in markii horeba, wadaadadan si aan toos ahayn, loogu diiday iney ku shiraana magaalada Jigjiga, sababtana waxaa lagu sheegaa, iney ugu wacnayd, wadaadada ururka uwslf, ama kuwooda dibadaha ka yimid, oo la rumaysan yahay, iney dhagaha ka haystaan madaxweynaha deegaanka, wadaadada ururka uwslf, ayaa inta badan, Cabdi Iley, kala taliya arimaha diinta. Sidoo kale, ayey iyana wadaadadii taariikh ahaan deegaanka xaga diinta xooga ugu lahaa, gaar ahaan, kuwooda ehlu suna, ama suufiyada, ay si weyn uga hor yimaadeen, qabsashada la sheego in madaxweynaha, ay diin ahaan qabsadeen, wadaadada cusub, ee dibadaha ka yimid, maadaama ay aqoonta diintu aad ugu yar tahay madaxweynaha deegaanka.
Hadaba waxaa dhacday in wadaadada, ehlu suna ay codsadeen, iney shir diineed ku qabsadaan magaalada Harar. Qodobadii ay ka wada hadlayeen, wadaadadani, ayaa waxaa ka mid ahaa, cabasho ay ka cabanayeen iney culumada uwslf, la wareegeen, arimahii diinta ee dawlada deegaanka, waa sidey hadala u dhigeene, waxay kale oo ay ka biyo diideen, waxay ugu yeedheen, madaxda deegaanka oo ogolaadey in madaxa laga qabsado.
Arinta kale, ee ay culimadani ka cabanayeen ayaa waxaa ka mid ah; in culimada nabada qaadatay, ay dhaqaalihii deegaanka culays weyn ku soo kordhiyeen, maadaama uu madaxweynuhu qandaraasyo waaweyn u saxiixay, wadaadada dibadaha ka yimid, oo ehla sunuhu ku eedeeyeen, in laga yaabo inuu Cabdi Iley, si qabiilaysi ah ku soo dhaweystay, waana cabashadan dambe, baa la leeyahay meesha ay madaxweynaha iska galeen, isla markaana soo dadajisay xadhigooda.
Wali ma kala cada, in wadaadadan la xidhay, la sii deyn doono, iyo in kale, sida baryahan magaalada Jigjiga, laga arkana waxaa ka jira tartan, iyo loolan xaga diinta ah, kaasoo la sheegayo, in si weyn looga dareemayo guud ahaan deegaanka.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan