
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
 Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Radio Jigjiga (London) Cilmi baadhis lagu sameeyey video game-ka ay caruurtu ciyaarto ayaa lagu ogaaday iney caruurta ciyaarta u keento hoos u dhac dhinaca maskaxda ah. Cilmi baadhistan ayaa lagu ogaaday iney caruurta wakhtiga dheer siisa, ama inbadan ciyaarta video game-ka ay koritaankooda wax u dhinto, isla markaana ay curyaanimo xaga maskaxda ah u keento caruurta sida ba'an u ciyaarta.
 Cilmi baadhistan oo ay samaysay haweynayda lagu magacaabo Baroness Greenfield, oo horay u ahaan jirtay madaxa macadka Royal Institution ee ka dhisan dalka boqortooyada Ingiriiska (United Kingdom) ayaa ogaatay in daawashada uu ilmuhu daawado muraayada computer-ka ay isbadalo muuqda ku keento maskaxda caruurta, taasoo marka dambe dhalisa in ilamahaasi marka dambe la yimaado dhibaato xaga dhaqanka ah, iyo guud ahaan dad la dhaqankiisa, taasoo aakhirkana laga yaabo iney cunugaas u horseedo iney qayb ka mid ah maskaxdiisu yaraato.
 Baadhistan ayaa waxaa kaloo lagu ogaaday iney ciyaarida, iyo daawashada video game-ka, gaar ahaan kan computer-ka, ama tv-ga lagu ciyaaro ay ilamaha dhaxalsiiso inuu noqdo mid dhaqan ahaan ka go'an caruurta kale, inta badana ilmahaasi uusan la saanqaadi karin dhexgalka caruurta kale (behavior problems).
Waxaa kaloo lagu ogaaday cilmi baadhistan in caruurta sida aadka ah u ciyaara video game-ka ay la soo darsaan dhibaato ah dhinaca waxbarashada, taasoo iyana ilamaha u keenta iney xauustiisu yaraato, sidoo kale ayaa la ogaaday in ilmaha aad u isticmaala video game-ka ay koriin xumo ku dhacdo, arintan baa lagu xidhiidhiyey iftiinka, aaladaha kala duwan ee computer-ka, ama tv-ga ku jira ay ilamaha faragashi ku samayso sidey maskaxdoodu u shaqayso (electronic interference). Dhinaca dad la dhaqanka caruurta ayey iyana isbadal ku keentaa ciyaarida video game-ku, taasoo lagu arkay baadhistan in caruurta aad u ciyaarta, ay ka dabeecad xun yihiin, ilamaha aan aad u ciyaarin, marmarna waxaaba dhacda in cunuga aad u ciyaara video game-ka lagu arko oohin, iyo cabasho xad dhaaf ah.
Ugu dambeyn ayey dhakhaatiirta caruurtu ku talinayaan, in caruurta loo badiyo iney dibada guriga aad ugu ciyaaraan, sida iney geedaha koraan, amaba kubadaha kala duwan ciyaaraan, iyagoo badaniya orodka, halkay wakhti dheer ka galin lahaayeen video game-ka iwm, iney ciyaaraan.
Waxaa maqaalkan qoray, soona turjumay; Tafaaftiraha Guud ee Radio Jigjiga; C/Raxmaan Sheekh Xasan.
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |