
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Waa Waray.. Waa Waray, war tuugii weynaa ee Cabdi Iley, oo dad kale ku eedeeyey tuuganimo
Radio Jigjiga (Jigjiga) Bucur-Bacayrkii xatooyada, iyo dhaca hantida dadweynaha deegaanka ku caan baxay, ayaa dad kale ku eedeeyey iney xoolo dhaceen, isla markaana hanti dadweyne ku maqan tahay, walee bilaash horey looma odhanin "tuugu intaadan tuug odhan, buu adiga tuug ku yidhaahdaa".
 Sida Cakaara ceeb badan lagu soo qoray ninka uu Cabdi Iley ku eedeeyey inuu hanti dadweyne lunsaday waa wasiirkii hore ee maaliyada, ninka lagu magacaabo Cumar Xaaji, ninkan ayaa ka soo jeeda degmada jigjiga, sida la sheegana ma uusan ahayn, dadka Cabdi Iley ku raacsan dhacida dhulka Jigjiga, iyo bililiqada ay beesha ina Iley ka wado degmada, iyo magaalada Jigjigaba.
Waxaa hadaba iska cad, in eedaynta uu Cabdi bililiqo u soo jeediyey Cumar Xaaji ay tahay, amaba ku salaysan tahay arin siyaasadeed (politically motivated agenda), waayo waxaa hada ka hor la xasuustaa in uu Cumar Xaaji aad uga biyo diiday, kadib markuu ma xishoode ina Iley soo xidhay Suldaanka beesha Yabaree (Jidwaaq) Suldaan Busuri Suldaan Nucmaan, xidhidaas Suldaanka oo ay ugu wacnayd kadib markuu Suldaanku diiday in dhulkii beeshiisa ee airport-kii hore ku yaalo, uu ina Iley u saxiixay ganacsato beeshiisa ka soo jeeda.
Si kastaba ha ahaatee, bal aynu sida saxda ah ee arintu tahay u qiimayno (let us give Iley, the benefit of the doubt) Cumar Xaaji wuxuu ku magacawnaa wasiirkii maaliyada ee 12kii biloow ee ugu horeyey maamulka Cabdi Iley, sida la wada ogsoon yahayna, Cabdi Iley ayaa isagu si buuxda u haystay maamulka hogaanka nabad galyada, iyo xafiiska maaliyada, inkasta oo ay C/Laahi Itoobiya, iyo Cumar Xaaji, si magac u yaal ah ugu kala magacawnaayeen, labadaas xafiis. Dhinaca kale waxaa Cumar xaaji, xafiiska maaliyada uga hoseeyey Khadar Cabdi Ismaaciil, oo wakhtiigaa sida runta ah, kaba awood badnaa ninkii xafiiska maaliyada uga sareyey ee Cumar Xaaji, lana socda Khadar Cabdi waa seediga Cabdi iley.
Marka cadaaladi Ilaaheed bay taqaanaaye, sidey ku dhacdaa in nin madax ah oo misana kor, iyo hoosba laga joogo uu hanti ku dhici karaa?, mise meesha wax kale ayaa ka socda, oo xatooyaba maahan, meel kale haka raadin, Cabdi Iley, wuxuu horey u sheegtay in shaqsiga kala hadla, ama wax su'aal ah ka keena qorshihiisa fashilan ee magaalada Jigjiga ku jeeda iney is gali doonaan, arintan cid kale ha waydiin ee qoraaga boggan ka wareyso.
Ugu dambeyn, isla aragnay in beenaale Iley, markale, ay bahda Radio Jigjiga fashilin, iyo tuuganimadiisa dibada soo dhigeen, iyad oo ay waliba markaan cadaymo la socdaan. Hadaba, waa in ninkii uu tuuga Jigjiga dhaca, iyo bililiqada u yimid dambi been ah ku soo eedeeyo, ay lagama maarmaan tahay inuu sharciga adeegsado, isna daafaco, garyqaanana magaalada Addis Ababa ka qabsado, lana socda waxa kaliya ee uu inta badan ku meel maraa waa wuxuu sidey u dhanayeen Ogaadeen ku baabi'yey taasoo ah, in dadkuu neceb yahay uu ugu yeedho UBO, iwm, balse idinka reer Jigjiga, arintan qiil uma haysto ee sidii lo'dii ceelka Qaaxa, boor ku gufeeya, taasuu yaqaanaaye!. Sidoo kale, waa in si buuxda loo fashiliyo tuuganimada, iyo beenta ninka gabalkiisii sii dhacayo, bahda RJ-na waanu sii wadaynaa soo fashilintiisa, ilayn "dameer aad saaran tahay dhuusadiisu waxba kuma yeeshee"
-la soco wararka dambe-
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |